Thursday 3 September 2009

KALFADHIGII 55AAD EE GOLAHA DEEGANKA HARGAYSA OO MAANTA FURMAY

KALFADHIGII 55AAD EE GOLAHA DEEGANKA HARGAYSA OO MAANTA FURMAY

Image and video hosting by TinyPic

Kalfadhigii 55aad ee Golaha degaanka hargaysa aya maanta ka furmay hoolka shirarka ee dawlada hoose e hargaysa kulankasi oo ay ka so xadiiren labatan xildhiban, una shir gudoominayay gudomiyaha golaha degaanka ahna duqa caasimada Egn. Xuseen Maxamuud Jiciir aya ugu horayn so qadimay ajantaha kalfadhiga oo aha sadex qobob oo kala

Image and video hosting by TinyPic
1 mushkilada dhulka
2 miisaniyada dawlada hoose
3 waxka badalka gudi hoosadyada goolaha degaanka
inta ka dib wax hadalka la wareegay kuxigeenka duqa MR Uurcade oo ka hadlay mushkilada dhulka iyo waxii ay ka qabten gola degaan ahan waxa anu ku dheeraday marxadihii kala duwana ee ay la so mareen xalinta mushkiladaha dhulka , wax kale oo MR uurcade golaha u so jeediyay in ay jirto mushkilad u bahan in maanta goaan laga gaadho taasi oo u wado bu yidhi wasirka beeraha somaliland oo si sharciyada ka baxsan u seestay dhul ku yaala degmada m/haybe kuna toosan bariga masaalaha magalada hargaysa, wasirkas oo marki anu warqad u qornay in la joojiyo dhismaha u wado,
nagula kacay amar diido shaqaalihi anu dirnayna qaarna xidhxiidh qaarna han daday,
wax kale oo MR. uurcade sheegay in hadi sharciyada la ilaalin waayo anay jiray wax kala danbayn ah waayo waad ogtihiin dadka danyarta ah marka aynu ka duminayno ama ganaxayno way u hogansanyiihin sharciga halka wasiirku kaga tumanayo ,
wax kale oo isna hadalka la waregay xildhiban, Axmed siyaad oo sheegay in sharica lo sinado madax iyo mijaaba wax kale oo axmed siyaad ka dhawajiyay in wasiirku meesha ku dhisay hab beelaysan taasi oo khatar ku ah nidaamka jira iyo sharciyada ,
wax kale oo xildhibadi halka ka hadlay ka mid aha MR, khadar axmed like oo sheegay in meesha wasiirku dhistay ahayd danguud oo ay ugu tala galen in la dajiyo dadka danyarta ah ee magalada dhexdeda daadsan , inta ka dib wax hadalka ku so noqday duqa caasimada oo sheegay in la hubin doono in meeshasi tahay danguud iyo in ay tahay deegaan hore way noqon karta degaan hore iyo dhul dad leyahay marka wasirku ama ha iibsado ama dad wakiil ha uga noqdo ama isagu ha lahade , wax aynu ka hadlayna waa sharcidaya u bal maray taasna wax ayku ka yeelayna golaha ayay u taala inta kadib wax hadalka la wareegay ,XIL yuusuf kiriix cawad oo sheegay in wasiirka lagu ixtiraamo sharafta u huwan yahay oo la maro shifo sharci ah taasi oo ah in warqad lo qoro Madaxwanaya iyo K/xigeenkisana OG, la siiyo wax isaguna hadalkaas ku raacay xildhibaanka Xassan Xaydh
wax u sheegey in la hubin karo lahanshaha ay xildhibanada qaar ku doodayan in dhulkani danguud yahay iyo in kale,
hadaba wax kulanka bari loo balamay in kalfadhiguu halkaas ka so socdo lagana doodi doono labada qodob ee hadhay goluhuna u codayn dooca najitada ka so baxda kalfadhigaan 55aal


Xassan Maxamed C/Laahi

Hargaysa

No comments:

Post a Comment