Thursday 3 September 2009

M/WEYNE RIYAALE OO MAANTA LA KULMAY KU XIGEENKA DANJIRAHA INGRIISKA EE ITOOBIYA MR JOHN MARSHAL

M/WEYNE RIYAALE OO MAANTA LA KULMAY KU XIGEENKA DANJIRAHA INGRIISKA EE ITOOBIYA MR JOHN MARSHAL

Image and video hosting by TinyPic


Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Warsaxaafadeed
Tar: 29/08/2009
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka denjiraha safiirka Dawladda Britain u fadhiya Itoobiya Mr John Marshall.

Madaxweynaha JSL iyo safiir ku xigeenka Ingiriiska Mr Marshall, waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadda ee JSL, nabad gelyada iyo geedi socodka dimoqraadiyadda ee Somaliland ay ku caano maashay.
Mr Marshall waxa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho haya’ddo kale oo ay ka mid yihiin Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Siyaasadda ee Qaranka.

Madaxweynaha JSL Mudane Daaahir Rayaale Kaahin iyo safiirka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa Mr Marshall waxa ay ku heshiiyeen in kulan dambe ay yeelan doonaan berrito si ay u sii ambaqaadaan wada hadaladii maanta dhex maray.


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

No comments:

Post a Comment