Friday 11 September 2009

MAXAA KA DHABA XORIYADA SAXAAFADA AMERICA

MAXAA KA DHABA XORIYADA SAXAAFADA AMERICA

maxaa ka dhaba xuriyada saxaafada america
marka hore ilaahaybaa mahadoo dhan iska leh oo ay u sugnaatay , ramdan kariim
waxan jeclaystay inaan kalmado kooban ka idhaa xoriyatul qawlka ay ku faanaan reer galbeedku gaar ahaan america ,
marka hore waan aan cidna inkirsanayn in ay america taal xoriyad xaga saxaafadii qanuunka saxaafada americana maaha kaliya khad warqad ku qoran , ee waa mid doorkiisa leh ilaalinta saxaafada iyo saxafiyiintaba waxan is xasuusin karnaa sidii ay saxiifada washitong post ugu tiiq-tiiqsatay fadiixadii madaxweynii dalka maraykanka talada qabtay 1969 richard nixon fadiixadaas oo ku caan baxday "water gate" taas oo ku qasabtay xiligaas madaxeynahaa inuu is casilo.
lakin waxa sidoo kale haboon in aynu is xasuusino in uuna mediaha maraykanku hore u soo wajahay hadeerna ku jiro dagaalo maalinlaa kuwaas uu ku difaaco xuriyadiisa xaga xoriyatul qawlka se waxa muda in aan isha laga laabin in dhamaan xoriyadaa uu lahaa mediaha maraykanku uu noqday kaliya mid engagan markii uu maraykanku galay waxa loogu yeedho dagaalka la dagaalanka argogaxisada kadib weeraradii 11 september 2001 waxaana ay arintaasi noqotay mid aan laga gorgortami karin.
dhinaca kale wxaynu wax kala dhex bixi karnaa hadal ka soo yeedhay excutive director-ka ururka loo yaqaan "international fahrensite control organization"kaas oo yidhi saxafiyiinta america way ogyihiin in ay dhib kala kulmayaan naqdinta israel hadalkaas oo ku soo baxay gardian 12 january 2009, micnaha waxay ku shaqeeyaan under control ayagoo u baqanaya quutul daruurigooda.
Nimanka ugu cadcad ee u hadla xuquuqda saxaafada waxa ka mida ninka la yidhaa amey goldman dhawaan hadaaha ka rogay in ciidamada maraykanka ee ka hawl gala afganistan ay heshiis kula jiraan war baahineed taas oo u soo ururisa macluumaadka ay saxaafada caalamku ka qorto kadib ay ayaguna kala shaandhayn ka dib siday doonaan u dhigaan xogahaa loo soo ururiyay, shikaduna ay abaalmarin u hesho million iyo badh doolarka maraykankaa .
Sidoo kale waxa iyana wax iska badiihiya noqotay in uu cidanku diyaariyo shirarka jaraa'id ee ay qabanayaan madaxdoodu arintaas oo uuu ka qayliyay ururka saxafiyiinta caalamku kuna tilmaamay inay tahay meel ka dhac dhica xoriyatul qawlkaa.
Sidaas oo ay tahay hadana waxa aan la dafiri karin in ay xoriyad xaga mediahii ka jirto dalka maraykan se ma odhan karno waa mid xadhka goostay oo aan xadlahayn.

axmed caydiid cismaan
khartoum/sduan

No comments:

Post a Comment