Wednesday 16 September 2009

URURKA UDHIS OO SOO SAARAY WARSAXAFADEED UU KAGA HADALYO XAALADA DALKA

URURKA UDHIS OO SOO SAARAY WARSAXAFADEED UU KAGA HADALYO XAALADA DALKA

Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa warsaxafadeed kasoo saaray magaalada Hargeysa kaas oo uu ku dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Rayaale

Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yihiin Gudida warbaahinta ee Ururka UDHIS Maxamed Cabdi Cabdillahi iyo Siciid X. Axmedayaa lagu Dhaliilay Xukuumada iyadoo warsaxafadeedku ku tilmaamay Xukuumada mid caadaysatay iska laynta Dhalinyarada waa sida hadalka loo dhigee.



Warsaxafadeedka oo dhamaystiran ayaa u dhignaa Sidan:-



Tacsi

Anaga oo ah ururka UDHIS, waxaanu tacsi u dirayna waalidkii, qoysaskii iyo eheladii dhamaan dadkii rag iyo dumarba lahaa ee ku dhintay rasaasta ay ku fureen Ciddamada Booliska Somaaliland dhalinyaradii sida nabadgelyada ah banaanbax uga samaysay xidhitaankii sharciga ka baxsana ee ay Xukumaddu kula kacday Golaha Wakiilada. Waxaanu leenahay inta ku nafweyday rasaastii aan loo miidaan dayin ee ay Boolisku sida argagax leh ugu fureen dhalinyaradii isu soo baxday maalinta Ramadaan oo ay taariikhdu ahayd 12/9.2009, Illaahay samir iyo iimaan haka siiyo waalidiintood iyo eheladoodaba, kuwa dhaawacyadu gaadheena Illaahay ayaan caafimaad degdeg uga baryayna,



Dawladan Caadaysatay Inay Iska Layso Dhalinyarada Wadanka

Sida la ogsoonyahay tani ma aha markii ugu horaysay ee ay xukuumadan uu hogaan ka yahay Dahir Riyaale Kaahin Ciiddamada ku amartay inay rasaas ku layaan dad si nabadgelyo ah oo distoorka wafaaqsan banaanbax uga qaybadanaaya. Balse waa markii saddexaad ila iyo sanadkii la soo dhaafay ee ay Ciidamadu rasaas ku layaan dhaliyaro tiro badan oo banaanbax samaynaysa oo aan habayaraate wax hub ah sidan. Waxaa dhacdadan ka horaysay tii mudaaharaadka Riiga biyaha oo ay 5 qof rasaasta ciidanaku dishay. Taasna waxaa ka sii horaysay banaanbaxii ku saabsana bedelka magaca Degmada Cabdi Iidaan oo iyadana ay laba qof ciidanku dileen.



Waxaa layaab leh inaanay Xukuumada dalka ka talisa marnaba ku samayn wax baadhitaan sifaha iyo sababta ay dadkaasi ku dhinteen, taaso oo muujinaysa inay xukuumadani caado ka dhigatay dilka dhalinyarada wadanka, oo ay rasaas iskala dhacdo, taas oo godob iyo gashitoona aanu ka raacin. Waxaa muuqata inaanay Xukuumadan wax qiimo ah ugu fadhiyin arwaaxda dadku oo ay isugu midyihiin dadka iyo qudhaanjadu. Waxaanu leenahay waxaa iman doonta maalin lala xisaabtami doono cidda masuulka ka ah dilalka foosha xun ee sida isdaba jooga ah loogu laayay dhalinyarada wadanka.



Gabagabo

Hadaba, UDHIS waxay soo jedinaysaa qodobadan soo socda:

1. Waxaanu Haya’adaha Xuquuqda Aadmiga u Dooda ka codsanayna inay taloobooyinka ku haboon ka qaadaan dilka iyo gaboodfalka lagu sameeyo dhalinyarada Soomaliland, masuuliyada khasaaraha dhacayna ay oogada u saaraan Xukuumada, lana xisaabtamaan dawlada Soomaaliland ee uu Daahir Riyaale madaxda ka yahay.

2. Waxaanu u sheegayna Xukuumada inay mar kale ku tumatay distoorkii wadanka u yaala, rasaasta lagu laayay dhalinyaradana ay ka baxsantahay xadkii sharciga ahaa ee maamulka wadanka, waxaana danbiyadan lagala xisaabtami doona kuwii amarka ku bixiyay in dadka la iska laayo iyo kuwii fuliyayba. Haatana waxaa keliya ee la gudboon Xukuumadan waxa weeye inay xukunka iska casisho oo ay cid kale ku wareejiso talada wadanka inta aanay nabadgelyadu faraha ka bixin.

3. UDHIS waxay ku boorinaysa dadweynaha Soomaaliland inay si wada jir ah uga gilgishaan wahabka saaraan, dawladana aanay ka yeelin inay ku xadgudubto xaqooda distoorka ku qeexan.

4. Odayaashii la soo ururiyay ee ka hadlay Telefishanka Qaranka si ay taageero ugu siiyaan dawlada xalaashatay dhiiga shacabka, waxaanu xusuusinayna inay ka galeen godob qoysaskii caruurtooda la laayay, xaga Allena ay tahay dulmi in ay taageeraan dil xaqdaro ah, cawaaqib xumada gefka ay galeena iyaga ayay u taala.

5. Waxaanu soo dhawaynaynaa baaqii ay soo saareen salaadiinta iyo waxgaradka reer Boorame ee ay RIyaale sida cad uga sheegeen inuu xukunka iska casilo, waxaanu salaadiinta iyo waxgaradka uga mahad celinayna caqligooda wanaaqsan iyo sida ay xaqa ugu dhawaaqeen, waxaanu leenahay qofna uma aanoobo dambiyada ay galeen masuulinta uu madaxda u yahay Daahir Riyaale.

6. Waxaa kale oo aanu soo dhawaynaynaa baaqa ay soo saareen salaadiinta, odayaasha, ganacsatada iyo aqoonyahanada 18ka arda ee beesha Haber Yoonis, kuwaas oo si cad u sheegay inaanay Xukuumada Riyaale ku fadhiyin dhabtooda, balse ay taageero buuxda la barbar taaganyihiin Barlamaanka Somaaliland iyo Shirgudoonkiisa.

7. Waxaanu Golayaash Baarlamaanka Soomaaliland ugu baaqayna inay iska xulaan gudi baadhitaan rasmi ah ku samaysa dhimashada tirada badan ee dhaliyarada iyo dhaawacaba, iyo waliba gabood falada iyo xadhiga dadka shacabka ah ee lagala baxo guryahooda habeenkii sidii taliskii Siyad Barre, lana ogaado waxaa ku kalifay ciidamada iyo xukuumada inay rasaas ku furan shacab aan hubaysnayn.



Wa bilaahi Tawfiiq.





Gudida Warfaafinta UDHIS

Maxamed Cabdi Cabdullahi and Siciid X. Axmed

No comments:

Post a Comment