Monday 14 September 2009

CIQAABKA QOFKA ZAKADA BIXINWAAYA!!!!!!!!

Ciqaabka Qofka Zakada Bixinwaaya!!
waxa mahad dhamaanteed leh Allaha abuuray Jinka iyo Insiga iyo inta kasoo hadhayba waxaanan ku saliyayaa Rasuulka Muxamed ah
{calayhi assalaatu wasalaam}.
waxaanan Allaah waydiisanaynaa inuu ina hanuuniyo diintana inaga dhigo qaar fahma kuna dhaqma.
waxa walaalayaal aynu wada ogsoonahay dhamaan jin iyo insiba Allaah inuu u abuuray inay caabudaan wax kalena Allaah kama rabo disa uu sheegay Allaah
waxaynu nahay adoomo adoonkuna mahaysto wax xoriyad ah adiga iyo maalkaagabana Allaah ayaa leh isagaa ku siiyay kaana qaadi kara
maadaama ay tahay dhabtu taa waxa aynu arki karnaa dad maanta iska dhigaya inay ka xoroobeen adoonimadaa oo xoolihii Allaah siyay zakadii lagu lahaa iska diiday inay bixiyaan ama ka gaabiyay aduun jacayl awgii Allaahna waxa uu leeyahay {waxaad ka bixisaan xoolaha Allaah idinsiiyay waxaanu idinsiin badalkooda anagaana cid wax arzaaqda ugu fiican}
mar kale allaah waxa uu yidhi isaga o dhaleecaynaya kuwo zakada ka tagay {hoog waxa iska leh mushrikinta kuwaasoo zakadii ka tagay} waxa mar kale allaah yidhi {yay u malayn kuwa la bakhaylaya ee dib u dhiganaya waxii Allaah siiyay inay u khayr badan tahay dib u dhigashadaasi way u shar badantahay maalinta qiyaamaa luqunta loogu xidhayaa}waxa taana safiray rasuulka calayhi assalaatu wasalaam waxaanuu yidhi {qofka xoolahiisa zakada ka bixin waaya maalinta qiyaame waxa loo ekaysiiyaa xoolihiisii maska bidaraystay sunta awgeed wuxuuna masku ku yidhaahdaa anugu waxaan ahay maalkaagii anigu waxaan ahay kaad kaydsatay} waxa allaah yidhi mar kale {kuwa kaydsanaya lacagta iyo dahabka ee aan kubixnayn jidka allaah{zakada} waxad ugu bishaaraysaa cadaab wax xanuujiya maalinta qiyaame waa maalinta xoolahoodii lagu kaawiyadayn doono wajiyadooda barbaradooda iyo dhabaradooda laguna odhan doono xolahaad kaydsanayseen waa kuwaase dhadhamiya waxaad kayd sanayseen} waxaanu Rasuulku kusii fasiray in maalinta qiyaame laga dhigayo xoolahoodaa faseexado naara o lahu kaawiyadayn doono subxaana Allaah hadaba walaalayaal waxaynu aragnaa ciqaabka inta leeg ee ku dhacaya dadkii zakada bixin waayay marklaa waxa waajib ah oo qof kasta oo alaah uu siiyay caqli uu garan karaa in xoolaha Allaah siyay uu ka bixiyo zakada si aanuu u mutaysan ciqaabkaa intaa leeg waana kala duwan yahay ciqaabkaasi subxaana Allaah
wax yaabaha ku dacaya sida Allaah inoo tilmaamay qofka zakada bixin waaya waxa kamid ah :
1.in Allaah kaa saaro xoolahaa aad zakada ka bixin waydo oo faqiir allaah dib kuugu celiyo doon wax hayna geeridu kuu timaado sidana lagugu ciqaabo qiyaamaha.
2.in Allaah kugu ciqaabo xoolaha laftooda oo sidaad ugu dhex jirto aad dhimato adoon nasan ama aad waalato am aad cibaadada ka tagto ahlu naarna aad ku dambayso
3.in Allaah kugu ciqaabo ciqaabaha la sheegay adoon xoolihii lahaa inta aad geeriyooto dabadeeto ay kugu dacaan dhibaatooyinka ka dhashay iyo ciqaabka Allaah 1.in mas lagaga dhigo xoolahaagii 2.in laguu kuluyleeyo oo lagugu cadaabo xoolihii laftoodii subxaana Allaah
hadaba walalayaal aynu doorano janno zakada aynu bixino waxba kama nusqaamiso xoolaha inay badiso mooye sida nabigu yidhi [calayhi assalaatu wasalaam}
zakada bixiya Allaah wu idiin naxariisane
waxa diyaariyay : Sheekh Zakariye Cali Diiriye

No comments:

Post a Comment