Wednesday 9 September 2009

QAAR KA MID AH SHAQAALIHII MARKABKII GUBTAY SARNAA OO LA MAXAKAMADEEYEY.

QAAR KA MID AH SHAQAALIHII MARKABKII GUBTAY SARNAA OO LA MAXAKAMADEEYEY.

Image and video hosting by TinyPic

Kabtankii iyo shan shaqaale ah oo intuba ka tirsanaa shaqalihii markabkii gubtay ee Maryan Star ayaa maantii shalayto ahayd la soo tagay maxamakada gobolka Saaxil.

Gudoomiyaha maxakamada Gobolka Saaxil ayaa saxaafada u sheegay in ay shalay maxakamadoodu dhamatay sagaal ka mid ah shaqaalihii markabkii ku shuf beelay dekeda wayn ee Magaalda Berbera kuwaas oo uu sheegay in la sii daayey.

Sidoo kale gudoomiuhu waxa uu sheegay lixdan ka midka ah shaqaalaha ee ay maxakamadu ku socotaa in ay yihiin madaxdii qaybihi markabkii gubtay uu ka koobnaa isla markaasna ay ku eeday san yihiin amar diido iyo cawin laan ay ku kaceen markii uu markabka dabku qabsaday.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dhagaysiga maxakamadaas ee ku socota lixdan ka tirsan shaqaalaha markabkaasi ay todobaadkan ka sii socon doonto maxakamada gobolkaasi Saaxil.

Warqabadka Togaherer
Berbera

No comments:

Post a Comment