Monday 14 September 2009

MAANSO LA YIDHAA KU AMBAQAADA WADA HADAL ABWAAN HAMSE RIIRAASH

MAANSO LA YIDHAA KU AMBAQAADA WADA HADAL ABWAAN HAMSE RIIRAASH

KU AMBAQAADA WADA HADAL

Maansadan la yidhaahdo ku ambaqaada wada hadal waxaan u tiriyay ka dib markan arkay xaalado dalku maraayo waan fariin si toosa u abaaraysa axsaabta dalka iyadoo oo aan ku leeyahay waar wada hadla waxayna ay maansadu ay ku bilaabmatay sida tan :-

Allihii aduunyadan
Ku abuuray todoboo
Ilaa aadan xiligii
U ahaa ilaah qudhoow
Nooga sahal umuurahan

Ayaantaynu joogno
Waa la iswada khilaafoo
Axsaabtii dhamaantood
Kuraas aan wacnaynbaa
Idilkeed xumeeyee
Nooga sahal umuurahan

Afrikadan dhamaanteed
Waxa ay aqoonoo
Uurkooga lagashaa
Indhahooda tirayee
Nooga sahal umuurahan

Kiinyadaa agteenana
Arxan daro siloonoo
Jaahilnimo agtaalaa
Ayaa wada halaagtee
Nooga sahal umuurahan

Abaaraha dalkeenoo
Darafyada u baahday
Oonkiyo haraadkan
Inagaa samaynee
Umadyahay ogsoonoow

Inagoo leh diiniyo
Kitaab aad u fiican
Ayaan wada xumaanoo
Iswada dilaynaa

Inagaana kooxiyo
Kala wada ujeedoo
Ninba dhan u jeedo
Aan ahaan gabigeen

Inagaa qabiiliyo
Qabyaalad aad u qudhonoo
Ilaahayna necebyahay
Isku qaybin idilkeen

Anigaa aduunyiyo
Aan qiimo ku fadhiyin
Itaalkeena siinoo
Aakhiro ilownay

Aan yareeyo hadalkee
Axsaabtii dalkeenoow
Ambaqaada wada hadal
xamse riraash
hamseriraash@yahoo.com
hargaysa somiland

No comments:

Post a Comment