Monday 14 September 2009

M/WEYNUHU HADALKIISA MACAAN IYO FICILKIISA HA IS WAAFAJIYO ENG FAYSAL ALI WARAABE

M/WEYNUHU HADALKIISA MACAAN IYO FICILKIISA HA IS WAAFAJIYO ENG FAYSAL ALI WARAABE

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabi ayaa ka hadlay Mawqifka Xisbigiisa iyo Halkay ka taagan yihin wada hadalada uu ugu Baaqay Madaxweyne Rayaale.

Faysal Cali oo Shir Jaraa'id ku qabtay Hargeysa kadib markii ay kulan yeeshayn Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID wuxu Soo dhaweeyey Dadaalka Guurtida ay wado, wuxuna ugu baaqay inay iskugu keenan seddexda Xisbi wada hadal si la iskula meel dhigo Wakhtiga la kordhinayo Doorashada madaama ay cadahay inaan lagu qaban karin Doorashada wakhtigii loogu talo galay

Faysal Wuxu ugu baaqay dhinacyada is haya ee ay ka midka yihin inay Isku tanaasul la yimaadan oo sharciga la ixtiraamo si lo badbaadiyo dalka.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlayey Hadalkii Madaxweyne Rayaale ee uu ku eedeyey inay Shirgudoonka iyo Xisbiga KULMIYE wadaan Mudaharaadka wuxu sheegay inaanay wadin KULMIYE oo kali ahi balse ay u dhan yihin oo ay wada wadaan xisbiyada iyo Ururada siyaasada Somaliland.

Wuxu Gudoomiyuhu ku eedeyey Madaxweyne Rayaale Xadhiga uu xidhay Xarunta Golaha Wakiilada wuxuna tusaale usoo qaatay in Madaxweynuhu sheegay inay Habka Maamulka Maraykanka ay ku dhaqmaan, wuxuna yidhi hadad Habkaa ku dhaqmayso Madaxweynaha Maraykanku ma xidhi Karo Congresska Marykanka adna ma xidhi kartid Xarunta Golaha Wakiilada.

Faysal oo ka hadlayey Xiliga Kordhinta iyo cida Qabanaysa Hogaanka Dalka wuxu sheegay inay ogol yihin in la kordhiyo madaama ay daruufo jiraan balse aanay ogolayn in Rayaale loo kordhiyo ee ay doonayaan in Seddexda Xisbi ka wada hadlaan Guurtiduna ay tixgaliso heshiiska seddexda Xisbi isla markana laga wada hadlo Cida Qabanaysa Hogaanka dalka.

Isagoo ka Hadlayey Mudaharaadkii ka dhacay Hargeysa ee Dhimashada keenay wuxu sheegay inaanay doonayn inay sidaa wax u dhacaan ee ay doonayeen in sidii kii Burco u dhaco balse in Hadda xal la keeno si aan wax dambe u dhicin, wada hadalna lagu dhameeyo Khilaafka Jira.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal oo ka hadlayey Hadalkii madaxweynaha ee Shirka Jaraa'id ku sheegay in Dhibaatada Golaha Wakiilada kasoo bilaabantay markii la doortay Shirgudoonka wuxu sheegay in Markaa madaxweyne Rayaale uu ogolaa uuna ku qancay markii la doortay Si fiican, Maalintii Dhawaydna wuu ogolaaday in Furaha bixiyo balse hadana habeenki buu is badalay.

Mar la waydiiyey in Xukuumadu uga noqotay go'aanka kadib marki ay ogotaay in Mudaharaadkii aan la joojin ee la abaabulayo, wuxu sheegay inuu isagu damaanad qaaday inaanay waxba dhacayn haddii furaha la bixiyo balse ay iyagu xukuumad ahaan kala hadlayaan oo dhawr wasiir oo aanu Madaxweyne Rayaale ogayn inay Dantiisa wadan uu soo dirtay.

Mar la waydiiyey inay Yeelayaan Wada hadalka Madaxweyne Rayaale ugu yeedhay wuxu sheegay in Madaxweynuhu Hadalkiisa macaan iyo ficilkiisa is waafajiyo oo sidii loogusoo gali lahaa sameeyo oo isagu u yeedho telefoona u diro, laakin waan furan yahay cidna kugu iman mayso buu ku daray.

Wuxu Intaa ku daray Faysal Cali Waraabe in Madaxweyne Rayaale Geesinimo layimaado sidii Marxuum Cigaal oo galaha imaado sidiisina hal cod ku helo, balse maaha inuu qas ka bilaabo Golaha Wakiilada.

mar uu ka hadlayey Hadalada Xildhibaanda Muxaafadka ah ee leh anaga noo xidhan yahay goluhu wuxu Faysal Cali waraabe Sheegay inay hayaan Rikoodho ay ka duubayn Xildhibaanda iyagoo leh waa la inagaga badan yahay golaha ee Qas aan ka abuurno si aan looga doodin Mooshinka Xilka xayuubinta.

Wuxu intaa ku daray in dadka Somaliland Ay Dhimasho ka xigaan Dikteetarnimo oo ay dhiigooga soo daadiyey aanay yeeli doonin, wuxuna Madaxweynaha ugu baaqay inanu ku dhaqmin Dikteetarnimo, dhaqanba iskadaaye inan laga dareemin xataa.

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER

No comments:

Post a Comment