Thursday 3 September 2009

GOLAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND : JABADAAN CARUUREED, BADDU KHALLI ! KHALLI BADADU

GOLAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND : JABADAAN CARUUREED, BADDU KHALLI ! KHALLI BADADU

Image and video hosting by TinyPic

Golaha Baarlamaanka Somaliland : Jabadaan Carruureed, Baddu Khalli! Khalli Baddu!

Waxay ahayd subax hore oo ku beegnayd 29 kii Bishii September ee sanadkii 2005 markii ay dadweynaha reer Somaliland ee geesiyiinta ahi ay safaf dhaadheer u galeen sidii ay u kala dooran lahaayeen 246 murashax oo u ordayay inay ka mid noqdaan 82 Mudane oo ku fadhiista laba iyo sideedanka kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Somaliland. Xubnahaas tartamayay oo ka kala yimi saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UDUB, KULMIYE iyo UCID oo mid waliba uu darka soo joojiyay 82 xubnood oo tartanka uga qayb gala ayaa waxa ay aakhirkii natiijadii ku dhamaatay iyaga oo saddexda Xisbi kala helay 33 Udub ah, 28 Kulmiye ah iyo 21 Ucid ah.

Farxada dadweynaha ayaad meel kasta ka dareemaysay in markii u horreysay taariikhdooda ay dadweynaha reer Somaliland fursad u helaan inay codkooda iyaga oo xor ah ku soo doortaan xubno Baarlamaan oo si xalaal ah u metela gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaana yididiilada iyo higsiga dadweynuhu uu ahaa inay helaan gole sharci dajineed oo si haybadi ku jirto u kaaba dhisamaha saddexan ee hanaanka qaran ku dhisan yahay oo Golaha Sharci dejintu uu yahay ka ugu muhiimsan saddexdaas laamood, maadaama uu Baarlamaanku yahay soo saaraha iyo dejinta sharciyada iyo qawaaniinta uu qaranku ku shaqeeynayo.

Sida laga warqabo kulankii ugu horreeyay ee Baarlamaanka la soo doortay ee Somaliland uu yeesho waxaa hadheeyay murankii ka dhashay cugashada shir gudoonka golaha, waxaana dadka badankiisu ay xasuustaan erayadii taariikhda galay ee uu Xildhibaan Ibraahin Dhaadheere oo ahaa Odayga ugu da'ada weyn ee xildhibaanadaas oo laga codsaday inuu golaha u hogaamiyo si ku meel gaadh ah inta laga dooranayo shir guddoon , waxaana uu dhaadheere qudbadiisii u horraysayba uu ku tiraabay SHIRKU WUU XIDHAN YAHAY ilaa Sabtida! Isga oo u dhaqmay inuu yahay gudoomiyhii baarlamaanka ee rasmiga ahaa.

Layaab iyo anfariir ayay ku noqotay dadweynaha iyo xildhibaanadii golaha fadhiyayba go'aanka maroorsiga ah ee uu Dhaadheere qaatay, madashiina waxay isu rogtay goob fawdo iyada oo aakhirkii xubnuhu soo kiciyeen xubintii labaad ee ugu da'ada weynayd ee golaha fadhiyay halkaas oo aakhirkii lagu doortay shir gudoonka xubana shir gudoonka golahha oo kala ahaa Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ka tirsan Xisbiga UCID oo noqday Gudoomiyaha Baarmaanka, Mudane Cabdicasiis Samaale oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo noqday Gudoomiye ku xigeenka Koowaad iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ka tirsan Xisbiga KULME oo noqday gudoomiye ku xigeenka labaad, kuwaasoo dhamaantood kasoo jeeday iskaashatada Xisbiyada mucaaradka ah.

Hadaba Khilaafkii Shirgudoonku halkaas maku dhamaaday?
Run ahaan MAYA ! Sida muuqata khilaafkaas ku saabsanaa in shirgudoonka Baarlamaanka ay gacanta ku dhigaan Xisbiyada Mucaaridka ahi halkaas kumuu dhamaan, waxaana ay arrintani luqmatul-xajar ku noqotay Madaxweyne Rayaale oo markiiba horeba si qasab ah ku qaatay aqbalaada go'aankan taasoo uu meelna ka mari waayay go'aankii xikmada ku dhisnaa ee ay Guurtidu ka gaadhay arrintan, waxaana xusuus mudan Xaaji Cabdi Waraabe oo go'aankooda ay mucaaridka la safteen faahfaahin ka bixinayay ayaa yidhi " Libaax laba god lagama wada kiciyo" isaga oo yidhi hadii nimankan mucaaridka ah Kursigii Madaxweynaha laga qaaday inaanay macquul ahayn in kan Baarlamaanka laga qaado, waxaana uu Xaajigu waagaas xusay inay Ciireen oo Xagii UDUB ay ku Ciireen! maadaama ay UDUB xukuumada hogaamiso imika.

Hadaba mudada dheer ee uu Baarlamaanku jiray waxa jirtay cadaawad qoto dheer oo ka dhaxaysay Xukuumada iyo Baarlamaanka, waxaana shaqadii Baarlamaanku ay noqotay mid aan dhinacna u socon oo fadhiid ah, waxaana taasi ay niyad jab ku riday dadweynihii Somaliland ee ay rajadoodu ahayd inay helaan Baarlamaan tayo leh oo la xisaabtama Xukuumadan dabarka goosatay ee imika Somaliland ka jirta. Nasiib darrada kale ee dhacday waxa ay ahayd iyadoo xubno badan oo Baarlamaanka ka mid ahi ay ahaayeen qaar ka yimi qurbaha, kuwaas oo aan si dhab ah iyo si niyad ah dalka u deganayn iyada oo ujeedada ay Baarlamaanka u galeena ay ahayd inay helaan magac iyo inay huwadaan haybada Xildhibaanimo oo kaliya, hase yeeshee aanay noqon qaar si dhab ah oo wadaniyadi ay ku jirto ugu shaqeeyay dadkii soo doortay, iyaga oo noqday xildhibaano part time ah oo marba diyaaradaha dhinac u saaran.

Golaha Baarlamaanka oo imika isu rogay Jabadaan Carruureed!
Yaa xasuusta waagii carruurnimo jabadaantii la ciyaari jiray, waxaa dhici jirtay berigaas in hadii aad dareento in khalad lagaa galay, ama jabadaanta ciyaarteeda laguu diido in xanaaq dartii la odhan jiray Baddu Khalli ! Wax jabadaan ah oo la ciyaari karaa ma jirto halkaasoo oo sida caadiga ah xariijimaha jabadaanta cadho datreed cagta loogu masixi jiray!oo ciyaartaasi ay halkaas ku dhamaan jirtay oo lagu kala hoyan jiray.

Ka hor intii aanuu golaha Baarlamaanku isu rogin jabadaanta, ayay ahayd maalmo yar ka hor uun markii ugu horraysay ee ay dadweynaha Somaliland ku diirsadeen go'aankii golahaas ka soo baxay ee Xukuumada iyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka farayay inay ku dhaqmaan diiwaan galintii ay xukuumada iyo gudiga doorshadu sida sharci darrada ah daaqada uga tuureen, iyada oo loo hanweynaa talaabadii tan xigtay ee Baarlamaanku uu ka qaadi lahaa Xukuumada iyo Gudiga Doorashooyinka maadaama ay si cad u diideen fulinta go'aanada Baarlamaanka, lana sugayay in Xil ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Xubnaha Gudiga Doorashooyinka oo noqday qaar sharci jabis ah, fidno culusna qaranka u horseedi kara hadii aan layska qaban inta goori goor tahay, ayaa arrintii waxay isu badashay BADDU KHALLI! Ka dib markii Xildhibaanadii UDUB ka soo jeeday ay si foolxumo ah oo masuuliyad darro ay ka muuqato u dhaqmeen.

Golihii Baarlamaanka ayaa ku danbeeyay inuu noqdo Xero Jabadaan oo si foolxumo ah oo yaqyaqsi leh ay xubnihii Baarlamaanka Somaliland ee loo hanwaynaa ay u dhaqmeen sidii Carruur Jabadaan ciyaaraysa oo inta carruurtii qaarkood xanaaqeen ay yidhaahdeen Baddu Khalli! Waxaa argagax noqotay oo shacbiga reer Somaliland ceeb ku ah inay soo doorteen xubnihii UDUB ee sida bilaa sharafta ah u dhaqmay, kuwaasi oo aan ixtiraamin haybada xildhibaanimo, dhaartii ay mareen iyo dadkii soo doortay toona, una muuqday qaar ku tartamayay inay Madaxweyne Rayaale is tusaan si uu shilimo xaaraan ah oo hantidii qaranka ah ay uga helaan.

Masuuliyiinta Baarlamaanka ee u dhaqmay sida foolxumada iyo yaqyaqsiga ahi waxay waji gabax ku rideen guud ahaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay caalamka ku nool yihiin, waxaana ay ku kaceen fool xumo taariikhi ah oo ay waajib tahay inaan la cafiyin, iyada oo dadweynaha Somaliland ay waajib ku tahay inaanay mar danbe codkooda siin Xildhibaanada u dhaqmayay sidii mooryaantii Baarlamaankii Embagati ee Nayroobi joogay.

Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay inay Xukunka dalka sii haysato ayay taariikhdu u xanbaarin doontaa fadeexada ka dhacday Baarlamaanka maadama ay Xildhibaanadeedii UDUB ay ku soo abaabushay inay qas iyo qalalaase ka ridaan Xarunta Baarlamaanka si aanuu goluhu fursad ugu helin Maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha ee uu Baarlamaanku ku gudo jiro.

Meeday Dhaartii ?
Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa ku waajib ah inay Xasuustaan Dhaartii ay mareen oo ahayd " Waxaan Allah ugu dhaartay in aan Daacad u noqonayo Diinta Islaamka iyo Dalkayga Somaliland, waxaanan Ilaah ugu dhaartay inaan dadkiisa ku maamulayo Sinaan iyo Cadaalad intaan Xilka hayo"

Mudanayaal waxaad xasuusataan Aakhiradiina, idinka oo eegaya dhaarta aad marteen, waxaana idinku waajib ah inaad si degdeg Allaha idin abuurtay ugu toobad keentaan oo aad dalkiina ka badbaadisaan bururka ay kuwado xukuumada maanta dalka ka jirta ee manaxaanka ahi. Waxaa idinku waajib ah inaad si wadaniyadi ay ku jirto aad ugu shaqaysaan dalkiina oo aad ka waantoowdaan in aad shaqaale hoosaad u noqotaan Madaxweynaha sharci jabiska ah.

Waxaan rajaynayaa in aanay mar danbe Xubnaha Baarlamaanku u dhaqmin sida niyad jabka leh ee ay u dhaqmeen shalay, waxaanan aaminsanahay in wali Xubnaha baarlamaanku ay haystaan fursado ay ku saxi karaan khaladkooda, dalkooda iyo dadkoodana wax ugu qaban karaan.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com

No comments:

Post a Comment