Thursday 3 September 2009

RI BADEED REER YURUB AH OO MAXKAMADI UGA BILAABMATAY MOSCOW

JIRI BADEED REER YURUB AH OO MAXKAMADI UGA BILAABMATAY MOSCOW

Sideed Burcad Badeed ah oo kasoo jeeda Yurub, ayay Maxkamadi uga bilaabatay magaalada Moscow ee dalka Russia, kooxdan ayaa afduubay Markab laga lahaa dalka Russia bishan Agoosto.
Image and video hosting by TinyPic
Kooxdan burcad badeeda ah ayaa afduubay Markabkii Artic Sea waxaan la sheegay in kooxdan oo aad u hubeysnaa ay markaba dushiisa fuuleen xili uu marayey xeebta dalka Finland, ayagoo iska dhigay ciidamo Booliis ah, waxayna ku hanjabeen inay dilayaan kabtanka Markabka hadii aan amarkooda la qaadan.
Image and video hosting by TinyPic




Kooxdan ayaa gacanta lagu soo dhigay kadib markii ay ciidamada dalka Ruushka ay markabka dushiisa fuuleen, isla markaana soo bad baadiyeen 15kii shaqaalaha ahaa ee markabka, ayagoo gacanta ku dhigay sideedii afduubayaasha ahaa.

Markabka ayaa 19kii bishan la geeyey jasiirada Keb Ferdeyan ee dalkaasi Ruushka.

Kooxdan burcad badeeda ah ayaa hada lagu hayaa xabsiga sida weyn loo illaaliyo ee ku yaal caasimada Ruushka, Moscow, xabsigaasi oo lagu magacaabo Lefortovo.

Kooxdan ayaa shalay mar la horgeeyey maxkamada Moscow ayey isku difaaceen inaysan ayagu burcad badeed ahayn balse ay markabkaasi dushiisa fuuleen kadib markii shidaalkii ka dhamaaday dooni yar oo ay wateen.

Afduubka markabka laga lahaa dalka Ruushka ayaa si weyn u gilgilay caalamka, ayadoo horey isha loogu hayey burcad badeeda Soomaalida.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment