Monday 14 September 2009

NEBHANI WAA NIN CAYNKEE AHAA?????

NEBHANI WAA NIN CAYNKEE AHAA?????


Saleh Ali Saleh Nabhan waxa uu ku dhashay April 4, sanadkii 1979 Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya.

Image and video hosting by TinyPic

Saleh Ali Saleh Nabhan ayaa la rumeesanyahay in uu ku jirto weerar dhanka Diyaaradaha oo lagu qaaday Kolanyo Baabuur ah oo mareesay xaafadda Roobow ee ka tirsan Degmada Baraawe ee Gobalka Sh/Dhaxe una jirta 250 km Magaaladda Mogadishu ee caasimada dalka Somalia.

Bishii February 14, sanadkii 2006 warbixin ay soo saartay Heyadda FBI-da ayay ku sheegtay in ay Saleh Ali Saleh Nabhan ku dartay Liiska dadka aadka loo doodoonayo lana tuhasanyahay in ay xiriir la leeyihin ururka Al-Qa’ida.

Heyada FBI-da dalka Mareekanka ayaa aamisan in uu Saleh Ali Saleh Nabhan yahay maskaxda ka danbeeysay weerar loo geestay Hotelka ay Yuhuudu ku leedahay magaaladda Mombasa iyo weerar Gantaal ah oo lagu qaaday Diyaarad ay dowladda Israel leedahay kana duuli rabtay Garoonka diyaaradaha magaaladda Mombasa ee dalka Kenya sanadkii 2002.

Saleh Ali Saleh Nabhan sidoo kalle waxa uu ku jiray liiska dadka ay dowladda Kenya baadigoobaka xoogan ugu jirtay tan iyo sanadkii 2002, dhanka kalle dowladda Kenya ayaa Saleh Ali Saleh Nabhan ku eedeesay in uu ka mid ahaa maskaxdii ka danbeesay weeraradii lagu bur-buriyay Safaarada dowladda Mareekanka ay ku laheed dalalka Kenya iyo Tanzania kuna dhinteen Boqolaal qofood sanadkii 1998.

Weerarkii lagu qaaday Paradise Hotel oo uu leeyahay nin u dhashay dalka Israel ayay ku dhinteen 3 Israeli ah iyo 10 Kenyan ah iyadoo ku ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 80 qofoo.

Kadib weerarka Hotel-ka Paradise loo geestay ayay Police-ka dalka kenya xabsiga u taxaabeen 12 qofood oo 6 ka mid ah ay dalka Pakistan u dhasheen halka 4 kalle ay somali ahaayeen inkastoo ugu danbeentiii xoriyadooda ay dib u heleen balse Saleh Ali Saleh Nabhan dusha looga tuuray in ay yahay ninka ka danbeeyay weerarka Hotelka lagu qaaday.

Mareekanka iyo dowladda Israel ayaa rumeesnaa in Saleh Ali Saleh Nabhan ay Midowga Maxaakimsa ee Somalia ay Magangalyo siiyeen. Saleh Ali Saleh Nabhan ayaa la sheegaa in uu ahaa xubin sare oo ka mi dha Ururuka Al-shabaab ee dagaalka ka wada dalka Somalia.

Bilwoogii Bisha May sanadkii 2007 ayay aheed markii Gantaal lala helay Allaha u nasariistee Adam Xaashi “Ceyrow” oo ku sugnaa Magalada Dhuusam Maree, Adam Xaashin waxa uu ahaa Hogaamiyaha ururka Al-shabaab. Adam Xashi “Ceyrow” dilkiisa waxaa sheegtay dowladda Mareekanka iyadoo dilkiisa lagu bixiyay aduun lacageed oo gaaraya Lix Million sida ay warbaahitan Qaarkood qoreen.

Inta badan weerarada cirka ah ee Qorsheesan ee ka dhaca dalka Somalia waa kuwo aad u tira yar marka loo bar-bardhigo dowladaha Pakistan, Afganistan iyo dalka Falastiin.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@hotmail.co.uk
ibraahim@journalist.com

No comments:

Post a Comment