Friday 11 September 2009

GARNAQSIGA WADANIGA QAYBTII 1 AAD

GARNAQSIGA WADANIGA QAYBTII 1 AAD


Ramadan kariim. Dhamaan shacabka Somaliland iyo muslimiintaba waxa aan leeyahay caafimaad iyo nabad ku sooma. Alle waxa aan inooga baryayaa denbi dhaaf,caafimaad iyo khayr inuu inna siiyo bisha ramadaan ee barakaysan.

Sideed iyo toban sanno (18) ayaan xor ahaa oo aan iska riday reeryadii xaq darro ee xokunkii mucangagga ahaa dadkayga iyo dalkayga ku hayay.

Waxa aan ka dagaalamay cabudhin,caga-juglayn,xadhig xaq-darro,kufsi iyo dil aan loo meel deyin,xasuuq maatida iyo burburin duunyadii waddaniyiintu ku lahaayeen dalkooda.

Dalkayga iyo dadkayga waxa aan u huray curaddo,hablo,cudud iyo maal, si loo helo caddaalad iyo sinnaansho.Waxa aan gogosha u fidiyay dhamaan beelaha reer Somaliland,waxa aan duuduub ku liqay xaq-darradii layga galay,si loo helo wada noolaasho.Wada tashi iyo tixgelin ayaan sal uga dhigay barbaarinta dawladnimo,waxa aan curiyay distoor u dhex ah
dhamaan naflayda ku nool Somaliland, waxa aan u qaaday afti si loogu wada dhaqmo.Waxa aan ka guuray hab beeleedkii oo aynu isku raacnay inaynu dhaqano dastoorka iyo sharciyada dalka aynu u dhiganay.

Hab-dhaqanka dimuqraadiyada ayaynu dooranay,waynu isla qaadanay inaynu habkaa si aynu u gaadhno horumar dhinaca siyaasada iyo kobcinta wax soo saar.

Maanta waxa cadd dawlada dalka hogaamisaa xadkii way ka soo
gudubtay,waanay caddaysay kadib marka ay dastoorkii iyo sharciyadii dalka u yaalay ka baydhay.

Garnaqsiga muwaadinku waxa uu yahay:

1.Mudane M/weyne iyo ku-xigeen waxa aan codkayga kuu
siiyay ee aan kuu doortay inaad ugu horayn dastoorka igu
hogaamisid 5ta sanno ee xaqu kuu siiyay codkaygu.Waxii
muddadaa dheer anigu codkayga kuma siin.
2.Haddii aad simbririxootid adigoo socda waxa laga yaabaa
inaad lugta ka jabtid,siyaasaduna waa caynkaas oo kale.
Qorshihii siyaasadeed ee aad waddeen waxay simbririxootay
markii aad dhinaca siyaasadeed ee caalamku innaga
taageerayay albaabada u xidheen ee aad diiwaangelintii
dawladdu ka masuulka ahaydeen laasheen eedana cid kale
saarteen,haddana tidhaahdeen kharashka ayaanu bixinaynaa
fulinna waydeen,waxaana ka soo baxay weji aydaan filayn,
arrinkuna wuu iska bedelay ku talo galkiinii.
3.Arrinkan aad ka saarteen xisbiyada ee ku talo galkiinu yahay
afganbi aad adeegsataan ciidanka booliska ee qaranka halkii
aad ka adeegsan lahaydeen ciidanka qaranka,taasina waxay
noqotay siibasho kale oo abuurtay fashilaad.
4.Ku talo galka dawladda ee ah annaga ayaa toosan,
jujuub ayaanu ku meel marinaynaa qorshaha aanu
wadano ee ilaa maanta aad fal iyo saxaafaddaba ku
muujiseen waa arrin sii hurinaaya isku dhac.

Wassiirada habawsan:

1. Mudanayaasha wasiirada waxa aan ogaysiinayaa inaydaan
codkayga shacabka xilka ku haynin ee aad tihiin mudanayaal
madaxweynahu magacaabay sharcigana maray oo baarlamanku
ansixiyay.Xaalada aad ku muujinaysaan awoodda ku talo kalka
dawladda waa mid u cadd shacabka oo aan u cuntamayn,horay
ayay shacabku taa dhiig u baxsheen.

2.Mudane Cawil,Mudance Cabdillahi-cirro,Mudane Cali Warancadde,
Mudane Saciid Sulub waad noo muujiseen ku talo galka inqilaab
ee ay dawladdu ku talo gashay, cidda aad saxaafadda kala hadlaysaan
ogaada inuu yahay shacab idinka aragti dheer oo aan loo duur xulin.
Waxa aad hurinaysaana waa burburin iyo dagaal qaawan oo ka
baxsan saaxada siyaasadda Somaliland,waana laydinka war qabaa
ogaadana cidda aad qoryaha u sidataan inay yihiin shacabkii
muquuniyay quwadii afweyne ee ad ka tirsanaydeen.

Talo:

1.Waxa aan dawladda kula talinayaa inay joojiso dagaalka ay
hurinayso,dibna uga noqoto qorshaha awood adeegsiga
qaawan ee maqiiqa ah,kana dayso shacabka ciidanka boliska
ee ay adeegsanayso afgenbiga aan caad sarrayn.

2.Talada in dib loogu soo dabaalo xisbiyada.
3.Inaad aqbashaan qaladka aad ummadda ka gesheen
ee aad doorashadii ku laasheen,iskuna daysaan inaad
awood ciidan talada dalka ku meel marisaan.
4.Inaad joojisaan xaalad abuurka beelaysan.
5.Inaad joojisaan annaga ayaa xaqa ku taagan oo toosan,iyo
cidna loo joojin maayo.
6.Oggolaataan in dib loogu soo noqdo sharciga iyo dastoorka
dalka u yaal,aqbashaanna talada ka soo baxda.

Ugu danbayn waxa aan dawladda ugu baaqayaa inay joojiso
awood adeegsiga ay ku muquuninayso hay;adahii sharciyeed,
ogolaatana in dib loogu soo laabto dastoorka,aqbashana waxii
talo ah ee ka soo baxa.

La soco qaybta 2aad.

Muwaadin

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa
4026100

No comments:

Post a Comment