Thursday, 10 September 2009

M/WEYNAHA JSL OO TACSI U DIRAYA AFHAYEENKA XISBIGA UDUB MUJ CALI GURAY OO AABIHII SAAKA GEERIYOODAY


Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 10/09/09

Dhambaal Tacsi ah


Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu dhambaal Tacsi ah u diray Afhayeenka Xisbiga UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Xandulle “Cali Guray” , isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid Aabihii Maxamed Yuusuf Xandulle oo Maanta lagu aasay Magaalada
Hargeysa.



Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo marxuumka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin……………………………………Aamiin………………………………………….Aamiin



Inaali Laahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland

No comments:

Post a Comment