Wednesday 16 September 2009

SIILAANYO OO OO U GACAN HADINAAYA SIDAY ULA DAGAAL GALI LAHAYEEN SALEEBAAN

SIILAANYO OO OO U GACAN HADINAAYA SIDAY ULA DAGAAL GALI LAHAYEEN SALEEBAAN

GUDOOMIYAHA KULMIYE OO U GACAN HAADINAYA SIDAY ULA DAGAAL

GALI LAHAAYEEN SALEBAN GAAL IYO C/RAHMAN CIRO DAWLADAN SHACABKU

DOORTAYNA UGU BADALI LAHAAYEEN MID SADEX NIN DHISEEN!!!!

”Waxay arintani ka dhigantay iyadoo la yidhaa distoorka aynu u codaynay boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%) shacbiga reer Somaliland ha badalaan sadex nin!! wax dhici kara maaha”

Hadalka maanta ku soo baxay websites ka qaar ee Gudomiye Siilaanyo uu ku dalbanayo dhisitaanka dawlad ku meel gaadha waa xeeladii u dambaysay ee lagu baabi’in lahaa Dawlada shacabku soo doortay ee manta Rayaale hogaaminayo. Waxa wakhti badan aanu siinaa weedhaha iyo nuxurka hadalka siyaasiyiinteenu yidhaahdaan. Bal hadaba qudbadii Faysal Cali Waraabe uu kaga hadlayay dhacdadii foosha xumayd isagoo cadaynaya inuu bari ka ahaa xisbigiisuna aanu ku jirin iyo Hadalka Gudoomiyaa kulmiye ee manta uu leeyahay goloyaasha cunaha u fadhiista xukumadan Rayaale isu eega keebaa shacabka u tudhayaa keebaa se doonaya in shurgudoonka labada gole qaran ay la ridaan dawlada iyadoon waxba ka galin dhiig daata iyo dad dhinta toona?????????

Muwaadin kastoow qabiil ha eegin waxaad eegtaa maanta hantida ku jirta dalkeena waa midka badan sadex jibaar hantidii aynu ka qaxnay sanadkii cadawgu ina haystay ee 1988. Hadaba bilicda caasimada hargeisa ee maanta iyo hantida dhextaala laguma dhisin ciyaar dadka hantiila yaasha ahi maaha qaar ay ku kooban tahay hantidoodu kaligood, waa hanti iyaga iyo ehelkooda ka dhaxaysa sida dhaqanku ina farayo markaa shacbigu uma diyaar aha in xabadi iskaga dhacdo dadkeenii oo manta aanu cadaw haysan oo iyagu is xukumaya. Waxaan ilaahay ku mahadinaynaa garashada ilaahay shacbigeena siiyay waayo? waa dad ka daalay dagaal kana ilbaxay kursi jacayl ku dhagan nabadooda iyo dawlad nimadooda. Hadii aanu nahay dhamaan jaaliyada reer Somaliland iyo Gudida UDUB waxaanu aaminsanay in golaha guurtidu uu yahay gole ka kooban odayaal waayeela oo aan la dagi Karin mushkiladaha xaalad abuurka ahna kuwo ka feejig ay waligoodba ahaayeen. Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan jaaliyadaha qurba jooga ah ee Reer Somaliland inay la socdaan dhaqdhaqaaqa siyaasada iyagoo ilgaara ku eegaya seenyaalaynta siyaasada dhagaraysan dabadeedna ay ka jawaabaan aragtidooda.

Wa bilaahi tawfiiq.

By: SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASADA

UDUB EE DALKA QATAR.

No comments:

Post a Comment