Thursday 10 September 2009

MADAXWEYNE RIYAALE OO KU QAABILAY XAFIISKIISA AXMED OULD CABDALA

MADAXWEYNE RIYAALE OO KU QAABILAY XAFIISKIISA AXMED OULD CABDALA

Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay wafti ka socda Qaramada Midoobay, laanta u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.
Image and video hosting by TinyPic

Waftigaasi Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Axmed Ould Cabdala oo socdaal gaaban ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaxweynuhu uu kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Somaliland ay u qalanto Qaramada Midoobay inay siiyaan tix-galin gaar ah ulana macaamilaan si gooni ah, gaar ahaan mashaariicda horumarka ah ee dalka ay ka hirgaliso maadaama Somaliland ay ku caanno maashay nabadgelyo iyo xasilooni aan ka jirin gobolo badan oo inagu xeeran.
Image and video hosting by TinyPic

Madaxweynuhu waxa uu waftiga Qaramadda Midoobay si ballaadhan ugu sheegay tixgalinta Somaliland ay ka mudan tahay caalamka intiisa kale isla markaana waxa uu carrabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland ku caanno maashay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu soo qaaday arrimaha siyaasadda ee dalka ka taagan waxa uu sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay in khilaafka siyaasadeed mar walba ay Somaliland ku dhamaysato is-afgarad iyo wadda tashi sidii caadada u ahayd.
Image and video hosting by TinyPic

Mudane Ould Cabdala oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu uga mahad naqay madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbigaba, sida diirran ee loogu soo dhaweeyey Somaliland isaga iyo weftigiisa, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu Somaliland yimaado.

Mudane Ould Cabdala waxa uu sheegay “ inuu aad ugu faraxsan yahay nabad gelyada, xasiloonida iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland, taas oo uu gaadhsiin doono Qaramada Midoobay golaheeda amaanka iyo hay’adaha kaalmada iyo maalgashigaba ku sameeya waddamada dunida “, Ould Cabdala isaga oo hadalkii sii wata waxa kale oo uu yidhi “waxaanu ka furi doonaa magaalada Hargeysa xafiis cusub oo u qaabilsan qaramadda midoobay dhinaca siyaasada”, iyada oo la kordhin doono shaqaalaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Somaliland, waxa kale oo uu intaa raaciyey ”in xafiiskaasi uu noqon doono mid sii ambaqaada taageerada xaga dhaqaalaha ee Qaramada Midoobay ku caawin doonto Somaliland gaar ahaan sugitaanka nabad gelyada xeebaha iyo la dagaalanka argagixisada”.

Waftigaasi Qaramada Midoobay kulankaa ay saaka la yeesheen madaxweynaha waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale.



Allaa Mahad Leh



Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment