Monday 14 September 2009

ISLAAN 107 SANO JIR AH OO BAADI GOOBAYSA NINKII 23 AAD EE GUURSADA

ISLAAN 107 SANO JIR AH OO BAADI GOOBAYSA NINKII 23 AAD EE GUURSADA

Image and video hosting by TinyPic
Meka Wok oo ah islaan Maleysiyaan ah oo da`deeda sii caga-cageyneysa 107-sano ayaa shaaca ka qaaday in ey baadi goob ugu jirto ninkii 23-aad ee nolosheeda, kadib markii odeygii qabay la dhigay cusbitaal islamarkaana ey iska furtay.

Ninkeeda oo 37-jir ahaa laguna magacaabay Momamad Noor Che Musa ayey iska furtay Meka kadib markii cusbitaal ku yaal caasimadda Maleysia ee Kuala Lumpur la dhigay si looga dhaqo balwad daroogo oo uu qabay.

Meka ayaa sheegtay in ey iminka dareemeyso cidlo islamarkaana ey dooneyso nin ey nolasha lasii wadato, kaasoo noqonaya seygeeda 23-aad.

Waxa ey sheegtay in ey rajeyneyso in ey la kulanto nin dhalinyaro ah, iyadoona carabka ku dhifatay in ey adagtahay arintaasi maadaama ey tahay qof waayeel ah islamarkaana ragga eysan soo jiidaneynin oo ey doonayaan gabar yar.

Mar wax laga weydiiyay ninka ey dooneyso ceynka uu yahay ayaa waxa ey tiri "Ma u maleynayo in aan helayo nin u quruxbadan sida r/wasaaraha Maleysia Najib Razak, balse waqti xaadirkan nin kasta oo wanaagsan waan ku qanacsanahay, haba foolxumaadee".

Dhacdada Meka ayaa la hadal hayaa guud ahaan dalka Meleysia iyo caalamkaba, iyadoona idaacadaha iyjariiradaha lagusoo qoray.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment