Friday 11 September 2009

SALAADIINTA SOMALILAND OO SHEEGTAY IN AY ISU SOO DHAWEEYEEN LABDA DHINAC EE KHILAAFKU U DHAXEYO

SALAADIINTA SOMALILAND OO SHEEGTAY IN AY ISU SOO DHAWEEYEEN LABDA DHINAC EE KHILAAFKU U DHAXEYO

Salaadiinta Somaliland ee ku jiray Dhexdhexaadinta Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Somaliland ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa.

Saladiinta oo uu u hadlay Afhayeenka Salaadiinta Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa sheegay inay ku guulaystayn inay isku soo dhaweeyaan dhinacyada isku haya siyaasada isla markana la dajiyey xaalada dalka ee kacsan.

Suldaan Cumar wuxu sheegay in ay iyagu markii hore ku jirayn Xalinka Khilaafkii hore ee siyaasadeed balse Arrintan Golaha Wakiiladu ay ahayd dul ka Hoor isla markasna ay u guntadayn in xal loo helo, Suldaanku wuxu sheegay inay la kulmayn labada dhinacba waa Xukuumada iyo Shirgudoonka Golaha Wakiilada, isla markaasna ay dhinac walba ka ogolaadayn inay Wada hadal ku xaliyaan Khilaafka Jira

Afhayeenka Salaadiinta Somaliland ee Dhexdhexaadinta Suldaan Cumar wuxu intaa ku daray inay Xukuumadu ogolaatay in la furo Golaha Wakiilada taa badalkeedana ay Shirgudoonka iyo Mucaaradku joojiyaan Dadweynaha ay mudaharaadka ugu yeedhay si arrinta Caga dhulka loogu dhigo.

Suldaanku wuxu intaa ku daray inay la kulmayn Madaxweyne Rayaale iyo Shirugudoonka oo labada dhinacba ka ogolaadayn in la Furo Golaha isla markana la xaliyo Khilaafka jira.

Madaxweyne Rayaale ayaa Guddi Wasiiro ah u saaray xalinta arrintan iyadoo guddidaasi la kulmayn Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo sida wararku sheegayan ay isku afgartayn qodobo hor dhac ah.

No comments:

Post a Comment