Tuesday 15 September 2009

WAA IN LA SOO QABTAA ASKARTII DHIMASHADA & DHAAWACA GEYSATAY SHARCIGANA LA HORKEENA XISBIGA KULMIYE

WAA IN LA SOO QABTAA ASKARTII DHIMASHADA & DHAAWACA GEYSATAY SHARCIGANA LA HORKEENA XISBIGA KULMIYE


Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in Guddiga Nabadgalyada Gobolka Hargeysa uu xukun ku riday 40 qof oo ka tirsan kuwii ka qayb qaatay Mudaharaadkii Rabshadaha watay ee dhimashada iyo dhaawaca keenay.

Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu sheegay in dadkaas Xukun lagu riday iyadoon aan la marin sifihii sharciga ahaa oo aan Maxkamad la geyn.

Wuxu sidoo kale KULMIYE warsaxafadeedkiisa ku sheegay inay usoo jeedinayaan Xukuumada inay gacanta kusoo dhigto Askartii xabada riday ee dadka laysay waa sida lagu sheegay warsaxafadeedka oo Sharciga lamariyo.

Warsaxafadeedka KULMIYE ayaa u Dhignaa Sidan:

“Waxaynu wada ogsoonahay oo ka warqabnaa inay ciidammada booliska iyo kuwa dambi-baadhidu ay qabqabteen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba laga soo bilaabo maalintii Sabtida ee taariikhda 12 September 2009 ilaa maanta la wado qabqabashooda, maalintaasi oo ay dadweynaha Hargeysa ay muujiyeen taageerana ay siiyeen xildhibaandada Golaha Wakiilada kuwaasoo ay xukuumaddu ka xidhay, kana qufushey Golihii fadhiisinka u ahaa ee ay ku shirayeen. Waxayna xildhibaanada iyo dadweynaha taageersani socod ku soo mareen cusbitaalka guud hortiisa iyagoo kusoo jeeda xarunta Golaha Wakiilada si ay Xildhibaanadu u gutaan hawl maalmeedkooda. Haseyeeshee, waxa halkaasi ka horyimi oo is-hortaagay ciidammada booliska oo hubaysan una diiday inay u gudbaan xarunta.

Diidmada loo diiday Xildhibaanada inay galaan xarunta waxay dhalisay isku dhac ciidammada booliska iyo Xildhibaanda, waxaanna Xildhibaanada u gurmaday shacabweynihii la socday oo si salmiya u garab galay Xildhibaanda, kuna guulaystay inay gudaha geliyaan. Arrintani waxay dhalisay inay ciidammada boolisku rasaas oodda kaga qaadaan xildhibaannada iyo shacabweynihii weheliyey, taasi oo keentay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Rasaastii ciidammadu waxay goobtaasi ku dishay seddex dhallinyaro ah, waxayna ku dhaawacday in ka badan 20 qof oo kaleeto oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Ciidammada Boolisku waxay isla markaasi bilaabeen inay qabqabtaan dadweyne aad u tiro badan oo boqol qof kor u dhaafay; waxayna hadda ku kala xidhan yihiin saldhigyada booliska ee Koodbuur, Qudhac-dheer, saldhigga Dhexe iyo xarunta Dambi-baadhida ee Hargeysa. Waxa kale oo ay ciidammada Dambi-baadhida iyo kuwa Sirdoonku bilaabeen ogaadhsiga dad kale oo fara badan oo guryahooda lagu weeraray iyadoo ay ku andacoonaya inay ka qeybgaleen Isu-soo-baxaasi Sabtida.

Sida la wada ogyahay waxa maanta (shalay) ee 14 September ay Guddiga Nabadgalyada Gobolka Maroodi-jeex ay xadhig min lix (6) bilooda ku xukumeen 40 qof oo ka mida ahaa shacabweynihii la qabtay maalintii taageerada salmiga loo fidiyey Xildhibaanda. Dadweynahaasi la xukumay lama soo taagin maxkamad sharciya, isla markaana looma qabanin garyaqaano u doodda.

Haddaba Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE wuxuu marka hore cambaareynaa dilka, dhaawaca iyo xadhigga loo geestay shacabka aan hubka waddanin ee fara madhnaa iyo hanjabaada iyo cagajugleynta joogtada ah ee lagu hayo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE wuxuu u sheegayaa xukuumadda Rayaale inuu xaq u leeyahay inuu difaaco oo ilaaliyo taageerayaashiisa. Sidaasi daraadeed, waxaannu u soo jeedinaynaa xukuumadda:-

1. In la soo qabto askartii geesatay dhimashada iyo dhaawaca isla markaana sharciga la hor keeno,

2. In dadka xidhan ee hadda hoganaya saldhigyada booliska iyo xarumaha dambi-baadhida la soo daayo, loona soo celiyo xorriyadooda shuruud la’aan iyo

3. In la joojiyo baadi-goobka iyo cagajugleynta lagu hayo taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kana waantoobaan ciidammada xukuumaddu weerarka lagu hayo qoysaska iyo guryaha taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

No comments:

Post a Comment