Thursday 10 September 2009

NINBA WUXU GALAB-SADO BUU GAAXDEEDA MAALAA !!!

NINBA WUXU GALAB-SADO BUU GAAXDEEDA MAALAA !!!

NINBA WUXU GALAB-SADO BUU GAAXDEEDA MAALAA !!!

Manfacaad dhiga-taad midhihiisa cuntaa, waxay tahay qof kastaba waxa uu shaqaysto ayuun buu if iyo aakhi-roba helaa una aayaa, haddii uu godob, eex, munaafaqa, diradiraa-lanimo, been iyo iska hor keenid, qabiilayste magac reer ku shaqaysta, hadana aan wax uu u tarayaa jirin, in uu kolba dhibaato iyo dagaal sii geliyo mooyee, tuug xaaraan yahan ah oo intaas u wareegaaya wax uu dhuunta ku qooyo si kasta-ba haku helo'e, weli maan arag mudo 3 sano iyo badh ah oo aan ku jiray margeetan oo aan ka mid ahay maamulka iyo kuwo kale aan mararka qaar-kood waxa kale qaadano, sida togaherer,togdheer, hadhwanaag qof aan is idhaaho waa dhexdhe-xaad marka laga reebo ilaa 3 ama 4 qof, kuwaas oo ah raga inta badan ku soo bandhiga fekra-dooda, mareegtan kana mid yihiin qoorgees, xaamud ducaale iyo dhawr kale sida MR DHIIN, malaha waxa soo raaca tiro aad u yar, sida MR M.M IBRAAHIM, ABDIAZIIZ, inteena kale sida aynu u dhanahay waxan mnahay doc iskaga baydh, garan karin
qoraalka aynu qoraynaa dhibta uu abuuraayo, marka aad meel uun la fuusho sanka laguu geliyey oo aan la fahmi karin waxa dusha uga baxday, qaarna waxay yihiin geed sare waab waxay doonayaan shar iyo khayr midna aan kala sooci karin, kama hadalo difaaca dalka marka ay wax ka sheegaan, SOMALIYA, PUNTLAND,JABUUTI, AL-SHYAADIIN ( WAA LA SHABAABE),waxan si SHARAF MUDAN ugu mahad naqayaa Mr QOORGEES oo isagu mar walba u jawaaba kuwa sare ku qoran oo ah cadawga runta ah ee aynu lee-nahay, tahay-na in aan meel uga soo wada jeesano, oo mar qudha af iyo gacan kula dhaqaaqno, welise waxa jira oo xaqiiq ah in aynaan heer-kaas QOORGEES gaadhin wadaniyadu wax mansuuliyad iyo xil inaga saara-nina, damqasho aynu isku dayno in aan digiiga-xanona ima ay soo marin, ninka keli ah ee aan mar walba arkaa waa QOORGEES RABI haka siiyo jasaa'igiisee, iimana muuqato wax u jeedaa oo kale, sidaas awgeed waxan iska nahay kuwo iyaku la isu diray.

Waxa la yidhi maroodigu takarta ku joogta ma arko ee ta ka kale ku taagan buu ishiisu qabtaa, waxay ii sheegaysaa murtidani in aynu nahay bahal-kaas tiisa aan ka shaqayn, ee loo diray wax ka sheega kuwo kale, wax inaga qarsoona maaha, ma helaysid weligaa ruux ka hadlaaya dhalii-shiisa, ama khaladka uu lee-yahay garabka uu yahay, beesha uu ka soo jeedo, cida uu taabacsan yahay, ee waxa la ina daba dhigay faaqi-daada, fara gelinta qaybaha kale in uu lugta ku walaaqo, bal soo sheeg mid qudha oo u jawaabay , jabuuti, somaliya, puntaland, al-shabaab iyo tan imika taagan ee INA CABDI GODANE iyo dhcdooyinkii hore ee la midka ahaa, ninka keli ah ee intuba ay damaqday waa MR QOORGEES, malaha weli maydin isu fiirsane, waxa ILAAH inagu mash-quuliyey, xusbi faanis iyo nin daba roor la isku keen jeediyey oo aan isku fooraro ilaa yoomal-qiyaa-maha inta uu ILAAHII lahaa dunidan uu u tasha-naayo ee la gaadhaayo maalintii uu ugu talo galay in uu caynka iyo bayda u gooyo,
waana maalinta farta laga saaraayo wixii aad hore u soo tab-catay xumaan, wanaag, khayr, shar, cibaado, sadaqad, axsaan, waa la iskala tegayaa dhuran-kan kursi raaskan, magac doon-kan, laan-dheere iyo reer hebel, madax baan ahaan jiray, magtaa-daan beysteyn-beysteyn u bixinayaa, hebel ku canaad iyo beel heblaayo, taageerada qaawan, gardarada la isugu garab yeelaayo, cadaalad xumida,, intaas oo dhibaato ah iyo qaar kale oo aan la soo koobi karin ma arkayno, waxan in badan ka fekeray MAXAAN CADAWGA SOMALILAND UGU JEESAN WAYNAY? EE INAKA ISKU KEEN BURBU-RIYEY/ee aan u kala dhamaan la'nahay? wixii haya jawaab fasilaysa su'aalahan waxan rabaa in aad iiga soo jawaabtaan.

*N.B ANAYS BADAY UURKU TAALADA.
OODWEYNENEWS.COM

No comments:

Post a Comment