Saturday 12 September 2009

ARDAYDA DUGSIYADA SARE KA BAXAY MAXAA LA GUDBOON

ARDAYDA DUGSIYADA SARE KA BAXAY MAXAA LA GUDBOON

Salaamu Laaahi Caleykum

Ilaahey baa Mahad Oo idil iska Leh , Inaga Dhigey Umad Islaam Ah oo Samaha Is Farta Xumahana iska Reeba ,

Ugu Horeyn Waxaan Hambelyo , Salaan Iyo Duco Halkan U Marinayo Ardeyda Reer Somaliland Gaar Ahaan Ardeyda Dugsiyada Sare ka Baxdey ee Natiijadu u Soo Baxdey ,

Waxan La Wadaageynaa Dhamaan Ardeyda iyo Eheladooda Farxad iyo Dabaaldega Guusha ay ka gaadheen Imtixaankii , waxey soo mareen Ayaamo iyo Habeeno Dadaal iyo soo jeed ku Qaateen ,Waxey Muteysteen Guusha ay Ka Gaadheen Imtixaanaadka ,

Intas Ka dib , Waxaan Amaan Iyo Hambelyo Mudan Wasaarada Waxbarashada Somaliland Taas oo Muuji Dadaal iyo Waxqab Dheeraad ah , Sanad walba Wasaaradu waxey ku Dadaasha sidii ay U soo Saari laheyd Jiil iyo Fac U Diyaar Ah Waxbarasho Jaamacadeed , Waxey Dhexal Wanaagsan uga Tagtey Kumanaan Aabo iyo Hooyo Oo Habeeno Badan ku Qaatey Ka War waridii Mustaqbalka Caruurtooda Ardeyda Dugsiyada Sare Ka Baxdey Waxey Ku Dayasho iyo Tusaale u Yihiin Jiilalka Ka Danbeeya , kuwaas oo Higsanaya Heerka ay Gaadheen,

Barashada Cilmigu Ma Dhamaato , Waa Sheyga ugu Qaalisan ee Wakhti La Galiyo , U Baahan Dadaal iyo Hami Fog , Maanta waxaad Dhameyseen ka soo Gudubteen Marxalad Aasaas u Ah Nolosha Biniaadamka, Waxaad imikuun Cagta Saarteen Wadadii Cilmiga Dhabta Ah , Waxaa Idinla Gudboon In aad u Diyaar Garowdaan , U Hub iyo Saad Urursataan Ka Midho Dhalinta Aqoon Aad u soo Samirteen ,

Hadaba , Waxaaan Maqaalkeygan ku soo Koobayaa Sadex Erey , Mid waxaan Odhanayaa Ardeyda Dugsiyada Sare Ka Baxdey , Mid Waalidiinta Ardeyda , Midna Xukuumada .



Ardeyda Dugsiyada Sare Ka Baxdey Waxaan Talo Ku Siin Lahaa in ay Niyada Gashadaan in ay imikuun Bilow U Tahey Waxbarashadu , Sidii ay u sii Wadan Lahaayeen , Uga Gun Gaadhi Lahaayeen Waxbarashadooda Sarrena ay U Diyaar Garoobaan ,

Waxbarashada Jaamacdadeed waxaan Sal iyo Aasaas u Ah tan Dugsiga Sare , Waxey Ardey Badan Tixgaliyaan Iyagoo Wakhtiga iyo Duruufta ku Hareereysani u Saamaxeynin in ay Tagaan Dhul Shisheeye Si Ay Ugu Waxbarasho Doontaan, Taasi waxey keentaa in ay Wakhtiga Ka Lumiso ,

Wadankeenii waxaa uu Leeyahey Maanta Jaamacado kale Duwan oo ku Yaal Gobol Kasta , kuwaas oo Gaadhsiisan heer sare , Ardeyda Ka Kafeyn Kara ama Ka Dabooli Kara Waxbarashadooda Jamacadeed,

Ardayahow , Waxaad Ogaata in Wakhtigu Yahey Shey Muhiim Ah , U Baahan in aanad Dayicin , uga Faaideysato sidii aad Aqoon Kororsi ugu Camiri Laheyd , Ka Faaideyso Aqoonda Jaamacadeed ee Wadankeena Taal , Kiina Awood u Haya in uu qurbaha wax ku soo Bartana yaanu wakhtiga iska Lumin , Meesha ugu Dhaw , ugu Fudud ee Duruufaha ku Hareereysan u Saamaxayaan Ha u Hawl Galo , Yaanu Jeesan Hami iyo Rajo Fogi, waxaad Arkeysaan Ardey Badan oo Niyada ku Haya in ay Tagaan meelo kale kuwaas oo wakhtigooda kaga Lumey sidey Rajo ugu Jireen, Halka Ardeygii la Gradeka ahaa uu Dhameeyey Jaamacadaha Dalka ku yaal ,

Waxaa Iga Dardaaran ah , in aad ka Faaideysataan wadankeena Hooyo , Niyadiina Ka saartaan Dhoofka iyo u Hanqaltaagida Wadamo Shisheeye, Wadanka idinka ayuu idin Baahan yahey Ogaada in aad tihiin Geedkii ay Hadhsan lahaayeen Mustaqbal Wadankeenu,



Walidiinta Caruurta waxaa Odhan lahaa , in ay ka Caawiyaan , ku Garab galaan Ardeyda ay ka Masuulka Yihiin sidii uu u Heli Lahaayeen Waxbarasho Jaamacadeed Mid Gudaha dalka ah iyo Mid Dibadeeba ,

Inta Badan waalidka waxaa saameyn ku yeelata Xaalada Dhaqaale ee Wadankeena ka jirta , Laakiin Waxaa loo Baahan yahey in aynu Hadafkeena Koowaad ka Dhigano sidii ubadkeeda ay u sii wada lahaayeen waxbarashadooda , ilaaheyna waxaan uga Rajeyneynaa Guul iyo Horumar ,



Xukuumada Somaliland ,Q eybaheeda kale Duwan waxaa la Gudboon in ay Ardeyda Tirada Badan ee Sanad walba ka soo Baxeysa Dugsiyada Sare u Diyaariyaan sidii u Heli lahaayeen waxbarasho jaamacadeed , ku dadaaal in ay Xidhiidh La Sameeyaan wadamada kala duwan sidii Fursada waxbarasho ay u heli lahaayeen , Sidoo kale Ardeyda Aan Awood u Laheyn ee Duruufta Dhaqaale u Saamixi weydey in ay Galaan Jaamacadaha Dalka sidii Xal loogu Heli lahaa , Tusaale Ahaan in Ay Maamulka Jaamacadaha ka Kaashadaan in ay Bixiyaan Waxbarasho Bilaa Lacaga ah (Scholarship) , Taasi waxey kor u Qaadi Doonta in Ardey Badan helaan waxbarasho jaamacadeed .





Waad Mahadsantihiin





Fouad Abdisalam Hassan Haji

Khartoum

Sudan

National04@hotmail.com

No comments:

Post a Comment