Thursday 3 September 2009

BOOQASHADII SOMALILAND IYO HARGAISA EE HAMSE AXMED SALAAN

BOOQASHADII SOMALILAND IYO HARGAISA EE HAMSE AXMED SALAAN

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Waxa aan dhawaan ka ambabaxay magalada London aniga oo booqasha yar oo gaaban ku gaadhay Somaliland gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargaisa waxa aan kasii raacay magalada London DAALO Airline wakhti dadweynihii ama dadkii wakhtiga summerka tagi jirey Somaliland oo yaraaday iyaga soo dadku iminka u diyaar garoobaaya soo noqoshadii ay kusoo noqon lahayeen meelihii ay ka tageen ee qarada Yurub iyo North America

Waxa aan gaadhnay magalada Jabouti xarunka wadanka Jabouti goorhore oo ilaa 8.00 subaxnimo ku began saacad iyo dhab ka dib waxa aan gaadhnay Casimada Somaliland ee Hargisa oo runtii ay mudo sadex sano ahi iigu danbaysay aniga oo markii aan kazoo dagay Garoonka Cigaal International Airport ay ishaydu ku dhacdey dib u habey lagu sameynaayo Airportka iyo Hareerihiisa.
Intaa ka dib waxa aan usoo dhaadhacnay magalada Hargaisa oo runtii malinba malinta ka danbaysa sii hordhaysa inkastoo la ii sheegay in dhismayaashii ay iminka yara hakadeen badankoodii sababo la xidhiidha dhaqaalaha aduunka ee hoos u dhaca oo sameeyn weyn ku yeeshay Somaliland oo dhan.
Waxa magalada ka jirta kuleyl farabadan iyo roob la’aan dadkuna ay rajo qabaan in dhawaan Insha Alaa uu di’i doono iyo shaqo la’aan baahsan oo daka wada sameysay oo inta shaqaysaa ay aad u yar yihiin,waxa kale oo magalada ku arkaysaa dad farabadan oo dawarsanaya oo la iisheegay inay badankoodu yihiin dadka yimid Ethiopia oo u badan OROMO iyo qaar ka yimid gobolada Somaliyeed ee jaarka aan nahay.

Waxyaalaha ugu badan ee markii aan u kuurgalay dhibaatada ku haya shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan waa QAADKA oo dadka aad kala garanaysid qofka qaadka cuna iyo ka kale oo qofka aan qaadka cunin uu jidhkiisu nuuraayo sida ka qaadka cunaa aad arkaysid noqoshiisu sida ay u duleysan tahay,waxyaalha ugu badan ee dadka jiidhkooda dilaya waxa ka mid ah qofka oo marka aad la kulanto uu ku odhanaya qaadkii meeyey iyo qado dooni mayee horta qaadka keen oo macnaheedu yahay in qofku uu ka doorbidaayo qaadka inuu qadeeyo.

Dhinaca kale waxa aan kula kulmay Hotelka Dalxiis inamo dhalinyaro ah oo ka qalin jabiyey Jamacada Somaliland oo aan jaanis u helay in aan wax ka weydiiyo waxbarashada ay sameyeen iyo waxa ay hiigsanayaan waxa ay dhamaantood ka wada siman yihiin in ay dalka wax u qabtaan inta karaankooda ah.
Waxyaalaha ugu badan ee Somaliland dhagahaaga kusoo dhacaaya oo meelwalba lagu hadalhayo waa mustaqbalka Somaliland iyo xisbiyada oo arinka siyaasadu uu meel xun maraayo iyada oo Xukumada iyo mucaaradku ay isku hayaan midi midi ku taag tasoo hadii aan xal loo helin keeni karta gacan ka hadal lakin arinka odayaasha iyo waxgaradku ay isha ku hayaan kuna dhex jiraan oo ay ku dedaalayaan sidii arinka si nabad ah loogu dhameeyo.

Sikastaba ha ahaatee waxa dalka ka jira nabad dadku ay keeneen iyo horumar xaga dhismaha ah iyadoo xagakalena dadku wax la’aan iyo roob la’aan ay jirto ayna u dheer tahay shaqo la’aan baahsan,waxbarasho aad arkaysi caruurta oo wax baranaysa iyo siyadasa oo meel u bahan in laga fakaro maraysa.

Hamse Ahmed Salaan

Hargaisa

Somaliland

Hamse100@yahoo.com

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment