Friday 11 September 2009

GUURTIDA OO KU DHAWAAQDAY INAY XAL KA GAADHEEN MURANKA XADHIGA XARUNTA WAKIILADA SABTIDANA LA FURAYO

GUURTIDA OO KU DHAWAAQDAY INAY XAL KA GAADHEEN MURANKA XADHIGA XARUNTA WAKIILADA SABTIDANA LA FURAYO


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddi 10 xubnood ka kooban oo uu hoggaaminayo oo ka tirsan Golaha Guurtida oo maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaa dhexdhexaadinta dhinacyada Siyaasadda isku haya ee Somaliland, gaar ahaan xallinta khilaafka ka dhashay Golaha Baarlamaanka, ayaa sheegay in ay guul ka gaadheen dhexdhexaadintaas.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Shirguddoonka Golaha Wakiilada iyo Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu Madaxweynuhu ka aqbalay in Xukuumaddu dib u furto Xarunta Golaha ee ay hore ula wareegeen. “Waxaanu la kulanay Madaxweyne Rayaale, waxaanu naga aqbalay in dib loo furo Golihii ciidamada halkaasi joogana laga kaxeeyo berrina waa la furayaa. Sidoo kale waxaanu la kulanay Shirguddoonka Wakiilada oo iyana dhinacooda naga aqbalay in Golihii ay ka sooo xaadiraan oo ay hawl-galaan.

Sidaa darteed, waxaanu shacabka u sheegaynaa in Golihii furmayo ee sidaa ay ku ilaaliyaan Nabadgelyada.” Ayuu yidhi Md. Saleebaan. Waxaanu Guddoomiyuhu sheegay inay sii wadayaan dhexdhexaadinta ay ku jiraan ee xalinta khilaafaadka Siyaasadeed ee guud ahaan dalka.

No comments:

Post a Comment