Tuesday 8 September 2009

MAJOR JENERAL XUSSEN CALI TALIYAHA BOLISKA IYO XEER ILAALIYIHII WADANKA KENYA OO XILKII LAGA QAADAY

MAJOR JENERAL XUSSEN CALI TALIYAHA BOLISKA IYO XEER ILAALIYIHII WADANKA KENYA OO XILKII LAGA QAADAY

Image and video hosting by TinyPic

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha wadanka Kenya Moi Kbaki ayaa xilalkii looga qaadey Taliyihii Ciidamada Booliska Kenya iyo Saraakiil kale.
Madaxwayne Kibaki waxaa uu maanta xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidamada Booliska wadanka Kenya Major General Maxamed Xuseen Cali kaasi oo xilkaasi hayay 6-dii sano ee u danbeysay iyo waliba Xeer ilaaliyihii Wadanka Kenya Amus Wako.

Xilka qaadista Madaxwayne Kibaki ayaan la sababeyn laakiin waxaa jirtay in uu jiray Cadaadis lagu saarey Madaxwayne Kbaki inuu xilka ka qaado Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya, iyadoo cadaadiskana ay ka danbeeyeen Hay’adaha Xuquul Insaanka ee wadanka Kenya kuwaasi oo ku eedeeyey Booliska wadanka Kenya inay si badheedh ah u toogteen ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Kenyan ah, kuwaasi oo la dilay intii ay socotey rabshadihii ka dhacay wadankaasi 2008 ee ay dhalisay doorashadii muranku ka dhacay.

Taliyaha Xilka laga qaadey Major General Maxamed Xuseen Cali kadib markii xilka laga qaadey ayaa saxaafada uu la hadley waxaana uu dadkiisa ka codsaday inay dhawraan nabadda, sidoo kale ayuu ugu baaqey shacabka wadanka Kenya inay eegaan waxqabadkiisii intii uu xilka hayay, wuxuuna ka codsaday inay wax u eegaan si cadaalad ah isagoo sheegay in uu hawsha iyaga u daayay.

Madaxwayne Kibaki ayaana Major General Maxamed Xuseen Cali waxaa uu u magcaabay xogyaha Boostada iyo Isgaarsiinta isagoo booskiisiina u magacaabay sarkaal cusub.

Lama oga ilaa hadda waxa keenay xiligan inuu Madaxwayne Kibaki sameeyo xilka qaadistan uu ku sameeyay Taliyihii Ciidamada Booliska iyo Xeer ilaaliyihii wadankaasi, waxaase dad badani ay aaminsan yihiin inay la xadhiidho xadgudubyadii ay booliska wadanka Kenya ay ka gaysteen rabshadihii dadka badani ku dhintey sanadkii 2008-dii .

Warqabadka Togaherer
Nairobi

No comments:

Post a Comment