Thursday 3 September 2009

GABADH MARAYKAN AH OO AFDUUB LOO HAYSTAY MUDDO 18 SANO AH OO LA HELAY MUDADAANA DHASHAY 2 CARUUR AH Booliska Gobolka Calafornia ee dalka Maraykan

GABADH MARAYKAN AH OO AFDUUB LOO HAYSTAY MUDDO 18 SANO AH OO LA HELAY MUDADAANA DHASHAY 2 CARUUR AH

Booliska Gobolka Calafornia ee dalka Maraykanka ayaa helay gabadh 29 jir oo muddo dheer afduub loo haystey, gabadha ayey u suurta gashey in ay markii u horeysey xidhiidh la samayso Booliska waxa ay u sheegtay in la afduubtay iyada oo jirta 11 sano isla markaasna lagu hayey guri ku yaala Sanfaransisco, halkaas oo loogu geysan jirey kufsi joogto ah. Gabadha ayaa sheegtay in mudadii afduubka loo haystey ay dhashey laba caruur.

Jaycee Lee Dugard markii la afduubtey waxa ay ahayd 11 Sano jir waxa ay sugeysay Bus magaalo ka durugsan halka ay deganayd oo la yidhaahdo Lake Tahoe gobolka Kalaforniya sanadkii 1991, kadib waxaa soo ag dhigtey gaadhi Akhtar ah waxaana ka soo degay laba qof kuwaas oo si khasab ah ugu ridey gaadhigii.

Qoyska ay ka dhalatay Jaycee Lee Dugard muddo dheer ayey baafinayeen, kadib waa ay ka quusteen, waxaana lagu tiriyey Jaycee Lee Dugard in ay dhimatey.

Caruurta ay dhashey ayaa hadda jira 15 sano iyo 11 sano, waxaa lagu kala hayaa meelo kala gedisan, fursadna looma siin in ay iskool Tagaan, wax dhakhtar ahna lama geeyo.



Afduubka ayaa loo qabtey nin 58 jir ah iyo xaaskiisi kuwaas oo deganaa guriga laga helay Jaycee Lee Dugard. Booliska ayaana hadda baadhitaan ku haya labadan qof ee mudada 18 sano ah ay u afduubneyd Jaycee Lee Dugard.

Image and video hosting by TinyPic
SAWIRKA INANTA YAR EE LA AFDUUBTAY 18 SANO KA HOR

Image and video hosting by TinyPic
NINKA IYO AFADIISA KU EEDEYSAN FALKA AFDUUBKA AH

Image and video hosting by TinyPic
WADADA LAGU AFDUUBAY GABADHA YAR

Image and video hosting by TinyPic
GAADHIGII WAAGA LAGU AFDUUBAY GABADHA YAR

No comments:

Post a Comment