Friday, 11 September 2009

HARGEYSI MA AH MUQDISHO ,SUMAD LABA AFALAYNA ,CIDNA KAMA GEYDO

HARGEYSI MA AH MUQDISHO ,SUMAD LABA AFALAYNA ,CIDNA KAMA GEYDO

Hargeysi ma ah Muqdisho, sumad laba afalayna, cidna kama geydo.

Hamud Duale



Hadhow bay dhurantaayow oo ma dhexjoogin tidhaa



Kacdoonkan dadweyne ee ka oogan Somaliland, waa mid ka duwan kii nidaamkii Siyaad Barre lagaga hortagey. Kacdoonkii Siyaad Barre lagaga hortagey wuxuu ahaa mid hubaysan, kani waa mid salmi ah. Kacdoonkii Siyaad Barre lagaga hortage wuxuu ka bilaabmay tuulooyinka iyo reer miyiga, waxaana hagayey Ururadii kala duwanaa ee midba reer ku badnaa. Xaruntii Somaliya ee Muqdisho xilkeedii way gabtay oo tuulooyinkii ay madaxda u ahayd umay hiilin. Kacdoonkan immika waxaa hogaamineysa Xarunta, Casimada Somaliland oo gudaneysa xilkii ka saarnaa tuullooyinka, degmooyinka iyo Gobolada uu ka kooban yahay dalka ay Caasimada iyo xarunta u tahay, waana sobobta uu mar qudha ugu baahay dalkoo idil.

Kacdoonkii Siyaad Barre lagaga hortagey waxa sal iyo udub dhexaad u ahaa qabyaaladda, kan waxaa sal u ah xusbinimo iyo difaaca distoorka iyo sharciga dadka kala hagaya, ee nabada lagu faanayaa ku salaysan tahay. Reer gaar loo eryanayaa ma jiro, reer gaar wax u eryanayaana ma jiro.

Dadweynaha reer Hargeysa, siduu Maxamed Xaashi dhamac ku cashariyey, ayay u dhaqmayaan oo, waxaan la isku ogeyn ninkii hoos ka Ukaan, Aftidooda may haysto oo ansax ma ah wixiisu, ha ku daalin kaasi waa habeen dumayey, ninkastoo is afuufa ninkasta oo anafaada, oo yidhaa Anigay u igu gadhaana, Afweynaa laga diidey ee ha ogaado nin moogi.

Dawladdii Maxamed Siyaad Barre markii kacdoonkii dami waayey waxay kala hortagtay Hub culus, umulo dooxnimo qabyaalad iyo qaybyow xukun.

Dawladdan Somalilandna, markay xusbigii ay ka soo jeedde ka takhalustay, waxay kala hortegeysaa Golayaashii sharciga in ay surmooyin la tiigsato, kala burburiso, iska horkeento, oo distoor iyo sharci la iska ilaawo. Waxay Garaad moodey in ay dhismayaashii Golayaasha mafaatiixdooda urursato, si aan loo shirin. Waxay moog tahay in aan dhismayaashu xilka Xayuubinta wadin ee ay wadeen dadkii la soo doortay ee nafleyda ahaa. Miyaanay ogeyn in dooxa Hargeysa hadh cad lagu shiri karo.

Haddaba, dadweynahan waayo aragnimada dheer u leh dagaal iyo kala qax, mucaarid xun iyo maamul xun oo lala kala saftaa, kacdoonkoodan distuurka waafaqsan ma dhabaa, ma dhaleenteedbaa, ma xoor gudhayaa, ma xabagbaa, ma dhamaystiran yahay , mise waa qabyo?

Siday aniga ila tahay ma cadda dhamaystirkiisu oo weli waa qabyo maadaama aanay xalkay taageersan yhiin ku dhawaaqin. Waxaa keliya oo cad in ay diidan yihiin in aan cidina ka weyneyn distoorka iyo sharciga.

UDUB oo laga dareero oo Kulmiye amma UCID la galaa xal umma noqon ismaandhaafka taagan. Ururada Mucaaridka ahi xal ma ah, oo xeer diidan baa jira, Distoorku wuxuu dhigayaa in aan kursigaa hogaaminta fadhiisan nin aan la soo dooranini. UDUB-na xal ma ah oo horaa duco loogala quustay, immikana taageerayaashiisii ayaa kalsoonidii kala noqday. Sidaa daraadeed dadweynuhu dareenkooda distuuriga ah waa in ay ku ladhaan xal distuuri ah oo aan dadku isku khilaafin.

Waa in ay taageeraan ciddii xaq u siinayo in doorasho xor ah oo xalaal ah dalka gaadhsiiso. Distuurka badhna ma difaaci kartid badhna ma daadufeen kartid.

Waxaan ula dan leeyahay Guurtida ayaa xal distuuriya ah ee ha dhayalsanina. Markaan waa in dadweynuhu hogaamiyayaashii taa ka dalbadaan. Guurtida muddo aan aad u dheerayn aadna u gaabnayn oo ku dhamaystiraan maamulka dalka iyo doorashada, ha loo qoondeeyo, iyaduna ha ogaato in ay ku meel gaadh tahay.

Guurtidu waxay hore ugu heshiisey oo ugu dhawaaqday oo uunka maqashiisa in aanay muddo kordhin danbe loo samayneyn maamulka haatan jira. Way u digtey maamulka Madaxweyne Riyaale iyaga oo ku dhiirinaya in uu doorashada qabto. Waxaa kale oo ay dhawaan soo saareen in ay dhinacyada ishaya dhex ka ahaadaan oo aanay la kala safan. Xubnaha Guurtida ee Hadda u ololaynayaa muddo kordhinto, waxay khilaafsan yihiin xeerkii iyo heshiisyadii u yaaley guurtida. Waa samad laba aflayn la doonayo in dadweynaha lagu carqaladeeyo.

Ugu danbayn, haddii hogaamiyaasha mucaaridka dadweynaha ku soo jabay meel ugu jahayn waayaan iyagaa Axdigii iyo aaminkii furaya, oo kursigu hogaamintu danta ummadda iyo qarankaba kala weyn yahay. Dawladdu iyadu hore ayay axdigii iyo aaminkiiba u furtay, saansaanta ay leedahay, waxaad moodaa in ay isku halaynayso duul axmaara ah oo gurmad ka dalbanayso, taasina waxay horseed u noqonaysaa in ay Al-shabaab isa dadweynaha dhexdiisa ka xuubsiibato. Axmaar la aragyaaba, Al-shabaabna la arag. Haddaba dadweynow talaabooyinka aad qaadayso aad ugu baaraan deg marxalad adag ayaa lagu jiraaye.

No comments:

Post a Comment