Tuesday 8 September 2009

HAYADDA EDC OO MAANTA QABATAY XAFLAD LAGU FURYO BARNAAMIJ LOOGU MAGAC DARAY SHAQADOON

HAYADDA EDC OO MAANTA QABATAY XAFLAD LAGU FURYO BARNAAMIJ LOOGU MAGAC DARAY SHAQADOON

Waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Dugsiga Sare Ilays ee magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay taas oo ay kasoo qayb galeen ganacsadayaal,maamulka Gobolka,Hay'ada EDC,partners-kii lasiiyay qaybaha tababarka iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada.
Image and video hosting by TinyPic
Xafladan lagu qabtay hoolka shirarka ee Ilays Educational Acedemy ayaa waxaa ay ujeedadeedu ahayd furitaanka mashruuc loogu magac daray Somalia Youth Livelihood Program (SYLP) Shaqadoon kaas oo loo qabtay dhalinyarada aan helin waxbaarsho kuwaas oo lagu siinayo tabaro xirfadeed oo ay shaqo ku doonan karaan.
Image and video hosting by TinyPic
Ugu horayn ayaa waxaa halkaasi furay Cabdiqani Fooxle oo ahaa xidhiidhiyaha shirkaasi isagoo hadal kooban kadib ku wareejiyay Maxamed Xasan Nuur oo kamid ah hay'adda EDC hayshan qaabilsan isagoo xusay in barnaamijkani yahay mid ka ka socda saddex Gobol ee dalka Hargeisa,Ceerigaabo iyo Laascaanood uuna yahay mid dhalinta xirfado ay ku shaqo tagaan loogu samaynayo kaas oo ay hadda uu u socdo 1600 oo dhaliyaro ah Laascaanoodna ay heshay 300 dhalinyaro ah isagoo ganacsadayaasha iyo maamulka Gobolka ka codsaday inay shaqo siiyaan dadkaasi marka ay tababarka dhamaystaan loona baahan yahay in jiilka dhalinta la tix geliyo.

C/risaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) Gudoomiyaha ganacsatada Gobolka Sool ayaa waxa uu halkaasi si wayn ugaga mahad celiyay cidda barnaamijkan gacanta ku haya ee hay'adda EDC isagoo xusay inay tahay arin muhiim ah ayna si wayn usoo dhawaynayaan dhinacooda fursadaha shaqadana la baadhayaan.

Gudomiyaha Iskoolka Ilays C/salaan Tungub oo u hadlay partners-kii lasiiyay qaybaha tababarka ayaa waxa uu xusay inay hawshoodii si habsami ah u wadaan ayna tabbar casri ah siiyaan ayna soo saari doonaan dad barri ka muuqan doona Gobolka uuna ka codsanayo in ganacsatada iyo maamulkuba ay shaqo usii baadhaan isagoo xusay in waliba xafiisyada qaabka looga shaqeeyo aanu qaar u tababarnay.

Madaxa Bisha Cas Daakir Maxamed Warsame oo u hadlayay hay'adaha ayaa sidoo kale si wayn usoo dhaweeyay barnaamijkan shaqadoon isagoo xusay in bulshadu ay dhalinyaradu u tahay laf dhabarta iyadoo sidoo kalena Maxamed C/laahi Faarax (cagmadhige) oo u hadlay Ururada ahna Gudoomiyaha SVO uu xusay inuu si wayn ugu faraxsan yahay in dhalinta loo tababaro xirfad ay ku shaqo tagaan.

Ugu danbayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed isagoo si wayn ugaga mahad celiyay barnaamijkan Shaqadoon xusayna in maamulku uu shaqo siin doono dhalinyarada isagoo ugu danbayntii halkaasi xadhiga kaga jaray xafladii.
Wariye Axmed Saakin
Laascaanood

No comments:

Post a Comment