Friday 11 September 2009

INTA QURBAHA JOOGTA IYO INTA GUDAHA JOOGTABA EREY AYAY KA MIDAYSAN YIHIIN KAASI OO AH HALA HESHIIYO

INTA QURBAHA JOOGTA IYO INTA GUDAHA JOOGTABA EREY AYAY KA MIDAYSAN YIHIIN KAASI OO AH HALA HESHIIYO

"Inta Qurbaha Joogta Iyo Inta Gudaha Joogtaaba Erey Ayay Ka Midaysan Yihiin, Kaasi Oo Ah Hala Heshiiyo, Baaq Qurbajoog Na Soo Gaadhsiyeen.



Waxaa na soo gaadhsiiyey baaq ku jihaysan xaallada siyaasadeed ee Somaliland maanta gashay, xubno badan oo ah aqoonyahano qurbo joog ah ayaa ku saxeexnaa, waxa ayna si balaadhan uga hadlayaan xaallada murugada xambaarsan ee Somaliland maanta gashay. Xubnahaas waxaa ka mid ah aqoonyahano baac-dheer ku leh siyaasada Somaliland iyo aqoonyahano kale oo ay ka mid tahay Saynab Maxamed Muuse, oo ka hawlgasha Cisbitaal Jaamacadeed oo ku yaal dalka Germany. Baaqii oo dhamaystiran halkan hoose ka akhri.

“MARKAHORE WAXAANU SALAAMAYNAA ANAGA OO AH DADKA HOOSKU XUSAN DHAMAAN DADKA REER SOMALILAND MEELKASTA OOY JOOGAAN.

waxaan doonaynaa inaan baaq ka soo jeedino xaaladaha cakiran ee maanta Somaliland ka taagan, taas oo aanu runtii aad uga xunahay doorashooyinka qabsoomi waayay, mudda kordhintii badnayd iyo iyada oo aanay maantana sooba indho-cadayn inay doorasho qabsoonto.

Markaa annagu waxaanu leenay ha la kala saaro waxan laysku haysto oo waxa jira wax shaqsi leeyahay iyo wax ummadi leedahay. Taasina waa waxa annaga maanta na gubaaya waayo, waa waxayagii waxani imika cakiraada ku jiraa, annaga oo ah dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay Somaliland jecelna wanaageeda xumaanteedana ka dhiidhiya.

Waxaan ka codsanaynaa in mucaardka iyo muxaafadka, dhammaan siyaasiyiinta, iyo ururadu ay ku dhiiri-galiyaan in ay Golaha Guurtidu hawshan qabtaan loona daayo. Markaan dib u eegno macnaha guurtida iyo qiimaha ay ku leeday nabada Somaliland marka laga soo bilaabo 1984 illaa maanta wax kasta oo xal loo waayo iyagaa xaliya wayna ku guulaystaan.

Taas waxa raacda nabadgalyadu maaha xoog iyo baryo midna, waa xalka umadda haddii aan la ilaalin way ribataa taana diyaaar uma nihin.

In waddanku u burburo hirdan ka dhexeeya axsaabta qaranka annagu ogolaan mayno, dimuqraadiyad ayaa la hiigsanayaa dimuqraadiyaduna sidii lagu heshiiyey inay u socoto ayaa qurux badan. Siyaasiyiintu ha ka daayeen ummadani ay jahawareerka ku rideen, uma baahna dadkani in dhibkii hore u soo maray ay dib ugu noqdaan, waana ayaan-darro haddii maanta lagu heshiin waayay wixii la wada dhigtay.

Inta qurbaha joogta iyo inta gudaha joogtaaba erey ayay ka midaysan yihiin, kaasi oo ah ha la heshiiyo, golaha guurtidana ha loo daayo go’aanka, burbur waddankani mar labaad ku dhacana ma ogolin”.

Mahadsanidiin Alle ayaa mahadle

Dr Saynab Maxamed Muuse

Dadka Liiskaas saxeexay waxaa ka mid ah;

Dr Saynab Maxamed Muuse
Cabdicasiis Haaruun, Somaliland
Ciise Maxamuud , Germany
Dr Farxaan Maxamed Calanle, Uk
Mukhtaar Axmed Cali, Uk
Bashiir Ibraahim Cilmi, Uk
Eng: Sacad Yuusuf Ismaaciil, Finland
Eng:Sacad Maxamed Aadan, Ugandha.

Liiskaas oo dheeraa ayaa naga soo gaadhay aqoonyahano aad u tiro badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

No comments:

Post a Comment