Saturday 12 September 2009

KOOXO ISLAAM DIID AH IYO ISLAAMIYIIN ISKAGA HOR YIMID MAGALADA LONDON

KOOXO ISLAAM DIID AH IYO ISLAAMIYIIN ISKAGA HOR YIMID MAGALADA LONDON

Image and video hosting by TinyPic

Koox Cunsuriyiin ah (Anti-Islam) ayaa maalintii shalay mudaaharaad rabshado wata ka hor dhigey mid ka mid ah Masaajida ugu weyn Magaalada London kaas oo ku yaala Xaafadda Harrow ee bartamaha London, kooxdan ayaa waxaa ka horyimid koox kale oo iyaga ka soo horjeeda loona yaqaan (anti-fascists),kuwaan oo muujiyey taageerda ay u ahayaan dadka Muslimiinta ah, waxaana ku weheliyey difaacii ay u sameeyeen Muslimiinta koox Muslimiin ah.

Kooxda cunsuriyiinta ah ee ka soo horjeeda Islaamka Yurub isla markaasna la baxay (Stop the Islamisation of Europe) ayaa ku aadiyey banaanbaxooda rabshadaha watey 9.11 oo ah maalin dalka Maraykanka laga xuso dhacdadii New York, sidoo kale warbaahinta caalamkuna aad uga hadasho.



Labada Kooxood ayaa waxaa kala dhexgalay Booliska, waxaana isla goobtaas lagu qabtey 10 qof kuwaan oo labada dhinac ka tirsan, sidoo kale Booliska ayaa qab qabtey Faasas iyo ulo la doonaayey in la isku garaaco iyo dhalooyin afka hore laga soo jebiyey.

Sidaan si la mid ah ayaa todobaadkii la soo dhaafey Koox la baxdey English Defence League, ay mudaaharaad ka hor sameeyeen Masjid ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ingriiska Birmingham, waxaana Boolisku u xir xirey 30 qof.

Waxaa ku soo badanaya dalka Ingriiska kooxaha ka soo horjeeda Muslimiinta kuwaan oo u muuqda in ay marba marka ka danbeysa is abaabulaayaan.
Warqabadka Togaherer
UK

No comments:

Post a Comment