Thursday 3 September 2009

SHACBIGA SOMALILAND:WAXAA WAAJIB KU AH INAY DIFAACAAN BAARLAMAANKOODA

SHACBIGA SOMALILAND:WAXAA WAAJIB KU AH INAY DIFAACAAN BAARLAMAANKOODA

Image and video hosting by TinyPic

Shacbiga Somaliland: Waxaaa Waajib ku ah inay Difaacaan Baarlamaankooda



Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo imika u muuqda in lasoo gaadhay maalmihii u danbeeyay ee cimrriga xukuumadiisu ayaa go’aansaday inuu burburiyo Qaranimadii iyo Xorriyadii Somaliland ee lagu soo waraabiyay dhiigii daahirka ahaa ee kumanaanka kun ee geesi ay naftooda u waayeen si dalkoodu uu u noqdo mid lagu dhaqmo sharciga, isla markaasna ay bulshada Somaliland hore naftooda iyo maalkoodaba ugu soo hureen inay dagaal dheer la galaan kaligii talihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, iyaga oo dadweynaha geesiyiinta ah ee reer Somaliland wacad ku maray inaanay waligood mar danbe ogolaan in kaligii taliye danbe uu Madaxweyne noqdo Siyaad Barre ka dib.

Nasiib darro Daahir Rayaale Kaahin oo dadweynaha Somaliland ay Madaxweynahooda ka dhigteen, isla markaasna ay ka filayeen inuu ugu adeego si daacad ah kuna hogaamiyo qawaaniinta iyo shuruucda u degsan dalka, ayaa waxa uu khiyaamo kula kacay shacbigii soo doortay, waxaana uu ku tuntay qawaaniinta dalka u taalay isaga oo si aan gabasho lahayn uga hor yimi nidaamkii dawladnimo isla markaasna si cad oo aan mugdi ku jirin ugu tafo xaytay inuu Burburiyo Qaranimada Somaliland ee lasoo dhisayay 18kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Hadaba Madaxweyne Daahir Rayaale oo xaqiiqsaday in maalmihii cimrrigiisu uu gabaabsi yahiin, isla markaasna aan rajo buuran ka qaban in dib loo soo doorto, ayaa waxa muuqata inuu qaatay go’aan khaldan oo uu doonayo inuu Xukunka dalka xoog ku joogo hadii ay u suurto gasho, hadii kale oo ay uu suurto gali weydana uu markaas burburiyo inta awoodiisa ah karaamada iyo qaranimada Somaliland ay ku naaloonaysay tan iyo sanadkii 1991kii.

Weerarka lagu qaaday Golaha Baarlamaanka ayaa ah ficilkii u danbeeyay ee ka mid ah Go’aamada Dhagaraysan ee Madaxweynuhu fuliyay!



Weerarkii fulaynimada ahaa ee ay xukuumada Somailand ku soo qaaday Baarlamaanka todobaadkii lasoo dhaafay iyaga oo adeegsanaya calooshood u shaqaystayaal tiro yar oo ka tirsan xildhibaanada UDUB , ayaa maantana sida ka dhacday xarunta Baarlamaanka Somaliland waxa uu Madaxweyne Rayaale si cadawtinimo ay ku jirto mar kale usoo weeraray xaruntii Baarlamanka, waxaana uu amar ku siiyay ciidamada Bolisku inaanay u hogaansamin awaamiirta gudoomiyaha Baarlamaanka, iyada oo uu Madaxweynuhu ku talo galay in Golaha dhexdiisa uu dhiig ku daato, taasi oo ah khiyaamo qaran oo halis oo uu ku doonayo inuu ku burburiyo golihii sharci dajinta ee Baarlamaanka.



Hadaba Maxaa la Gudboon Dadweynaha Somaliland ee Geesiyiinta ah?



Waxaa muuqata in Madaxweyne Daahir Rayaale uu khiyaameeyay dhaartii uu maray, waxa uu jabiyay axdigii uu ballanta ku qaaday isaga oo baabacada saaray Kitaabka quraanka ah inuu sharciga dalka u hogaansami doono si daacad ahna uu idiinku shaqayn doono, waxa uu Rayaale si cad u goaansaday inuu idinka oo arkaya oo indhihiinu ay furan yihiin in uu hortiinta ku gawraco Qaranimadii Somaliland ee aad soo dhisayseen 18ka sanadood, idinka oo ogsoon inaad xorriyadaasna usoo marten waddo aad u dheer oo dhiig leh.

Waxaa ku waajib ah dadweynaha Somaliland, mid yar iyo mid weyn, rag iyo dumar, wadaad iyo waranle in dhamaantood ay u kacaan difaaca qaranimadooda, waxaa waajib idinku ah inaad difaacataan Baarlamaankiina, iyo Ummadnimadiina, waxaa waajib Muqaddas ah idinku ah in aydinaan ka ogolaanin Madaxweynahan Aabaal ka darka ah ah ee Daahir Rayaale inuu si yar oo fudud u burburiyo ummadnimadiina iyo qaranimadiina.

Difaaca dalkiina, kana hortaga inta ay goori goor tahay qorsha dhagaraysan ee ay idiin maleegayaan Daahir Rayaale Kaahin iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo ku shuraakoobay sidii ay u burburin lahaayeen Qaranimadiina iyo Xorriyadiina, waxaa waajib idinku ah inaad ku dhaqaaqdaan isu soo baxyo aan kala joogsi lahayn oo aad ku muujinaysaan dareenkiina, kuna diidaysaan in Daahir Rayaale iyo dhagarqabayaasha kale ee ku shurakoobay inay xorriyadiina aasaan aanay guulaysan doonin. Waxaad gaadh ka haysaan golhiina Baarlamaanka idinka oo baacsanaya gacana ula tagaya Xildhibaanada damiir laawayaasha ah ee shilimaadka xaaraanta ah ugu adeegaya Madaxweynahan ku hamiyaya inuu kaligii taliye isu rogo.



Madaxweyne Rayaale Ma waxa uu Go’aansaday inuu noqdo Qaxooti Jabuuti jooga halkii uu ka noqon lahaa Boqor haybad leh oo Somaliland ku noolaada?



Su’aashani oo ah ta ay is weydiinayaan kumanaan qof oo reer Somaliland ah oo ku kala nool aduunka dacaladiisa, isla markaasna ay tahay mid ay jawaabteedu soo bixi doonto todobaadyada iyo bilaha soo socda, ayaa hadana marka aynu si qoto dheer u dhuuxno ficilada dhagarta huwan ee Madaxweyne Rayaale uu ku kacayay bilihii u danbeeyay waxaa laga dheehan karaa in ay u muuqato inuu Madaxweyne Rayaale go’aansaday inuu Qaxootinimo weydiisto Jabuuti isla markaasna uu hilmaamo sharaftii ay dadweynaha Somaliland ay huwiyeen, taas oo ahayd sharafta u sarraysa ee qof la huwiyo, iyaga oo Madaxweyne ka dhigtay isla markaasna diyaar u ahaa marka uu xilka ka dego inay barbar taagnaadaan madaxweynahooda inta ka hadhay noloshiisa, waxaana Rayaale u muuqday inaanay taasi u cuntamayinin, waxaana ficiladan u danbeeyay ee Madaxweyne Rayaale ku kacayaa ay ina tusayaan inuu door bidayo in maalamaha cimrrigiisa ka hadhay uu ku qaato dalka Jabuuti oo ah dal magangelyo siiya kuwa dhagarta qaba iyo kuwa loo haysto dambiyada kala duwan ee ay ka midka yihiin kuwa lagu eedeeyo inay carruurta faraxumeeyaan sida Abwaan Sangub oo kale. Si uu hadaba Rayaale uga helo soo dhawayn fiican kaligii taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa markaas uu ku qasban yahay inuu fuliyo awaamiirta Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kow ka tahay inuu Burburiyo Qaranimada dhiigga loo soo daadiyay ee Somaliland.

Waxaa hadaba is weydiin leh, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ma ku guulaysan doonaa qorshihiisan ku saabsan burburinta Qaranimada Somaliland, Mise Dadweynaha Somaliland oo ah geesiyaal aragti dheer oo aan la khiyaami Karin ayaa si wadaniyadi ay ku jirto u difaacan doona qaranimadooda ay usoo mareen jidkii dheeraa ee dhiiga lahaa?



Waxaan aad ugu kalsoonahay in aan dadweynaha reer Somaliland marnaba ka ogolaan doonin Daahir Rayaale Kaahin iyo Ismaaciil Cumar Geelle iyo adeegayaashoodu in ay ku guulaystaan burburinta geedka Xornimo ee ay Ummada Somaliland hadhsanayso, geedkaas oo lagu waraabiyay dhiiggii daahirka ahaa ee kumaanaan geesi oo reer Somaliland ah.

Waxaan usoo jeedin lahaa Madaxweyne Rayaale inuu dib uga fikiro ficilada khaldan ee uu ku kacayo ee uu qoomamayn doono mar aan fogayn, waxaanan ugu baaqayaa xubnaha Golaha Wasiirrada , Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boliska iyo cid kasta oo in uun damiir wadaninimo ay ku hadheen inay Daahir Rayaale gacanta ka qabtaan kana joojiyaan sidii uu uga joogsan lahaa dariiqan dhiigga leh ee uu ku socdo.

Kaysar Cabdilaahi

Bristol. UK

kaysar@europe.com

No comments:

Post a Comment