Thursday 3 September 2009

MADAXWEYNE SHIRIIF OO KULAN LA QAATAY MADAXDA DALKA QATAR

MADAXWEYNE SHIRIIF OO KULAN LA QAATAY MADAXDA DALKA QATAR

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa gaarey dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaamatay booqasho rasmi ah oo uu ku maraayo dalal badan oo Khaliijka Carabta ka tirsan sida Imaaraatka Carabta, Dalka Cumaan, sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu safarkiisa ku tago dalka Liibiya iyo Masar sida laga soo xigananaayo Xogo wared u dhaw Madaxweynaha.
Image and video hosting by TinyPic
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey dalka qadar waxa uu kulan gaar ah la qaatey Amiirka dalka Qatar Hamid bin Khalifa Al Thani, kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qaybqaatey Raysalwasaraaha dalka Qatar Sheikh Hamid bin Jassem bin Jabor Al Thani, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Hamid bin Thamer Al Thani iyo madax kale oo faro badan.

Dhanka Soomaaliya waxaa shirka u fadhiyey Madaxweyne Shariif, Wasiirka Arimaha Dibadda Cali Axmed Jaamac, Raysalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga Cabdiraxmaan IBBI, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Mr. Ismail Qasim Naaji.

Shirka ayaa looga hadley xiriirka labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya, iyo horumarkii u danbeeyay ee Dawladda Soomaaliya ka gaarto dib u soo celinta sharciga iyo kala danbeynta.

Dhanka kale wefdiga Madaxweyne Shariif ayaa kala hadley madaxda Qatar sidii ay gacan uga geysan lahaayeen nabadeynta Soomaaliya, isla markaasna xukuumadda Qatar ay u bilowdo sidii loo wada hadalsiin lahaa Dawladda Federaalka iyo Kooxaha ku kacsan.

Ilo ku dhaw madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuleystey dhamaan qodabadii shirka looga hadley.
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Togaherer + Hornafricaonline.net
Photo: by Hornafricaonline.net

No comments:

Post a Comment