Saturday 12 September 2009

GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO KA HADLAY MASHAQADII KA DHACAY MAANTA HARGAYSA

GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO KA HADLAY MASHAQADII KA DHACAY MAANTA HARGAYSA

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa khasaaraha wixii Hargeysa ka dhacay dusha ka saaray Xukuumadda Somaliland.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta u waramaayey , waxa uu yidhi, “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa shacabka geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa inuu caafimaad siiyo. Wixii dhacay waa nasiib darro, ilaa xalay annagu waxaanu ka shaqaynaynay inaanay arintani dhicin, waxase aad moodaa wixii uu guddoomiyaha guurtidu inoo sheegay iyo waxa baarlamaanka lagula kacay ay kala duwanyihiin, waana taas la hor istaagay shirguddoonka iyo wakiilada. Markaas wixii dhacay waxaanu dusha ka saaraynaa xukuumadda, haddii aanay furayaasha qaadan lahayna waxaniba may dhaceen, dhibaatadan dhacdayna Alle intaas ha inagu dhaafiyo.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, si aanay xaaladu u sii qasmin, “Waxaan shacabka ugu baaqayaa in la is dejiyo oo aanu cadawgu inaga faa’iidaysan, Madaxweynahana waxa laga rabaa inuu la yimaado hoggaan waafi ah iyo xilkasnimo uu dalka kaga saaro qalaasaha uu isagu geliyay, golahana uu u ogolaado inuu shaqadiisa guto.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in labada xisbi mucaarad ay u midaysnaayeen gadoodkii dadweyne ee maanta, “Arrintaas labada xisbi mucaarad way u midaysnaayeen ee maaha sida uu Madaxweynuhu sheegay, waayo guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waa UCID, waana khasab inaanu xuquuqdiisa ilaalino, xisbiguna wuu ku jiray abaabulka.”

Ugu dambayn Faysal waxa uu sheegay inuu socdo dedaal lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo, “Labada xisbi Mucaarad way wada socdaan oo guddiyo midaysan ayay leeyihiin, waxaase aanu jecelnahay in gacan ka hadalka arrinta laga joojiyo oo wakhti la siiyo ergada dhexdhexaadka ah, cadawguna aanu inagu farxin.”

No comments:

Post a Comment