Monday 14 September 2009

DIGNIIN 44 KII ODAY EE GUURTIDA KA MIDKA AH EE KA DANBEEYAY DILKAN MAANTA DHACAY

DIGNIIN 44 KII ODAY EE GUURTIDA KA MIDKA AH EE KA DANBEEYAY DILKAN MAANTA DHACAY


بسم الله الرحمن الرحيم_الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على اشرف المرسلين سيدنا محمد وعلى اله وصحبه وسلم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
waxan halkan ka salaamayaa dhammaan saxaafadda madaxa bannaan ee sharafta badan ee codka shacabka ku hadla
waxaan kaloon salamayaa dhammaan shacabka reer somaliland ee xorta ah =mujaahidiinta ah=nolosha iyo geeridaba yaqaan
shacabka somalilan waxa u ku caanbaxa dulqaad =is ixtraam =kala danbayn =isku tanaasul =wada tashi =garsoor
run sheeg=isku kalsooni =xaqsoor =qalbi furan

waxan halkan ka tacsiyad usoo marinayaa guud ahaan shacab reer somaliland gaar ahaanna qoysaskii iyo
qaraabadii ay ka baxeen mujaahidiintii ku shahiiday falkii foosha xumaa ee ay gaysteen hadhaagii AFWEYNE
ee u adeega gacan ku dhiiglaha ina riyale iyo NSS tii =hangashtii =guulwadayaashii =dhabarjabintii =nabad dumistii
waxaanan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo iyagana jannadii ha ka waraabiyo

shacabka reer somaliland waxaan ku hanbalyaynayaa sida geesinnimada leh ee ay ugu hiiliyeen qarannimada=
jiritaanka =dimuqoraddddiyada =distoorka =rabitaanka ummaadda =isbarbartaagga baarlamankii ay soo doorteen
oo la rabay in lakala diro si ay meesha uga baxdo wax la yidhaahdo jamhuuriyadda somaliland waana qorshaha
qudha ee ay ka shaqeeyaan xukuummad ku sheega madaxtooyada fadhidaa oo ah hadhaagii SIYAAD BARRE

waxa kale oo kuwaa ka siixun qoladan waxaaso dhibaato ah ummaaddan usoo jiidday ee ninka qudha u shaqeeya
waa 44 kan oday ee ummaddan afka isku galisay ee wax magaratada ah =dhuuniqaadka ah =fidnowayaasha ah
ee dhaartii alleh beeniya=sharaftii madax dhaqameedkana meel kaga dhacay =waxaan layaabay ninka suldaanka
sheeganaya ee aan magaciisa ku arkay 44 kaa guurtida ka midka ah ee burburinaya qarannimad somalilan

waxan leeyahay waa inay shacabku tallaabo adag laga qaadaan 44 kaa oday haddii aanay ka joogsan
khiyaamada qaranka =burburinta qaranka =iska horkeenka ummaadda =caddaalad darrada =laaluushqaadka
waa inaunu u dignaa=waa inaynu waanina=waa inaynu wax u sheegnaa =waxaan si gaar ah ula hadlayaa
afar ka mid ah 44 kaa aafada ah ee illaahay innagu salliday marka waxaan illaahay uga baryayaa inuu soo hadeeyo

sheekh axmad furre

sheekh waxaad ahayd sheekh sheekj dhalay nin wanaagsanna waad ahaayd dadkuna way kugu kalsoonaayeen
maxaa ku baddalay sawdigan xaqii baal maray ee xaq darada u codeeyay sheekh axmad xaqa usoo noqo
oo qoladan xukuumadda sheeganaysa runta u sheeg

sheekh khaliif

sheekh khalifow marka hore waxaan leeyahay ilaahay cimrigaaga ha raajo marka xiga ilaahay toobbadda haku waa fajiyo
mar saddexaad ilaahay hakaa dhaafo danbigii had ummaaddan ka gashay ee ahaa mudda kordhitii ina RIYAALE aad
muddaada ugu kordhiseen ee sababtay dhumashada iyo dhaawaca soo innamadaadi iyi hablahaagii aad usoo hagantay
waxa nasiib darro ah inaad maanta xaq darro ku difaacdo kuwii aad shalay la dagaalamaysay waxaana kamidah
cabdillaahi ciro oo innaamadaada ku dhufaami jiray meeshii la odhan jirau GODKA oo maantana ku laynaya hargeysa
badhtamaheeda waa ayaan darro sheekhow kaamaannaan filayn

muxumad aw axmad

muxumadow maanta cimri kuuma hadhin toobbadda haseegin sadeex goor oo hore ayaad ummaadan godobo
ka gashay oo aad ku xad gudubtay ood xaqoodii ay lahaayeen ka daadisay adeerow xaq darrada ummadda ka daa
adduunyadan waa laga tagayaa akhiruu war jiraa adeer waxaan kugula dardaarmaayaa
inaanad mar afraad xaqdarro ku talin oo aanad ummaadaa markale xasuuq ugaysan oo aanad INA RIYAALE
mar afraad ku raacin waxaa u wato ee ah muddaada ii kordhiya waxaad ogaataa haddii aad ka yeeshaan
inuu umaaddan xasuuqii afweyne oo kale dalkan ka dhici doono sabab too ah shacabka somaliland
ma rabaan maamulkan maanta jooga waxay rabaan isbadal dawdaldeed oo dalkan ka dhasha sadaa darteed
ummadda dhibaatada ka daaya oo waxay doonayaan u yeela

xaaji cabdi waraabe

awoowo golahan guurtida adaa ugu da'ween golaha u ducee ummaddan u ducee dalkana u ducee
dumigana iska daa xisbiyadana ha ukala eexan kana bax sheekadaadii jilicdanay ee ahayd waligay dawlad kamaan hor iman
adeer maanta dawlad sax ah oo jirtaa ma jirto ee waxa jirtaa waxa weeyi waar maamulkii INA RIYAALE wakhtigeedii
waxa uu dhammaaday 16/4/2007 wixii intaa ka danbaysay wuxuu kujoogaa xaq darro iyo dulmi aad adigu dalka ka
gashay iyo kuwa meesha kula joogaaba waana danbi had ummaadda ka gasheen waana la idiin hayaa
waana utun aan la illoobi karin haddanad doorkaa maanta ah iska maydhin oo aanad diidin muddo kordhina
ina riyaale kula daba socdo ee aad u hanqaltaagayso awoowo haddii aanad ka waantoobin khiyaamada qaranka
iyo daba orodka ina RIYAALE waxaad ogaataa inuu masiirkaagu noqondoono masiirkii faqashta oo kale

suldaan ismaciil

suldaan adigu maxaad meesha ka qabaynasaa golaha guurtidu maaha golihii salaadiinta waxaan la yaabbanay
waxa golaha guurtida looga waayay nin labaad oo suldaan ah reer somaliland maanay salaadiin kale lahayn
maxaad shaqadaadii suldaan nimo ugu eekaan wayday miyaanayse beeshaadu madax dhaqameed kale lahayn
maxaadse uga hadli wayda ka suldaan ahaan go'aankii golaha guurtidu ka soo saareen shaqaaqadii ceelbardaale
ee uu madaxweynuhu is hor taagay oo uu lasaftay reer kiisa maxaad adigu reer kaaga ula safan weyday
waa haddaad suldaan tahay sida dawgu yahay waxa weeyi suldaanku reer buu suldaan uyahay halka uu reerkiisu
ubadan yahay waa inuu raacaa waanu ku qasban yahay sidaa darteed waxaa lagaa rabaa suldaan inaad shaqadaada
qabsatid oo aad xukunkii meel marisid oo aad reer kaaga warbixin u keentaa iyi wixii talo ahba

ta labaad waxaad ogaataa inaad reer gabiley godoob weyn ka gashay oo aad suldaan nimadii ugu adeegtay
cadawga reer gabiley oo ah xisbiga UDUB oo aad dhex dhexaad nimadii suldaanka lagu yaqaannay ka baxday
suldaan reer gabiley xagga siyaasadda waxay u kala qabsanyihiin laba xisbi oo kala ah UCID =KULMIYE
waa inaad dhex u noqotaa oo aanad mid kale noola iman suldan waad ka war haysaa muddaharaadadii ka dhacay
wajaale iyo gabiley dadkaagii bay ahaayeen suldaanow dadkaagu udub iyo ina riyaale midna marabaan
suldaan indhihii reer gabiley aad bay kuusoo eega yaan waxaanay ku leeyihiin muddo kordhin danbe ha yeelin
waa siday dadkaagu rabaa

odayada guurtida ah ee 44 ka ah ee ummaaddan burburka iyo baabba' uhorseeday waxaan leyahay xasuuqii
hargeysa ka dhacay qaybaad ka tihiin sababta koobaadna idinka weeyi waana muddo kordhista ina RIYAALE
adeerrayaalow wixii dhacayba dhecee mar afraad uun iska ilaaliya inaanay dhibkale dhicin
oo aadaan xukuumadda fashilantay aydaan mar danbe ummaddaa ku soo celin waa haaddaad ilaahay taqaannaan

waxan la hadlayaa odayaashan sharafta leh

1 yuuyf sh axmad
2 nuur rayaale khayre
3 xuseen madar xoosh
4 ibrahi ciise buux
5 cabdiraxmaan axmad aaye
6 diini cabdilahi hande
7 maxamad xareed rooble
8 dahir cali jaamac
9 axmad dahir maxamuude
10 sh maxamad xirsi faarax
11 nuur sugaal geelle
12 axmad waabari maydhane
13 cabdiraxmaan cimaan jaamac
14 sh axmad nuur furre
15 cali adan qalinle
16 suldaan ismaciil
17 sh cabdiraxman maxamad
18 sh khaliif sh xasan
19 muxumad aw axmad
20 saleeban garas
21 maxamad carab
22 xasan axmad farax
23 xaashi cabdi shiil
24 cabdi cabdillaahi xasan
25 xaaji cabdi waraabe
26 maxamood maxamad yasii
27 maxamuud cabdilahi qalib
28 axmad musa obsiye
29 ibrahiim aw nuur jiciir
30 farxaan ciise ubaxle
31 saciid cabdilahi yasir
32 ina xirsi guur xume
33 cabdilqaadir aw xuseen
34 cabdilcasiismaxamad gaaxnuug
35 saciid jamac cali
36 cawil cabdilahi caydiid
37 cadilqadir maxamad xasan
38 cabdilahi shekh xasan cismaan
39 sh cumar sh xasan
40 yuusuf cabdilahi cawaale
41 axmad nuur aw cali
42 jirde siciid maxamad
43 ???????????????????
44 ????????????/

khadar aqli alaleh
khadarsaw@hotmail.com

No comments:

Post a Comment