Tuesday 8 September 2009

FIKIRKA FOOL HALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(1aad)

FIKIRKA FOOL HALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(1aad)


Waxaan halkan ugu mahad celinayaa bahda togaherer waxaanan halkan ku soo gudbinayaa maqaal daba socda doodihii ku saabsanaa fuleyda fikirka iyo diinta iyo aqoonta oo uu qoray ibraahim yuusuf axmed “hawd” waxaa kaloo aan iyana bogaadinayaa intii sida hufan uga qayb qaadatay ,waxaanse dhaliilayaa Mudane hawd oo ay suurta galtahay in ay ku kaliftay inuu sidan u fakiro waayahay adag iyo xaalada cakiran ee ay ku jiraan guud ahaanba inta magaca islaam sheegata gaar ahaan inta aynu ku abtirsano.Arintu sikastaba ha ahaatee maqalkaygan waxaan ka dhigi doonaa laba qaybood oo aan kaga hadlidoono ; qaybta hore faalada ku saabsan waamaxay fikir iyo ? Imisuu u qaybsamaa ?waamaxay doorka uu ku leeyahay nolosha aadamiga ? Iyo bal in ereyga fikir mid u dhigma laga heli karaayo afka soomaaliga . Qaybta labaad waxaan bal faaqidi doonaa hadaladii walaalkay hawd anoo bal muujin doona sida ay xaqiiqada uga fog yihiin , aan ku bilaabo:
Waamaxay fikir?
Runtii si aynu ufahamno mushkilada soomaalida haysata waa in aynu fahamno ereyga fikir macnihiisa waxaana aynu odhankarnaa fikir waa” hawl uu qabto garaadka aadamigu taasoo kadhalata waa yaha nolosha iyo dhacdooyinka waayahaasi xanbaarsanayahay ee qofka amaba bulshada , taasoo dareenka ku dhalisa inuu day dayo sidii uu uga jawaabilahaa dhacdooyinkaa.”
Taa macnaheedu waxaa weeye fikirku waa natiijo ka dhalata falgalka ay sameeyaan maskaxda iyo waayaha nolosha aadamigu. Hadaba hadii maanku marin habaabao waxaa dhacda khatar weyn oo ah inuu qofka amaba bulshada ka tuuro jar iyo haadaan . Dhacdooyinka noloshu waa kuwo soo laab laabta oo wanaag iyo xumaanba xanbaarsan ,laakiin cida dhacdooyinkaa go,aan saxa oo lagu guuleysto , amaba khaldan oo lagu guul daraysto ka gaadhi kartaa waa falka uu qabanaayo garaadka iyo caqliga aadamigu, ee aynu ku magacawno fikirka .
Waxaa iyana in wax lga yidhaaahdo mudan qodob ay ka dhawaajiyeen walaalaha maqaalada ka qoray arintan oo ay u e kaayeen in ay u arkaan in aan erey u dhugma fikir oo afka soomaaliga ah aan la heleyn ,hasayeeshaa anigu waxaan qabaa in lahelaayo waxaana u dhigma ereyga layidhaah( Dhugasho)
Waxaana taa aan ku caddyanayaa laba arimood ; tooda hore soomaalidu waxay tidhaa ; arintaa dhug,u yeelo,hadalkiisa mabaan dhuganin,iwm oo lamacna ah arintaa ka feker,arintaa kamabaan fekerin. Tanlabaad; soomaalidu waxay tidhaa : kaalaya dhug-tana,e oo ay uga jeedaan in ay ku tartamaaan shiishka iyo abaarida yoolka latooganayo waxaanay umuuqataa in tani asal tahay oo taa hore iyada kasoo isiranatahay aan dhugtano waa hawl maskaxda laga qabanayo oo ficilkuna fulinayao ,markahore ku beegida yoolka iyo ku sargoynta halka lala beegsanayaa garaadka ayey ka imanaysaa oo dhuganaya ,kadib ayuu ficilku fulinayaa ,macnaa maskaxdaa ka fikiraysa sidii ay u ay ficilkan ugu suuro gelin lahayd inuu abaaro meesha la tooganayo .
Guud ahaan waxaynu odhankarnaa labadu waa isku dhawyihiin oo waxaa kulan sanaya inay yihiin fikir qoto dheer oo la rabo in surma seegtada laga rabo..
Doorka uu Fikirku ama Dhugashadu Kaqaadato Natiijada Dhacdooyinka:
Qofkastaaba amaba bulsho kastaaba sida ay noloshoodu tahay waxaa sabab muhim ah ka ah, sida qofkaas amaba bulshadaasi u fikirto,taamacnaheedu waxaa weeye fikirkeena ayaa dhala xaaladaheena nololeed hadaytahay; mid dhaqaale siyaasadeed bulsho iyo aqooneedba.Tusaale aan kabixino sida fikirkeena amaba dhugmadeenu ay usababto xaaladeena nololeed.
Cudurka layidhaa Tb waa cudur lawada yaqaano , aan tusaale ku bixino laba qof oo cudurkaa laba fikradood oo kaladuwan ka kala qaba .Qofka hore aan u bixino(A) qofka lbaadna aan siino tilmaanta(B) .Hadaba - A- wuxuu ka aamin san yahay xanuunkan fikrad khaldan oo ah in; ay ceebtahay in lagu ogaado inuu qabo cudurkan ,sidaa aawadeed xataa qufaca waa uu isku xidhayaa oo hoos hoos buu u qufacayaa ,weelka uu wax ku cunaayo amaba ku cabaayo dadka ehelkiisa iyo asaxaabtiisa uga digi maayo waayo ma doonayo in la ogaado inuu xanuunkan qabo.Hadaba fikradaa amaba dhugashadaa khaldani maxay sababtay ? Waxy sababtay in uu horta -A- uu sahaydo cudurkaasi oo uu u dhinto ,dhinaca kalana waxay sababtay in ay fara caaradood ku samata baxaan in badan oo ehelkiisa iyo asxaabtiisa ahi oo ay ku baraarugaan dhimashdiisa dhakhtar iyo daawana iskula taclaan.. Kaasi waa -A- hadaynu eegno bal dhugashada uu uyeeshay cudurkan - B- waxaynu arkaynaa isagu wuxuu qaatay fikrad taa kaduwan ooah ; in cudurkani caadi yahay ,inuu iska daaweeyaana waajib tahay,inuu ehelkiisa iyo asxaabtiisa uga digaana ay tahay masuuliyad saaran. Natiijadii dhugmadaa amaba fikradaasi maxay ka noqotay? Waxay noqotay in ; uu horta -B- Bad baado dhammaan bulshadii ku xeernayd ee ehel iyo asxaaba ahadydna uu bad baadiyo .
Saw ma aragtid labada natiijo ee ka dhashay labada fikradood ee kalduwan, tasi waxay tusaale fiican utahay in fikirkeenu amabad hugashada aynu u leenahay waayaha nolosha ka dhacaya uu yahay ka xadidaya ee mayalka u haya hab nololeedkeena .Sidaa aawadeed waxaynu odhankarnaa hurumarka qofahaan amaba bulsho ahaan lagaadhaa waa mid kadhashay fikirka saxda ah ee qofkaasi amaba bulshadaasi nolosha ka qabto,sidoo kale dib u dhaca iyo burburka bulsho amaba qof ee dhacaa waa mid ku yimi fikirka khaldan ee qofkaasi amaba bulshadaasi ay ka qabto nolosha.iyo waayaheeda.
Nocyada Fikirka :
Fikirka waxaynu u qaybun karnaa saddex qaybood oo waaweyn, waanay dhici kartaa in dadka qaar ay in kabadan u qaybiyaan ,laakiin waxaynu ku soo koobaynaa muhimka .
A/ Fikirka korxaadsiga:
Runtii sida uu ina tusayo macnaha ereyga ( korxaadsi) noocan fikika ahi , waa mid ki tilmaaman inuu dhacdo kasta oo soo waajahda uu kaga koobsado muuqaalka sare iyo sida marka u horaysa ay qofka ula muuqato,mana sii baadh baadho su,aalo iyo sababo toona iskama weydiiyo arimaha markaa lagudboon ,hoosna uma daadago ee korkaa sare ayuunbuu ku qancaa.
Hadaynu tusaale usoo qaadanao fikirka ama dhugmada noocan ah ; aan tusaale ku bixino nin safar ah oo soo maray geed wada cagaaran oo hadhaca midho casaan iyo huruud amaba jaale isugu jiraana laamihiisa ay rucub rucub uga lu shaan ,nnkii wuu ladhacay geed kii iyo midhihiisiiba waxaanu kabuuxsaday midhihii kiish isagoo ku talagalay inuu rerkiisa uga dhigo khudrad ay ku faakahaystaan !, markii uu xaaskiisii uyimi ayuu ku yidhi : midhahaa cuna waa midho fiicane,markaay eegtayba waxay ogaatay in midhahani yihiin midho sun ah oo ay weligeedba taqaanay ,intay eegtay ayey su,aal ku cekisay oo ay tidhi :adigu ma cuntay ? Wuxuu ugu jawaabay: maya maba ahaleelin ee bal ii dhiib . Waxay ugu jawaabtay: midhahani waa midhaha laga smeeyo sunta layidhaah .dhunkaasha ,hadaad cuni lahaydna namaad soo gaadheenba !
Wuxuu fikirkani inoo muujinayaa khatarta ay leedahay qofka ay caadada ay utahay in uu arimaha inta ugamuuqata uun uu ku ekaga ekaado ,ee aan baadhitaan xaqiiqadooda ku saabsan samayn,.waxaa ku filayd in uu horta geedkan dadka weydiiyo ;magaciisa ?,muxuutaraa,?dhib iyo dheef maxay midhihiisu leeyihiin? . laakiin haduu muuqaalka guud eegeedka oomkeliya ku qanco oo uu isga qaato geed manaafacaadleh khatarteeda ayey leedahay. Waana noocaa khataraha ka dhalankara fikirka korxaadsiga ,fikirkan astaantiisa muhimka ahi waa degdeg iyo sabir daro ,waayo inaad hesho xaqiiqada dhabta ah ee ay xanbaarsanyihiin dhacdooyinka nolosha kaa soo waajahayaa waxay ubaahayanyihiin hubsasho iyo u fiirsasho
B/ Fikir iftiimaya :
Fikirkani ama dhugmadani waa mid garan karaya tafaasiil badan oo dhacdooyinka iyo waayahay nolosha inagaga imanaya ,waa fikir ka gudbay kor xaadsi oomeelo badan arimaha ka fiiriya oo rogroga,intabadana si saxa u kalasaara talada haboon iyo ta guracan ,wuxuu isku hawlaa inuu helo tafaasiil badan oo ku saabsan waayaha iyo duruufta la noolyahay ,hasayeeshee awooda masaaro inuu xaqiiqada dhabata ah ee dhacdooyinka ka war keeno .
Fikirkana aan tusaale kabaixino ; tusaale ahaan : ninbaa la diley ,fikirka noocan ahi wuxuu is weydiiyaa ; yaa diley ? Maxaa loodiley ? Tafaasiisha ku saabasan labadaa su aalood ayuu aad isugu hawlaa ,oo haduu helo jawaabo caqli gal ah wuu ku qancaa tusaale ahaan wuxuu helay jawaab odhanaysa , nin deyn kule ayaa diley, waxaanu udiley deyntiibuu iska bixinwaayey, labadaa sabadood ee maan galka ahi waxay qanciyaan dadka ku sifaysan fikirkan iftiimaya.
C/ Fikirka qotada dheer :
Fikirkani waa mid dhacdooyinka gun iyo baarba fiiriya ,baaxadooda iyo mugoodana miisaama ,sababtooda iyo u jeedadoodana baadhaya .waxa uu kaga duwan yahay fikirka iftiimaya ee hore fikirka iftiimaya xaqiiqada dhabta ah iyo sababta runta ah ee dhacdooyinku way ka maqnaan karaan laakiin fikirkan qotada dheeri waxuu inta badan ku dadaalaa in uu arimuhu siday yihiin u ogaado .hadaynu ku noqono tusaalihii hore ee ninkii la diley ee aynu soo tilmaam,nay in fikirkii aynu ku tilmaamanay in uu yahay mid ifaaya uu ku qancay tafaasiisha caqligalka ah ee kooban ee ahayd in ninkaa uu diley nin deyn kulahaa oo uu deyntii siin waayey . Fikirkan qotada dheeri kuma qanco intaa ,,waxaana astaan u ah in uu aaminsanyahay in ay sababo badani ay keeni karaa hal dhacdo ,tilmaanta labaad ee ugaarka ah fikirkan qotoda dheer waxaa weeye inuu kashakiyo sababo badan oo daka ula muuqda caqli gal. hadaynu si kale u nidhaahno waa fikir ama dhugmo awood u leh inuu sababta dhabta ah kala soo dhex baxo sababaha runta u eeg ee ay dadka badankiisu si fudud ugu qancaan.hadab fikirka qotada dheeri aan kulaabano ninkii ladileye, wuxuu is weydiiyaa su aalo dheeraada oo dadka badankiisa ay ka qariso jawaabaha caqli galka ah ee judha hore ay helaan waxa uu isagu is weydiinayaa; ninka laleeyaha ninka wuudiley maka suurtowdaa in uu arinkan ku kaco ? si,uu u ogaado ninkan ayuu soo baadhayaa ,tusaale ahaan wuxuu soo helayaa in ninkani uu dadbadandeyn kadhaafay qaar badan ookalena kumleeyahay ,nin fiicana uu ayahay ,sidaa awgeed wuu ka shakiyayaa in uu isagu diley ,wuxuu sii wadayaa yaa kale ee dani ugu jirtaa in uu dilo wuu baadhayaa taana tusaale ahaan wuxuu soo ogaanayaa in ay is hayeen nin hinaasi ah oo xaaskiisa uga shakisnaa . Wuxuu go,aaminayaa markaa in ninkan uu dilay ninkaa hinaasiga ahi oo aanu dilin nikii deynta kul;ahaa sababahan awgood ,waata koowaade ,ninkan oo sifooyinka laga sheegay aanay ka suuroobin dilku,waatan labaade ,hinaasaha oo ah arin dhinaca maskaxda wax u dhimikarta kuna kelifi karta qofku inuu wax dilo.
Runtii dadka fikirka noocana ku sifoobaa waadad aad u tira yar bulsho kastana fara ku tiris aye ka yihiin .fikirka noocani labadiii fikir ee ay nu soo carrabawnay labadaba wuu kaduwanyahay ; fikirka kor xaadsiga wuxuu kaga duwan yahay degdeg la,aan oo waa fikir aad u cag culus arimahana kabaaaraan daga .
Fikirkii iftiimayeyna wuxuu kaga duwanyahay ,tafaasiishu iyo sababauhu haba bataane kama daahi karaan xaqiiqada dhabta ah ee dhacdooyinka waayuhu xanbaarsanayihiin.
Hadab bal halkaa aan ku joojino qayba 1aad ee maqaalkeena . Waa inoo qaybta labaad iyo inagoo wax ka tilmaamna fikirka fool halaabay iyo fooruhuu kiciyey.

mohamed hassan
hirrig@hotmail.com
USA


No comments:

Post a Comment