Wednesday, 16 September 2009

DHAQANKII DAWLADNIMO EE ISLAAMKII HORE IYO HOGGAANKA MAANTA

DHAQANKII DAWLADNIMO EE ISLAAMKII HORE IYO HOGGAANKA MAANTA

DHAQANKII DAWLADNIMO EE ISLAAMKII HORE IYO HOGGAANKA MAANTA
Ahmed Arwo

Hor iyo horaan waxaan tacsi u dirayaa ehelka muwaadiniinta iyagoon hub sidan, xaqooda dastturiga ahna gudanaaya si ay u cabiraan diidmadooda ay u hayaan xidhitaanka sharci darrada ah ee lagula kacay Golaha Wakiilada, lagu dilay rasaastii sharciga lagu ilaalin lahaa. Sidoo kale ayaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu marxuumada dambigooda ku dhaafa gacanta gardaro ee dishay, janadiisana ku manaysto, inta dhawacana uu siiyo caafimaad kaamil ah oo sareecan ah, inta dhibtu ka soo gaadhayna uu u fududeeyo dhibta uguna bedelo dheef iyo inay dhekhso u gaadhaan xaqooda laga horjoogo.

Waxa la yaab leh in kol walba oo ay xukuumaddu dar jiidho inay waxii wanaag lagaga waayo, ay ku soo noqoto kolka mayd iyo magac xumo dhacdo. Waa ayaan darro iyo khasaare joogta ah.

Dhacdooyinkii ayaamahan dalkeena ka dhacaayey, waxay ka marag kacayaan sida ku dhaqankii suubanaa ee diinteena wanaagsani ina amartay looga durkay. Waxa dhacay dil rasaas lagu dilay shacbi mudaharaadayey haddana intii xilku saarnaa weli kamay hadal sida loo dilay iyo baadhitaan lagu eego dhibta intaas leeg cidda ka mas'uulka ah. Ka darrane waxa culumo iyo caamaba laga hadlayaa gar laba garab ka dhaxaysa oon marna runta laga sheegayn..ood arkayso sida hadalka loogu marganaayo.

Miyaa la iloobay inay beentu tahay dambi weyn, in ka aamuska garto tahay eex, inay carabka iyo ficilka aan wada soconi tahay munaafaqnimo, iyo in massibada ugu weyn ee bulsho baab'iisa tahay cadaalad darro, in ka-aamuska gartu tahay hiil la siiyo kan gar-darran. Miyuu iloobay askariga shacbiga rasaaseeyey in falkiisa aakhiro lagu weydiin doono goob aan qareen iyo waa ley amray ka dhaafayn dambigiisa, miyuu ilaabay odayga garta galay ee ka aamusay in su'aali ka dambeyso.

Haddaba bal aan raadraac taariikheed ku laabano iyo xiliyadii hore. Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba ka bilaabmay dagaal oogayaal midiidin ka dhega shacbigooda, oo maal iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.Waa astaamihii Islaamka ka hore, waxaabad se moodaa in sawirkaasi yahay kan dhabta ah ee maanta ka jira meelo badan oo dunida ah.

Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaado nabiyadii Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee muujisay mas'uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha. Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Griigii hore iyo Romankii ay xiliyada qaar hab sifaahaas oo kale lihi ka dhashay, ma se ay noqon mid dal dhami ka hirgalay.

Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay, waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshay, mid aan qarsoonayn oo cid waliba ogeed, uuna u jaray ninka mujaahidiinta u qaabilsanaa maaliyadda oo hayn jiray Baytul maalka. Bal u fiirso xukaamta maanta een la aqoon mushaharkooda, cidina ayna u goyn ee iyagu waxay doonaan qaata, qaybiya, guba, siiya , daadiya marba siday la noqoto ugu tagrifala. Lacagta dawladda waxaan mushaharkiisa ahayn Abubakar gacantiisa ma soo geli jirin. Sidoo kale ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.

Waxa dhacday in Abubakar xaaskiisu xoogaa lacag ah oo ay uruurisay si ay maalin u cunaan cunta macaan oo dhadhan leh, ayey lacagtii u dhiibtay Abubakar oo ku tidha macmacaan inoogu soo iibi... Abubakar waxuu ugu jawaabay..." Waa lacag dheeraad inagu ah", waxuuna u celiyey Batul Maalkii Muslimiinta isagoon dhanna eegin..

Dhacdo kale Cumar Bin Khadaab ayaa salaad Jimce ka yare habsaamay...kolkuu soo gaadhay ayuu ku yidhi asxaabti" Iga raali ahaada shaadh keliya ayaan leeyahay oo kaas ayaan maydhaayey..."

Dahinaca u naxa maatida iyo ka warhaynta inta baahan. Waxa markhaati ka ah sida habeenkii uu Cumar u dul marri jiray meelaha danyartu gasho si uu u maqlo cabashadooda iyo taaxa gaajo amba xanuun. Habeen ayuu ku soo baxay taanbuug nin dusha ka joogo haweynayna gudihiis taax la reemayso. Cumar ayaa ninkii weydiiyey xaalkiisa..ninkuna si adag ayuu ugu jawaanbay. Cumar ma dhibsan ee waxuu si qabow u weydiiyey waa intaas oo uu wax ka qabtaaye inuu uga waramo dhibta haweynada haysa. Kolkuu u sheegay inay foolanayso, ayuu Cumar dhinacii gurigiisa u kacay deedna uu soo kaxeeyey xaaskiisii si ay uga caawiso dhalmada haweynayda.

.Kolka ay Amu-Kaltoum ku mashquulsanayd umusha, Cumar waxuu karinaayey cunto ay cunaan umusha iyo ninkeedu...cabaar dabadeed ayey Amu Kalthoum dhawaaqday iyadoo Cumar ugu yeedhaysa Amiirul Muuminiin...UGU BUSHAAREE SAAXIIBKAA INUU WIIL U DHASHAY... waxuu ninki la yaabay magaca Amiir..koluu ogaaday inuu Cumar yahay ayey ilmo indhiisa buuxisay...sidaysay ahayd xukun wanaagu..kibir la'aan, naxariis iyo dulqaad...Lacag iyo raaxo sidaas ayey ka ahaayeen...xukunkoodu waxuu gaadhsiisanaa dalalka Carabta min Yemen. Saudi, Khaliij. Iraq, Syria, Falsdin, Labnaan, iyo Masar iyo Iran iyo qar kale raaxana sidaas ayey uga qaawanaayeen.

Bal maskaxdaada ag dhig madaxdeena, dal sabool ah, yar oo dagaal iyo abaari marna ka fogaan. Mushahar xad ma leh, baabuurta kuwa ugu batrool cunka badan ayaa lagu tamashleeyaa, dalxiiska debed baxa iyo diyaarad raaca aan sabab lahayn xad ma leh.

Bal ila eeg dhacdo kale. Waxa la yidhi Abubakar ayaa nin saxaabi ah u cadhooday, kolkaas ayuu ku yidhi erey xun. Ereygii kolkuu afkiisa ka soo baxay, ayuu Abuubakar qoomameeyey. Waa se erey afka ka soo baxay oo cidi ma celin karto...Abuubakar, waxuu saxaabigii ka dalbay inuu ereygii ku soo celiyo oo uu ku yidhaahdo...Wuu diiday saxaabigii..Abuubakar wuu baryey, oo uu baryey...saxaabigii oo la soo taagan waan ku saamaxay, ayuu haddana intaas ka jeclaa inuu ka goosto..
.
Dhinaca shuurada iyo mabda'a la tashiga oo ah sifaha waxa maanta lagu sheego hab-maamul-wanaaga waa mid la dhashay Islaamka. Waxa xiligaas jiray nidaamka dhaxatooyada ee boqorada, haddaba Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas'uuliyadda, waxa laga dheehan karaa qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.

Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:

" Dadweynow idinkaayaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya. I maqla, runtu waa daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.
Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga waaqsan. I adeeca oo i maqla inta aan adeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin inaydaan i maqlin ina adeecin………"

Bal u fiirso siyaasadda talo wadaagu salka u yahay. Wax aan tashi lagu gaadhin amiirku ma samayn jirin, oo waa dariiq uu Rasuulku u jeexay, iyana kamay leexan. Talo la gorfeeyey, aan laga cabsoon in runta leysu sheego, loo siman yahay, oon xaqqa cidna looga leexan ayey Islaamka ku fidiyeen. Maanta xaalkeenu waa aniga, aniga, aniga anigaa idhi, anigaa goostay, anigaa xaq u leh, anigaa diiday, anigaa yeelay...aniga aniga. Waana mid wanaag ka fog, kana dheer hab lagu gaadho danta guud. Waa naf-jacelysi aan cidna loo tudheen, waana mid bulsho weynta u horseeda kala-daadsanaan, is-neceyb, xaasid iyo qalbi xumo. Waxa luma danta guud, waxa qof waliba noqdaa mid dan gaar ah oo gaaban siista danta guud. Waxa la adeegsadaa been iyo markhaati maalinba cid u fura maraga. Gurtu ma dhammaato, dhexdhexaadku waa mid farsamo hoose wata iyo mid cabsi la gabada, mid adduunyo damiirkiisa siista iyo mid ka hawl yareesta inuu xaqqa isu taago.

Odayow uurkaaga u nax, oo ha cunin cad aan xalaal ahayn, aqoonyahanow aqoontaada ha la cabsan, dhalinyarow dhiigaaga ha iibsan, askariyow aakhiro xisaabteed waa ley amray ma taqaan, dadweynow danta guud ilaali, ogow nabadda waxa ilaalisa cadaalad.
Aan raacno raadkii hoggaankii toosnaa ee asxaabta, aan u noqon dhaqankii Rasulka ee ku salaysnaa sharciga Eebbe iyo dariiqa nolosha fiican.

Waa ayaamo kheyr leh oo waxa lagu jiraa habeenadii barakaysnaa ee uu ku jiray Laylatul Qadr..Illaahay hayna waafajiyo, inta bugta ha bogsiiyo, kan qalbiga ka buga ha soo hadeeyo, haynaga dhigo kuwa ka dheeraada markhti been ah, haynaga yeelo kuwa u hiiliya xaqqa, kuwa aan runta ka cabsoon, kuwa carabkooda iyo ficilkoodu wada socdo, ka dheeraada sifooyinka munaafaqaa...ee beenta, balan baajiska, khiyaamada iyo aamin xumada..

Mahad oo dhan Allah leh.

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments:

Post a Comment