Friday 11 September 2009

FAALO TOGGAHERER:SOMALILAND OO SABTIDA FOOLANAYSA

FAALO TOGGAHERER:SOMALILAND OO SABTIDA FOOLANAYSA

SOMALILAND OO SABTIDA FOOLANAYSA

Doodo adag oo maryo dhiigle lagu kala furtay golayaasha siyaasdeed ee Somaliland ayaa isu rogay caragsi iyo isu goodi marya wir iyo car. Sadexda laamood ee dawlada ayaa gacanata waxa ugu jira laba kamid ah (Fulinta iyo Garsoorka)

Murankan siyaasadeed ayaa ku xab burburay kadiba markii xisbiyada mucaaradku oo is gaashaanbuuraysanayaa soo hordhigeen shirgudoonka mooshin xil ka xayuubin ah oo madaxweynaha lala beegsanayo. Xildhibaanada mucaaradku waxay haysteen cod ay ku meel mariyaan mooshinkaas.

Dhinaca kalle xildhibaanada UDUB iyo kuwa taabacsan dawlada oo ay barbar taagan yihin golaha fulinta (Dawlada) ayaa talo isugu geystay in si kasta oo suura gala ay ku hor joogsadaan mooshinkan. Waxaanay ka horkeeneen mooshin kale oo ay ku dalbadeen in shir gudoonka la bedelo.

Sikastaba ha ahaatee waxa la iswaydiinayaa suuragalnimada mooshinka xildhibaanada taabacsan dawlda. Xeerka dalka ayaa dhigaya in hadii lagu oogayo mooshin madaxweynaha loo bahan yahay cod haldheeri ah 42 cod, halka bedelida shirgudoonkana loo baahan yahay cod kabadan 50.Markaa maadama ay xubnaha xisbul xaakimku tahli waayeen inay cod ahaanisku hortaagaan mooshinka mucaaradka way adkayd inay meel mariyaan moshin kale oo u baahan cod intaas kasii badan .

Fikrikan ayay u turjumeen xildhibaanada mucaaridka iyo xisbiyaduba in xalka kaliya ee u furanaa Xunaha Madaxweyanah difaacaya uu ahaa inay si kasta oo suuro gal ama aan ahaynaba ku horjoogsadaan meel marinta mooshinka mucaaridku wato.Tan oo gacanka hadal u muuqday mid laga soo shaqeeyay kadib golahii la xidhay, Ilaalada gaarka ah ee gudoomoyaha golaha wakiiladana loo taxaabo xabsiga, iyagoo lagu eedeeyay inay nin soodh galiyeen , markii danbana lasoo daayay , markii arinkasi dib looga noqday.

Dhinaca kale dawlada wasiiradeeda ayaa la sheegay in dhacdadan ku kala aragti duwanaayeen sida loo galay, wasiirada dawlada qaar ayaaba qaba in arinku ku wacan yahay in madaxda sarre ee xisbiyada mucaaradka ah iyo xubnaha hormoodka ka ahba xabsiga la dhigo, tan oo wasiiro kalana kasoo hor jeedaan.

Waxa iyana shalay aad loo dareemayay Guurtida oo dhaqdhaqaaq wada sidii ay mar kale ugu kordhin lahaayeen madaxweynaha mudada xilka uu hayo. Gudoomiyaha Guurtida, Saleebaan ayaa xalay isagoo dhexda kaga jira shir uu la lahaa Walad Abdalla si degdeg ah uga baxay shirka kadib markuu ka war helay qorshahaa xubno guurtida ka mid ahi ay ka shaqaynayeen.

Dawlada ayaa bilowday sida wararku sheegayaan inay kala bedesho hogaamiayaal kamid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada. Halka warar kalana sheegayaan in qaar kamid ah sarakiisha awoodahodi la dhimay, qaar kalana awoodo dheeri ah la siiyay . Wararku waxay tibaaxayaan in jananka ciidamada Melateriga aanay isku saansaan banaanayn Madaxweyne Riyaale , tan iyo markii ay dhacday shaqaaqadii ceel bardaale oo horena ay isugu maan dhaafeen madaxweynaha salaan sharafeed uu Jananku siiyay gudoomiayaha KULMIYE mar uu ku booqday taliska ciidanka melaetariga oo Taani kusoo dhaweeyay.

Xisbiyada mucaaradka ayaa isu arka inay difaacayaan goobtii ugu danabaysay ee furinta u ahayd . Haddii tani gacantooda ka baxdana sheegeen inaaanay waxba u hadhin. Dhinaca kale waxa la dareemayaa ilaa maalmahan in mucaaradku dareemay in ay gacmo madhan yihiin, isla markaana la dareemay iyagoo u suul dhabaalaynaya awood beeleedyo difaaca hadii arinku faraha ka baxo.

Arrinka yaxyaxa leh ayuu waxuu yahay in dhamaan shacbiga iyo hormuudadooda kala duwan sida culimo, madax dhaqameedyo, beel daajiyaayal, aqoon yahanada, waxgaradka iyo hormuudka ummadu ka gaabsadeen inay arinkan dhex galaan. Sababo dhawrana waxa loo aanaynayaa
· Guurtida oo loo arko inay dhinac tahay lana safato dawlada arimahan markay dhacaan oo kalle
· Odayaal badan oo magac lahaana oo dhexdhexaadino hore wax laga garowsan waayay oo ka gaabsaday.
· Culimada iyo waxgaradka kale oo dhaw dhexdhexaadin oo hore isu arka inay ku haybad waayeen , isla markaana aan arkayn inay gaadhsiisan tahay weedhoodu meel loo soo joogsan karo.

Sikastaba xaal ha ahaadee maalinta Sabtida burrito ah ayaa ah dhoola tuska halka awooda xubnaha golaha wakiilada iyo shirgudoonkoodu gaadhsiisan yahay iyo baaqitaanka ay ku baaqeen in la isu soo baxaa baaxada ay yeelan doonto la dhawrayaa. Sidoo kale waxa laga walaacsan yahay fal celiska xukuumadu ay ka qaadan doonto arinkan.

Isku soo wada duuboo , waxa aan la odorosi karin meel xalku ka iman karo, waxase la hubaa in furdaaminta inteeda badan gacanta ugu jirto dawlada, halka mucaaradkana ku wacnayd inay dabacsanaan muujiyaan haddii xal silmiya la rabo.


Faallo Togaherer

--
FATAH
WITH RESPECT

No comments:

Post a Comment