Thursday 3 September 2009

MU’AAMIRAD CULUS WAXAY DOONAYAAN INUU FAKADO GACAN KU DHIIGLIHII WIILKEYGA DILEY

MU’AAMIRAD CULUS WAXAY DOONAYAAN INUU FAKADO GACAN KU DHIIGLIHII WIILKEYGA DILEY

UJEEDO: MU’AAMIRAD CULUS GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE Mr OOMANE IYO TALIYAHA XABSIGA MANDHEERA WAXAY DOONAYAAN INUU FAKADO GACAN KU DHIIGLIHII WIILKEYGA DILEY

Image and video hosting by TinyPic

Anigoo ah Aabihii Dhalay Marxuun Mahamed Khaliif Ahmed Jaamac, oo uu ku dilay Misaajid dhexedii 31/3/08 Gacan ku dhiigle Ibraahim Jaamac Siciid waxaanu Dhamaan halkan Saxaafada kala duwan ee Somaliland iyo Shacbi weynaha Reer Somaliland in fulintii Gacan ku dhiiglaha oo ka soo dhamaatay Maxkamada Saxeexii Madaxwaynaha u taagan, lagu kacay mu’aamiraad loogu talagalay in lagu hakiyo fulinta dilka laguna fakiyo, taas oo ay iska kaashadeen qoyskii uu ka soo jeeday Gacan ku dhiigluhu iyo madax sare oo isku bahaystay waji reer kana midyihiin Gudoomiyaha maxkamada sare mr Oomane, Taliyaha Xabsiga madheera oo Magaciisu yahay Ciise Muuse.

Mu’aamiraadaasi Waxaa lagu saleeyey in la yidhaahdo Maxbuusku wuu waalan yahay oo xabsiga laguma haynkaro oo dhakhtar maskaxda ah ha loo gudbiyo waxaana arintaas soo qoray Taliyaha Xabsiga Madheera, Gudoomiyaha Maxkamada sarena waa Maskaxdii Engineerisay arrintan, in badan cidhiidhi iyo cadaadis nagu galiyay horeba in aanay qisaasta gacan ku dhiigluhu fulin.



Waxaana loo tagay Madaxwaynaha iyagoo isku abaabulay qoyskii Gacan ku dhiiglahu ka dhashay in ay ku qanciyaan in ninkaasi waalanyahay, sidaas darteed madaxwaynuhu joojiyo saxeexa fulinta dilka, waxay ka codsadeen,



Arrinta ugu wayn ee loo leeyahay waxaas oo mu’aamaraada waa in gacan ku dhiigluha loo helo jaanis uu ku baxsado “ oo shirqool baxsi loo diyaariyo”



Waxa la ogyahay in gacan ku dhiigluhu aanu waxba qabin oo tan iyo maalintii uu tilka gaystay lagawada warhayo in aanu waxba qabin.



Waxaan ka digayaa oo Madaxa qaranka ogaysiinayaa in haddii shirqoolkaasi suura galo in wixii halkaa ka yimaada ee cawaaqib xumo ah masuul ay ka noqon doonaan Gudoomiyaha maxkamada sare iyo Taliyaha Xabsiga Madheera iyo cidii kale ee kala qaybqaadatay.



Madaxwaynaha Sharafta mudan ee JSL waxaan ka codsanaynaa inuu fuliyo warqada uu saxeexeedu uu horyaalo si loo qisaaso gacan ku dhiiglaha oo masaajid dhexdii waxku dilay.



ALAA MAHADLE

Khaliif Ahmed Jaamac (Aabaha Marxuunka)

No comments:

Post a Comment