Tuesday 15 September 2009

HOGAANKA SARE EE KISMAAYO OO KA CARARAY MAGAALADA GALAYNA HAWDKA

HOGAANKA SARE EE KISMAAYO OO KA CARARAY MAGAALADA GALAYNA HAWDKA

Hogaamiyayaasha maamulka islaamiga ah ee Kismaayo ayaa sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya waxay ka baxsadeen magaalada.

Hogaamiyayaashan ayaa la sheegay in uu qalqal soo wajahay ka gadaal markii Hawada sare ee magaalada ay soo camireen Diyaarado joog hoose ku duulaya oo aan la ogeyn halka laga leeyahay.

Warar la qaadan karo oo laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan gudaha Dekada Kismaayo ayaa sheegay in ay arkeen Madaxda ugu sareeysa Kismaayo oo dhulka Hawdka ah gaadiid u sii wata.

Dadka deegaanka ayaa iyaguna dhankooda aad uga welwelsan suurtagalnimada in Diyaaradaha Mareykanku hawlgal bartilmaameedsan Kismaayo ka fuliyaan waxayna aad uga baqayaan in hawlgalkaas ay dhibaato ka soo gaarto Shacabka.

Aragagxan ku hasban hogaanka sare ee islaamiyiinta Kismaayo ayaa ku soo aadaya xili gudaha iyo dibadaba laga xaqiijiyay dilkii Sarkaal aad loo doondoonayay oo lagu magacaabi jiray Al-Nabhal, kaas oo mudooyinkan dambe hogaanka Alshabaab ka mid ahaa.

No comments:

Post a Comment