Thursday 17 September 2009

BADBAADADA SOMALILAND WAXAY KU JIRTAA IN SHARCIGA IYO DASTUURKA LAGU KALA BAXO QAYBTA1 AAD

BADBAADADA SOMALILAND WAXAY KU JIRTAA IN SHARCIGA IYO DASTUURKA LAGU KALA BAXO QAYBTA1 AAD


BADBAADADA DALKU WAXAY KU JIRTAA IN SHARCIGA IYO DISTOORKA LAGU KALBAXO. AMA INKACDOONKA SACABKA SII SOCDO. BALSE LOOMA BAAHANA GUDI ISXILQAANATA OO MADAXWEYNE RIYAALE IYO XUSBIYADA MUCAARADKA AH IYO GOLAYAASHA SHARCIDEJINTA DHEXDHEXADISA.



Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ( nin aad taqaano kummad tahay lama yidhaahdo) caqliga wanaagsanina waxa uu ina farayaa inaynu iswaydiino, ilayn waatii hore looyidhi (hadaan la rogrogin ragbaan heline) waar waa maxay sababta iyo cida hortaagan in xal waara laga gaadho khilaafkan soo noqnoqonaaya ee dhamaan waayey? Dhexdhexaadinse imisa goor oo hore ayaa la galay? Waxa waajib ku ah cida marwalba isxilqaamaysa ee uguntanaaya dhamaynta khilaafaadkaasi, in aanay niyadjab uun usoo hoyn bulshada dhibaataysan. Waxa kaloo waajib ku ah dhexdhexaadiyuhu inuu isweydiiyaa waa ayo cida aad u tegaysaa? Sidee buu ka yeelay kuwii adiga kaahoreeyey? xagay ku danbeeyeen go,aamadii ay isla qaateen? Maxaad adigu kaga duwantahy kuwii kaa horeeyey? Yaa marwalba ku wacada fura axdiga iyo heshiisyada la galo? Hadaynuse maalin walba wadadii aynu ku hungawnay hadana siihayno, miyaanay ceeb iyo aqoontii dadka oo lagu ciyaarayo ahayn? Miyaan dhexdhexaadinta maalinwalba taagan ee aan hada waxba soo kordhinayn, la odhankarin waxaabay kamid tahay cida dhibta wada? Ama hadaan si kale hadalka udhigo dhexdhexaadintii iyo dhexdhexaadiyayaashii waxay noqotay kaadh uu isticmaalo mudane Riyaale maalinta uu arko in arintu ku xuntahay, oo markuu carqalada kaga gudbana dabada ka laado?

Bal hadaba akhritoow ama wadaniyoow aynu qoraalkeena ku bilaabano inaynu inyar dib u jaleecno taariikhda curdanka ah ee Somaliland, taasoo ka bilaabantan 1991 markii Somaliland dib ula soo noqotay xornimadeedii, oo aan korkaxaadindoono ama waxyar ka taataabandoono . Iyo weliba habkii dib loogu dhisay qaabdhismeedka maamulka dalka Somaliland, sidoo kale waxaan tusaalooyin ka soo qaadandoonaa khilaafaadkii ka horeyey intii aanu mudane Riyaale kurisga madaxweynaha ku fadhiisan iyo sidii loo dhameeyey, oo aan u malaynayo inaynu ka heli karno xalka.Waxaan kaloo qoraalkaygan oo qormooyin noqon doona, is barbar dhigidoonaa Somaliland iyo wadama sida Somaliland qaatay ama ku shaqeeya nidaamka demoqraadiga ahi, habka ay u shaqeeyaan iyo sida ay u dhamaystaan khilaafaadka soo dhexgala golayaasha looga taliya qaranka.

Aan ku horeeyo Somaliland e, markii mujaahidiintii SNM ay ka xoreeyeen dalka keligii taliyihii Siyaad Bare. Waa tii bishii may ee 1991 laysugu yimid magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, lagagana dhawaaqay inay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbaanideedii iyo gooni isutaageedii, halkaasna lagu doortay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee marxuum Cabdirahman Ahmed Ali (tuur) inuu noqodo madaxweynihii ugu horeeyey ee jamhuuriyada. Loona igmaday Inuu xilka hayo mudo laba sano ah. Waxaa ku xigay shirkii balaadhnaa ee kadhacay magaalada Boorame kaas oo lagu doortay ilaahay naxariistii jano haka waraabshee Marxuum Mohamed Haji Ibrahim Cigaal inuu noqdo madaxweynihii labaad ee Somaliland.
Marxuum Cigaal waxa yaabaha loo xilsaaray waxaa ka mid ahaa inuu distoor wadanka lagu maamulo soo diyaariyo, kaasoo ku salaysnaandoona nidaamka dimoqraadiga ah iyo hanaanka xusbiyada badan. Sida aynu ka wada warqabtaan waatii distoorkii wadanka loo codeeyey. Kaasoo sicad u qeexaayaa in dalkan Somaliland qaatay nidaam dimoqraadi ah. Xukunka dalkuna u kala baxo sida.

Waaxda sharcidejinta ( baarlamaanka)
Waaxda garsoorka
Waaxda fulinta (xukuumada)
Saddexdaas waaxood oo kala madaxbanaan xukunka dalku u qaybsanaado. Waaxda shacridejinta ay tahay tan u xilsaaran wixii shuruuc ah ee dalka lagu maamulaayo. Waaxda fulintuna ama xukuumaduna tahay tan fulinaysa sharciyadaas dalka lagu maamulaayo. Waaxda garooskuna noqoto tan ka garsooraysay wixii la isku qabto ee soo kala dhexgala waaxda sharcidejinta iyo fulinta.

Hadii aad u baahanto inaad ogaato waaxwalba shaqadeedu waxay ka koobantahay , een aan waaxkale kusoo faragelin karin fadlan ka akhriso distoorka dalka.

Geedisocodkii dib udhiska nidaamka dalku sidaas ayuu ku socday. Mudo yar ka hor intii aanuu geeriyoon Marxuum Cigaal, waxaa bilaabmay hirgelintii nidaamkii xusbiyada badan, Iyo diwaangelintii xusbiyada u tartamidoona doorashooyinkii golayaasha qaran. Mudadii uu Marxuum Cigaal xukunka dalka hayey, wayjireen dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwa sharci oo ku habsaday dalka. Balse waxaan jecelahay inaan ka soo qaato laba dhacdo, oo aan u arko in la barbar dhigikaro khilaafka siyaasadeed iyo sharci ee ka aloosan dalkeena, isla markaasna ina tusaaya in xaaladkasta oo adag hadii cida is haysaa ay dhamaantood daacad ka yihiin in lasoo afjaro ama xalwaara laga gaadho khilaafka, la dhamaynkaro khilaafkasta
Markii maamuus ka xayuubinta lagu soo aagayn marxuum Cigaal ee uu halka cod kuga badbaaday in xilka laga xayuubiyo.
Madaxweyne Cigaal waxay aad u kala fogaadeen ama isugu dhaceen shirgudoonkii iyo inbadan oo kamid ahayd xildhibaanadii golihii wakiilada ee xiligaas jiray. Waatii mooshin maamuus kaxayuubin ay qoladii ku kacsanayd Cigaal keeneen golhaas. Way jirtay in uu Marxuum Cigaal olole balaadhan ka galay in aan mooshinkaas la meel marin. Waana wax caadi ah in madaxweyne kastaa isku dayo isaga oo aan sharciga ka gudbayn inuu isbadbaadiyo. Laakiin waxaa xasuus mudan in aanu Mudane Cigaal QAFILAN golihii baarlamaanka. Ciidamo aan ka amar qaadan shirgudoonka, islmarkaasna golohoodii kaga soo saars laad shirgudoonkii iyo mudanayaashii la soo doortay umuu soo marxuum Caigaal si uu u joojiyo in aan maashinkaas la laga doodin ama loo codayn. Waa tii sidii uu ku qabsoomay shirkii mooshinkiina loo codeeyey, balse uu marxuumkiina hal cod kaga baxsaday in maamuuska laga xayuubiyo.

Akhristaw u fiirso dhacdaasi sida wadaniyada iyo masuuliyad ah ee ay ku dhamaatay. Waxaanad barbardhigtaa sidii uu ka yeelay mudane madaxweyne Daahir Riyaale kaahin dhacdadii taa la midka ahayd ee dhawaan ka dhacday dalka. Maanta waxa ina xukumaaya madaxweyne markii loogu taag waayey ama lagala quustay inuu dalka doorasho ka hirgeliyo oo kursiga badka tartanka soo dhigo. Markuu sikastaba isu hortaagay in doorasho ka dhacdo dalka, ee balan qadkii beenta ahaa, heshiiyadii iyo axdiyadii uu ka baxay tiro dhaafeen. Ee markii la waayey meel kale oo loo ciirsado si sharciga iyo qaanuunka dalka loogu soo dabaalo madaxweynaha iyo xukuumadiisa, ay golihii xaqa u lahaa damceen ilayn cid sharciga ka weyni mar jirtee in hadaba sharciga la mariyo , ay soo diyaariyeen mooshin laga xayuubinaayo maamuuska, QAFISHAY GOLIHII WAKIILADA EE UMADAU SOO DOORATAY HADH CAD SIDII GURI UU LEEYAHAY. Ee aan weliba intaas ku joogine, shacabkii ka gilgilshay qafilashada golaha sharcidejinta ay soo doorteen, ee isugu soo baxay debedbax salmi ah., u quudhay rasaan ee dhegta dhiiga u daray, sidii adhi iidi carafa loo sadqaynaayo

Markii Madaxweyne Cigaal geeriyooday ee madaxweyne Daahir Rayaale loo doortay, inuu xilka si kumeelgaadh ah u siihayo.
Ilaahay ha u naxariistee waakii Cigaal ku geeriyooday wadanka South Africa oo xaalad caafimaad loo geeyey. Geeridii madaxweynaha ka sokow, waxaa dadbadana welwel gelisay in laguheshiin waayo habka loosoo doorandoono ama cida loo dooranaayo sii hayndoonta xilka Madaxweynenimada inta lagasoo dooranaayo madaxweyne cusub.

Arinkaas oo culayskiisa lahaa waatii mudo kooban lagu soo afjaray layskuna raacay in madaxweyne kuxigeenkii Marxuum Cigaal oo ahaa madaxweynaha Somaliland ee maanta mudane Dahir Rayaale Kaahin loo igmado inuu xilka madaxweynenimo mudo ku meelgaadh u sii hayo.

Ruugcadaagii arinkaas meelmariyey oo uu hormuud ka ahaa, isna eebe naxariistiisa haka waraabiyee, marxuum sheekh Ibrahim sheekh Yuusuf sheekh Madar oo ahaa gudoomiyaha golaha guurtida iyo xeerbeegtii kale oo runtii, kumacneeyey in diskoorka dalku dhigaayo in hadii madaxweynu geeriyoodo uu kuxigeenku siihaynayo xilka ilaa inta lasoo dooranaayo madaxweyne.

( Faalo gaaban: Go,aankaas mudane Rayaale loogu dhiibay kursiga run ahaantii sida ay xeerbeegtidaasi u dhigat ee ahayd in dastoorka dalku sidaas dhigaayo, waxaynu odhan karnaa waxay ahayd halka Somaliduk a tidhaahdo lajiifiyaana banaan. Taas oo aan uga jeedo waa run oo wey jirtaa in distoorka Somaliland sidaas dhigaayo, Balse xaqiiqdu waxay tahad in distoorkeenu ka hadlaayo Madaxweyne shacabku soo doortay, laakiin Maxruum Cigaal iyo ku xigeenkiisii midna shacabku muu soo dooran ee waxay ku yimaadeed nidaam kale.Sidaas darteedna looma cuskan karayn qodobkaas. Fekerkaas waxaa ila qaba dadbadan oo aqoonyahano ah si aad ah u akhriye dastoorka Somaliland)

Sikastaba ha ka ahaato raga go,aankaas qaatay, ama ha u arkaan sida keliya dadka iyo dalka lagu badbaadin karo inay ahayd in cuskado qodobkaas. Ama aqooni halkaas hala marto e, waa tii sidaas lagu doortay mudane Riyaale. Go,aankaasi wuxuu sii xoojiyey dhaqankii lagu yiqiinay Somaliland ee ahaa waa qaran tashan kara. Ilaahayna wuxuu siiyey rag iyo dumar ka saari kara xaalad kasta oo adag. Waa waxa ay kaga duwanyihiin Somalida kale. Waxay leeyihiin madax u naxaysa oo utudhaysa dalkooda iyo dadkooda.


La soco qoramada labaad.

Qore: Ibrahim Ali Adan

Stockholm, Sweden

e-mail: ibrahimadan@hotmail.com

Qore: Ibrahim Ali Adan

No comments:

Post a Comment