Monday 14 September 2009

MAATADII KU SHAHIIDAY MAGAALADA HARGAYSA YAA LOO QISAASAYAA[MISE DAMEER BAKHTIYAY KAMA DUWANA

MAATADII KU SHAHIIDAY MAGAALADA HARGAYSA YAA LOO QISAASAYAA[MISE DAMEER BAKHTIYAY KAMA DUWANA

Ku, gudoomiyaha xisbiga ucid eng faysal cali waraabe
Ku, gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj axmed maxamed siilaanyo
ku, gudoomiyaha barlamanka mudane cabdiraxmaan ciro
ku, gudoomiyaha guurtida mudane saleebaan aadan
kusocta dhamaan xubnaha kulmiye, ucid, guurtida iyo barlamanka
ku, maxkamada sare ee dalka

Ujeedo;- codsi maxkamadeed oo ku aadan madaxwayne daahir riyaale iyo askartiisa.

Shacabkii la xasuuqay ee ku shahiiday magaalada hargaysa maalintii sabtida maxaa laga yeelayaa.
Arinkan maaha in la dhayalsado , mana aha in la fudaydsado , mana aha in shacbiga la quudhsado.
Mudaharaad danbe oo shacabku naftooda ku biimaynayaa ma jiro hadaan sharciga la horkeenin cidii qudha ka jartay shacabkii shahiiday.
Waxa kaloo aanu rabnaa in barlamanku xilka ka xayuubiyo madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa .
Hadaan xilka laga xayuubina barlaman danbe oo loo mudaharaadayaa ma jiro.
Maaha inaad baqataan ka dib markii aanu naf iyo maalba idiin hurnay.

Waxaanu rabnaa wixii umadani ku dhimatay ee ku shahiiday in naloo cadeeyo.
Waxanu rabnaa in maxkamad la horkeeno madaxwaynaha somaliland daahir riyaale iyo wasiirka arimaha gudaha cabdilaahi ciro , taliyaha ciidanka policka dubad saqadhi.
Sadexdaa masuul ayaanu rabnaa in la hor keeno maxkamad , laguna fuliyo dil toogasho ah , si loogu qisaaso shacabkii ay xasuuqeen.
Waxa laga yaabaa in rag badani la yaabo fikirkaygan ah in sadexdan masuuul dil toogasho lagu xukumo.
Lakiin akhristoow walaahi waa cadaalada kaliya ee ina hortaal, ilaahay ayaana xaqiijiyay naftii naf disha ee xaq daro ku disha waa in loo dilaa.
Markaa ma xukuka ilaahay sxw ayay sadexdani ka wayn yihiin.
Qolada wadaadadu ma kaliya masaakiinta ayay sharciga ku fuliyaan , ama sharcigu qabtaa.

Shacab danbe oo ku dhimanaya mudaharaad ma jiro hadaan wax laga qaban arinkan.
Cod danbe iyo food danbe oo aad naga helaysaan ma jiro hadaan maxkamad la horkeenin ragii xasuuqay MAATADA IYO SHACABKA MAGAALADA HARGAYSA.

gabagabdii
SHacabka waxaan kula talinayaa ninkastowba xaq waxaad u leedahay in aad u aarto wiilkaagi ama walaalkaa ama aabahaa.
Maaha in ninkaagu noqdo dameer bakhtiyay oo inta aayar la iska toogtay ka dibna laba cali aanay kuwada hadal.
Kuwa aanay cidi ka shahiidin ha ogaadaan in kuwa shahiiday ay yihiin saaxiibadaa iyo ragii aad jihaadka kuwada jirteen,

axmed qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com

No comments:

Post a Comment