Thursday 3 September 2009

LABA GUDOOMIYE EE MUCAARADKA OO DAREEN CADHO LEH KA MUUJIYEY ARINTI KA DHACAY BAARLAMAANKA.

LABA GUDOOMIYE EE MUCAARADKA OO DAREEN CADHO LEH KA MUUJIYEY ARINTI KA DHACAY BAARLAMAANKA.

Image and video hosting by TinyPic

Labada gudoomiye ee xisbiyada mucaradaka Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe Iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si cadholeh uga hadlay arinatan
Ugu horayn waxaa ka hadlay arintan ka dhacday golaha wakiilada Somaliladn Gudoomiyhaa Xisbiga Kulmiye Ahmed Maxamed Siilaanyo waxaanuu yidhi


“Waxaanu warkan yar ee saxaafadeed u qabanaynaa in aan halkan ka cadeeyo maqifka xisbiga kulmiye ka taagan yahay wixi maanta ka dhacay baarlamaanka gudihiisa , baarlamaanka fadhi baa u socday shaqaa u socotay barmaanijikisa aya u socotay , golaha wakiiladu waa golaha sharci dejinta waa golaha kaliye ee u sareeya ee ah gole uu shacbigu toos u soo doortay oo umada ka wakiila waa hayadii u saraysay qaranka markay sharciyadani timaado “


“Saaka goobjoog ayaad ka ahaydeen in ciidamo police ah loo soo diray in golaha albaabada loo xidhay in la yidhi amar ayaanu ku qabnaa oo ilaa taliyihii ciidamka Polcie joogay oo ay yidhaahdeen amar ayaa nalagu siiyey in aanu albaabada soo xidhno , golahaasi sidaan idiin sheegay waa rajadii ugu dambaysay ee umadu lahayd in xal uun la helo in is fahan iyo itijaah umadu siyaasigeeda iyo dimuquraadiyadala lagu higsanayey ayuu ahaa maantana badheedhkaasi ayaa ka dhacay .
Hadii anu xisbiga kulmiye nahay waxaanu leenahay anaga oo kolayba tashan doona , xisbiga kale ee aanu walaalaha nahay ee Ucidna iyagana aan filaayo in ay iminka laftoodu shir ku jiraan , waaanu marka ugu horaysa si buuxda u dhaleecaynaynaa ee dusha uga saarayna falkaa foosha xun ee maamulka maanta jira u cadaysatay in uu kula kacay golihii wakiilada gulihii golihii sharci dejinta golihi iugu sareyey ee si toos ah umadu usoo doorato oo halkaa ugu laalaabay albaabkii dimuquraadiyada ee geedi socodka dimuqraadiyadeed, arintaasina waxay umada u horseedi kartaa burbur iyo dhibaato iyo iska hor keen waxana masuuliyadeeda iyo xilkeeda si buuxda u qaba maamulka maanta jira ee uu madaxda ka yahay Daahir Riyale Kahin inaa ayan arintii maanta dhacday ka odhanayaa, wixii kale ee ay tahay in ay maanta umadu talaabo ku qaadona shacbiga reer Somaliland ayey u taalaa xisbiyada mucaardka oo kaliya uma taalo in uu nabad gesho dalkiisa nabadgalyadiisa, jiritaankisa, dimuqraadiyadiisa”

Kuwaasi waxa uu aha Mudane Siilaanyo iyo hadaladii koobnaa ee uu ka yidhi warsaxaafadeedkii ay maanta wadjir u qabteen laba gudoomiye mucaarad .


Sidookale waxaa warsaxaafadeedkak hadlay Gudomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanuu hadalkiis aku bilaabay


“Horta maanta Dalkeena boqokiiba 75 waa da’adiina iyo in yar ka waaweyn waxaa u baahnatihiin mustaqbal kaasna waxaad ku helaysaan idinka oo beer wanaagsan hela oo dawlad wanagsan hela waxaanu wax u wadnona waxa weeye in aynu dal wanaagsan oo S/L ah oo dadkiisa shaqo siiya oo cafimadka siiya oo biyo siiya oo tacliin siiyo in inshaalaahu wataacaalee u samayno weeye , nimakan dawlada hayaana waxaad moodaa in ay la soo baxeen oo ay leeyihiin {Cunay Caliyaw oo ku cunay adna ku ciideeyey }marka maaanta waxan meesha ka dhacay waa wax fool xun weeye lakiin waxaa loo bahan yahay in aynu dul qaadanaa halka la inagu wadaa waxa weeye qad ayaa la inagu wada in doorashadu inaga xumaato ayaa la wadaaa in dalka la inaga xumeeyo aya la wada chance aynu siinaa ma jirto waa in aynu nabad gelyadeena ayeynu ilaashanaynaa waa laga gudbayaa waxan oo dhan inshaalaah wa tacaala marka arinta dejiya dejiya dejiya waxaan ka soo baxay shir gudoonkii labadii qolo oo wada hadlaysa ayaan ka soo abxay qoladi laga soo tuuray ee madaxtooyada laga daari jiray iyo dadkii shacbiga aaminsanaa ee xilkooda gudanaayey ayaa wada hadlaaya marka inshaalaah wa tacaalee way iska dhamaanaysaa ee arinta cagta ha loo dhigo oo yaan dheg jalaq loo siinin”

Kaasi waxa uu aha gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo isna hadlo koobanka yidhi arinta maanta ka dhacay golaha wakiilada Somaliland

Maxamed Muuse
Togaherer
Hargaysa


No comments:

Post a Comment