Tuesday 15 September 2009

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS JAAMACADDA HARGEISA

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS JAAMACADDA HARGEISA

Image and video hosting by TinyPic
Jaamacadda Hargeysi ( University of Hargeisa) waxay dadwaynaha ogaysiinaysaa in ay bilaabmidoonto isdiiwaangelintii sanadka cusub ee waxbarashada ( 2009/2010) bisha September 15keeda 2009, socondoontona ilaa 15ka oktoobar 2009.

Ardayda jecel inay ku soo biiraan Jaamacadda Hargeysa waxaa la rabaa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:

1- Inay buuxiyaan foomka dalabka qoritaanka jaamacadda .
2- Inay la yimaaddaan shahaadadda asalka ah ee dugsiga sare, oo darajada gudubku ay tahay “C” ugu yaraan, iyo sawirkeeda oo caddayn rasmi ah leh, ama shahaaddad u dhiganta oo wadata aqoonsiga Wasaaradda Waxbarashada ee S/land.
3- In uu bixiyo kharashka khidmadda (service fee) oo dhan $20, kuno shubo A/C # D1006/ Dahabshiil ee Jaamacadda.
4- Inuu keeno afar sawir (passport size) oo caddaan iyo madow ah (black and white).
5- Inuu u fadhiisto imtixaanka gelitaanka Jaamacadda kuna gudbo darajada “B” ugu yaraan.

Kuliyadaha Jaamacaddu waxay ka koobanyihiin:

1- Kuliyadda Qaanuunka( Law)
2- Kuliyadda Ganacsiga iyo Maamulka( Business & Management)
3- Kuliyadda Dhaqaalaha (Economics)
4- Kuliyadda ICT (Information and Communication Technology)
5- Kuliyadda Science& Technology
6- Kuliyadda Waxbarashada( Education)
7- Kuliyadda Carabiga iyo Diraasaadka Islaamiga(Arabic&Islamic Studies)
8- Kuliyadda Luqadda Ingiriisiga ( English )
9- Kuliyadda Caafimaadka( Medicine)

Jamacadda Hargeysi waxay gacmo furan ku soo dhawaynaysa ardayda cusub una balanqaadaysaa tacliin tayo leh iyo baraamij waxbarasho oo dhinac walba leh oo anfaca naftooda, wadankooda,waalidkood iyo diintooda.


Hadaba Foomka dalabka( Aplication Form) waxaa laga qaadanayaa Xafiiska Diiwaangelinta ( Registration Office) ee Jaamacadda ama kala bax websiteka Jaamacadda oo ah www.hargeisauniversity.net

Wixii macluumaad dheeraad ah kala xidhiidha xafiiska diiwaan gelinta Jaamacadda 515921 (Telesom)

No comments:

Post a Comment