Tuesday 15 September 2009

SIDEE AYUU U DHACAY WEERARKII LAGU DILAY SAALAX AL NABHAANI

SIDEE AYUU U DHACAY WEERARKII LAGU DILAY SAALAX AL NABHAANI

Sidee Ayuu u Dhacay Weerarkii Lagu Dilay Saalax Ali Nabhaan.



Website uu leeyahay Ciidanka Maraykanku ayaa lagu Qoray in nin ka tirsan Sirdoonka Maraykanka uu si qarsoodi ah ula soo xidhiidhay warbaahinta, isaga oo sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay ku raad joogeen dhaqdhaqaaqa Saalax Nabhaan, sida laga soo xigtay ninkaa waxa si mug leh uga qayb qaadanaayey daba galka lagu hayey Saalax adeegayaal Soomali ah oo si toos ah u soo tabinayay dhaqdhaqaaqiisa. Waxa uu sheegay Masuulkani in howlgalkan uu ogolaaday Madaxweyne Obama.



Dayaaradaha fulyey Weerarka waxa ay ka soo keceen Markab taagan badweynta Hindiya, kadib markii ay heleen xog ay ku kalsoon yihiin oo u sheegtay halka uu marayo Saalax iyo lix nin oo Shisheeye ah kuwaas oo watay laba gaadhi. Howlgalkan oo lagu fuliyay si degdeg ah 1-dii duhurnimo xiliga Soomaliya, waxa ka qayb qaatay lix Dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca, Dusha waxa kala socday oo i laalinaayey ciidan heegan ag ah oo saaraa Markabka ay ka soo duuleen, kuwaas oo loogu tala galay in u gurmadaan ciidankooda waa haddii ay ku go'doomaan Gudaha Somaliya.

Dayaaradaha qaar ka mid ah ayaa duqayn fudud u gaystay labada gaadhi si aanay u Guban Gawaadhidu iyo dadka saarani, Muhiimada ay rabeen ayaa ahayd in ay hubiyaan cidda saaran gawaadhida. Ciidanku waxa ay isticmaaleen Shiish-yahano "Snipers", kadibna ragii saaraa Gawaadhida ayaa xabado ku riday dayaaradihii, taas oo keentay in loogu jawaabo gantaalo yaryar oo ah nooca "Air-to-Surface missiles" Ugu yaraan lix ka mid ah Raggii saaraa Gawaadhidaas waa la dilay labana iyaga oo dhaawac ah ayaa la qaatay.



Waxa la soo sheegay in uu ka mid ahaa ragga la dilay nin Kenyati ah oo la odhan jiray Abu-Cumar oo madax ka ahaa xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Maraykanku waxay xaqiijinayaan in uu dhintay Saalax Nabhaan ayna hayaan maydkiisii oo ay ku sameeyeen baadhitaan-ka loo yaqaan DNA ah.



Dhinca kale xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Muqdisho iyo Marka ayaa laga soo xigtay in ay dhab tahay in la dilay Saalax Nabhaan. Shabaab-ka ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin qaar Mashaariic wada shaqayn ah ka haysta Sirdoonka Maraykanka. Dhacdadan lagu dilay Saalax Nabhaan ayaa filayaa in Shabaab-ka ku keento kala-shaki iyo Is-khaarajin.



By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment