Monday 14 September 2009

DHALINYARDII AY GACMAHA IYO LUGAHA AY JAREEN KOOXDA SHABAAB OO KA SOO BAXSADAY

DHALINYARDII AY GACMAHA IYO LUGAHA AY JAREEN KOOXDA SHABAAB OO KA SOO BAXSADAY

Wasiiro ka tirsan dowlada Somalia ayaa maanta soo bandhigay wiilashii ay lug iyo gacan is-dhaaf ah Muqdisho kaga jareen xarrakada Al-shabaab kadib markii lagu eedeeyay inay dad rayid ah u geysteen dhac.

Mid walba oo dhalinyarada ka mid ah wuxuu ka go'naa gacanta midig iyo lugta bixdix, waxayna sheegeen mar ay saxaafadu wax ka weydiisay ciqaabtoodan inaysan wax dambi ah gelin.

"Dhalinyaradan gacmaha iyo lugaha laga jaray waa lagu xadgubay, loomana ogolaan inay iska difaacaan eedaha, taasna waxay u muuqtaa in lagu xadgudbay dad aan dambi lahayn" ayuu yiri wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somalia Sh. C/raxmaan Janaqow.

Wiilashan la naafeeyay oo lagu kala magacaabo Jaylaani Max'ed C/qaadir, Ismaacil Khaliif C/lle, Cali Max'ud Cali iyo C/qaadir Cabdi Duluxow ayaa wariyeyaasha shirka jaraa'id kasoo qaybgalay u sheegay inaysan jirin dambiyo ay galeen.

"Waxaan ahaa xoogasade ku shaqeysta farsamadiisa, waxaana loo cuskaday ciqaabteyda inaan ka shaqeeyo Hotel ay dagan yihiin xubno ka tirsan Dowlada Somalia" ayuu yiri Jaylaani Max'ed oo sheegay inuu yahay aabbe dhalay 6-caruur ah.

Ismaaciil Kahliif C/lle oo ahaa wiilka ugu dhalinta yar wiilashan ayaa sheegay inuu ahaa arday laguna eedeeyay inuu ka tirsan yahay ciidamada dowlada Somalia, sidaasna gacanta iyo lugta looga jaray.

"Markii xubnaheena muhiimka ah qaarkood nalaga jaray waxaa nala geeyay guri, inta badana ma helin xuquuqihii aasaasiga ah sida raashinka, mararka qaar waxaa dhacaysa in aan raashin nala siin, markaan dalbanana nala yiraahdo iska samra" ayuu yiri Ismaaciil.

Dhalinyaradan ayaa sheegay inuu lasoo goostay mid ka mid ah xoogaga Al-shabaab oo ilaalada ka hayay, ayna sidaas ku suurogashay inay u soo galaan dowladda, isagoo ka dalbaday Somalida inay caawiyaan.

Wasiirka bani'aadamnimada iyo dib u dajinta Max'ud Cabdi Garweyne oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowladu ay damaanadqaadayso nolosha wiilashan, isagoo xusay in caalamka iyo Somalida ay uga baahan yihiin taageero.

Xarrakada Al-shabaab ayaa dhalinyaradan gacmaha iyo lugaha ka jartay kadib markii ay ku eedeeysay inay dhac ka geysteen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa gaar ahaan Suuqa xoolaha.

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment