Thursday 10 September 2009

AXMED WALAD CABDALLA IYO WAFTIGII UU HOGAAMINAYAY OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA

AXMED WALAD CABDALLA IYO WAFTIGII UU HOGAAMINAYAY OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA

Ergayga Xogahaya Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somaliya/Somaliland Ahmed Ould Abdallah iyo Wafti uu Hogaaminayo ayaa maanta kasoo degay Madaarka Hargeysa.

Waftiga Qaramada Midoobay oo ay kusoo dhaweeyey madaarka Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa Kulan Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Sida lagu cadeyey Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland waxay Madaxweynaha iyo Ergaygu ka wada hadlayn Xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay ka dhaxeeya iyo sidii loo sii adkayn laha wada shaqaynta Labada dhinac.

Madaxweyne Rayaale ayaa Ergayaga uga waramay Xaaladiihii kala duwana ee ay soo martay Somaliland iyo Xiligan hadda la joogo, wuxuna Madaxweynuhu Sheegay in Xukuumadiisu diyaar u tahay in la qabto Doorashooyin xor ah oo Xallaal ah.

Ergayga Qaramada Midoobay Md Ahmed Ould Abdallah oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahad naqay Somaliland iyo Shacbigeeda sida wanaagsanayd ee loogu soo dhawayey Hargeysa, Wuxuna ku amaanay Nabada iyo Horumarka la taaban karo ee ay ka gaadhayn Dhinackasta.

Ergaygu wuxu halkaa ka sheegay inuu Hargeysa ka furi doono Xafiis cusub oo qaabilsanan doona Siyaasada isla markana la kordhin Doono Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka hawl gala Somaliland.

Ergaygu wuxu intaa ku daray inay Somaliland ka taageeri doonan dhinaca Horumarka, La dagaalanka Argagaxisada iyo ka hor taga falalka Budhcad Badeednimo.

Socdaalka Ergayaga Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmay iyadoo Xalada Khilaafka siyaasadeed ee Somaliland uu marayo halkii ugu saraysay, lagumana cadayn warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada in Ergaygu ka qayb qaadan doono Dhexdhexaadin laga galo sidii la iskugu soo dhawayn lahaa Dhinacyada isku haya Siyaasada Somaliland.


No comments:

Post a Comment