Thursday 10 September 2009

GOLAHA DEEGANKA CAASIMADA HARGEYSA OO MARKII U HOREYSAY KA HADALY XAALADA DALKU MARAYO…….

GOLAHA DEEGANKA CAASIMADA HARGEYSA OO MARKII U HOREYSAY KA HADALY XAALADA DALKU MARAYO…….

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Golaha Degaanka caasimada somaliland ee Hargaysa aya marki ugu horaysay ka hadlay xalaada u dalku marayo maanta iyo ismarin waaga siyaasadeed ee ka tagan dalka, ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Degaanka Hargaysa Eng Hussein Maxamuud Jiciir oo kula dardaarmay xisbiyada siyaasada in ay ku soo noqdaan miiska wada hadalka sidii Somaliland ay dhaqanka u ahayd , wax kale oo u Gudomiyuhu sheegay in aynu maanta haysano nabad galyo aynu kaga til mamanahay Geeska Afrika.

Taasi oo aad imika moodo in ay wax u dhimayso xifiltanka siyaasadeed ee maalmahan ka aloosan Somaliland taas oo loo bahan yahay in si wada jir ah loo dhameeyo oo miiska wada hadalka la soo fadhisto lagana wada hadlo mustaqbalka ummadda somaliland, Md Jiciir wax u yidhi oo kale waxa aynu ku jirna bil Rabadaan oo loo bahan yahay in la is saamaxo lana cibaadaysto, ee an loo baahnayn in aynu khilaaf ku dhamaysano.

Waxa uu Mayer ka Caasimadu baaq u diray waxgaradka iyo culumaa’udiinka Somaliland oo u soo jeediyay in ay ka qab qaatan xalinta ismarin waaga siyaasadeed ee dalka ka jira ,
wax kale oo u Mayaarku sheegay in dadwayaha reer Hargaysa ay ilaashadan nadabgalyada ay haystan, oo aanay ku dhex milmin khifaadka siyaasaded oo bari ka maalin dhamaanaya ,
mayaarku wax u ka dhawaajiyay in qorshe cusub oo ay ugu tala galen in ay kaga shaqeeyan nabadgalyada Caasimada .

Waxa degma walba aanu u xil saarnay Shan Xildhiban oo Golaha Degaanka ah oo la shaqeeya Gudiyada Degmoyinka iyo Booliska kuwaasi oo la socon doona xaalada nabad galyo ee Degmooyinka Caasimada ayuu Mayaarku hadalkiisa ku so gabagabeeyay.

Waxa isna halkas ka hadlay Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Dr Maxmed C/laahi Uurcade oo isna baaq u diray golayasha qaranka iyo xukumada kula dardaarmay in si wada jir ah loo dhameeyo khilaafaadka siyaasiga ah lana dhawro shurucda dalka u tala.

Inta ka dib wax hadalki la wareegay Xogahyaa Dawlada Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aden Wayrax oo sheegay in nabadgalyadu ay tahay wax kaliya ee aynu ku faano loona bahan yahay in meel loga so wada jeesto ilaalinteeda.

Wax kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xildhibaan Jamac Shabeel Iyo XildhibaAn Sabce Xildhibaan C/xakiin Laangadhe oo dhamantood ka hadlay muhiimada ay nabdgalyadu u leedahay bulshada loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto wax alaale wixii wax u dhimaya wax kale oo xildhibaanadu sheegeen in la ilaaliyo sharciyada dalka u taala oo aan laga talaabsan nidaamka iyo kala danbaynta lasuguna yimaado miiska wada hadalka ayay ku soo gabagabeeyeen hadalkooda.


Xasan Maxamed C/laahi
Hargaysa

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment