Thursday 3 September 2009

GUDI UU HOR KACAAYO GUDOOMIYAHA USJ MR CUKUSE OO LA KULAMAY MADAXDA KULMIYE

GUDI UU HOR KACAAYO GUDOOMIYAHA USJ MR CUKUSE OO LA KULAMAY MADAXDA KULMIYE

Image and video hosting by TinyPic

Gudi uu hogaminayey gudoomiyaha USJ Mudane Cabdilaahi Maxamed Dahir[cukuse] ayaa maanta kulan la sameeyey hogaamiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, kulankan oo ka dhacay guriga uu degan yahay Gudoomiye Siilaanyo, ayaa waxa xisbiga Kulmiye uga qayg galay Gudoomiye Siilaanyo, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Muuse BiixiCabdi iyo xubno sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.


Gudidan iyo xubnahan sar sare ee xisbiga Kulmaye ayaa ka wada hadlay khilaafkan aloosan iyo waliba sidii ay doorasho u dhici lahayn taas oo noqota mid lagu wada kalsoonyahay

Gudoomiya ururka saxaafada maxadaxa banaan ee USJ ahan gudoomiyaha ergayda dhexdhexaadinta khilaafka siyasadeed iyo ka doorashaba ee Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maray soo dhamayteen kulankaasi saxaafada u waramaayey ayaa sheegay qaabkiii shirkooda iyo wadahadlkii ku dhex maray madashaasi iyaga iyo madaxda xisbiga Kulmiye , waxaana uu sheegay in kulankaas uu ku dhamaaday jawi fiican, isagoo tilmaamay in kulanka ay layeesheen madax xisbiga uu ku saabsanaa oo kaliya iswaraysi labada dhinaca ah iyo is waydaarsi aragtiyaha khilaafka taagan.

C/laahi Maxamed Daahir [CabdilaahiCukuse] waxa uu sheegay in masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye si fiican u soo dhaweeyeen una wada-hadleen.waxaanuu sharaxaad kooban ka bixiyey asaaskii gudida dhexdhexaadinta khilaafka doorashada isagoo sheegay in aasaaskii gudigaas uu ka dambaysay ka dib markii Dallada saxaafada madax banaan ee Somaliland ee USJ ay abaabushay dad ay bidaayeen aqoon iyo maskax oo ka mid ah shacbiwaynaha Somaliland si ay xal ugu helaan khilaafkan siyaasadeed ee ka taagan dalka Somaliland.
Mr Cukuse waxa uu sheegay in sagaashan xubnood oo ka mid ah haldoorka Somaliland isu keeneen hawsha dhex-dhexaadinnta, kuwaas iska sii doorta shan iyo labaatan xubnood .

Waxaanuu sheegay Mudane Cukuse in shan iyo labaatankaaa xubnood ee ay iska dhex doorteen ay iska sii dooreen xubin gudoomiye ah taas oo ay u doorteen Mudane Xasan Maygaag Samatar kuwaas oo ugu horaytii ku bilaabay kulankood Madaxda xisbiga Ucid kuna xigsiiyey madaxda xisbiga Kulmiye lana filaayo in ay dhawaan la kulmaan madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin.

Warqabadka Togaherer
Haragaysa

No comments:

Post a Comment