Tuesday 8 September 2009

WASIIRKA DAAKHILAGA SOMALILAND OO MAANTA SHIR JARAAID KU QABTAY XAFIISKIISA HARGAYSA

WASIIRKA DAAKHILAGA SOMALILAND OO MAANTA SHIR JARAAID KU QABTAY XAFIISKIISA HARGAYSA

Wasiirka daakhilaga jamhuuriyada Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa ka hadlay dhacdadii ay maanta kula wareegeen xarunta golaha wakiilada Somaliland taas oo uu sheegay in in artani timid kadib markii ay u baqeen xubnaha baarlamaan amaantooda taas oo gaadhay dagaal afkii soo dhagay oo gacanta la isula tagay .

Wasiirka Dakhilu waxa uu galabta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaas oo uu ku faah faajiyey dhacdadii maanta ka dhacday xarunta baarlamaanta isaga oo arintas ka hadlaaya cida awooda u leh iyo waxay faleen ciidankii nabad galyadu waxa uu yidhi
" Horta waan ka xumahay dhacdadii dhacday Maanta markii rabshaduhu ka dhaceen Golaha Wakiilada, markii hore ciidamada Boolisku gudaha may galin ee dibada ayay joogeen oo ay waajibaadkooda ku gudanayeen, dabadeedna markii ay dhacday in Hoolkii uu buuq ka dhaco oo dagaal ka dhacay oo Baaskooladu la iskula soo baxay ayaa kaliftay in ciidanka Boolisku galaan gudaha Baarlamaanka, markaa ciidamada Boolisku iyaga ayaa nabadgalyada ka masuul ah, oo taliyaha iyo taliye ku xigeenada goob joog ayay ahaayeen oo iyaga ayaa nabadgalyada ilaalinayay, waxa meesha geeyayna waxay ahayd wixii meesha ka dhacay ee fadeexada ahayd ee foolxumada ahayd ee waayadan oo dhan soo uraysay oo uu kow ka yahay Shir-guddoonku oo aan anigu u arko in ay mashruuc wataan, mashruucaas ma Interpeace ayaa soo bixisay, ma meel kale ayay ka soo qaateen, koley mashruuc cadow ku ah umadda reer Somaliland danaheeda iyo horumarkeeda iyo nabadgalyadeeda ayaa jira, laakiin mashruucaas cida fushanaysa waxaan leeyahay umadda reer Somaliland way arkaysaa.” sida waxaa yidhi mr Ciro mar uu ka hadlaayey arintii amaanka iyo dhacda golaha.


Sidoo kale waxa wasiiku geeska daray shirgudoonka golaha wakiilada taaas oo uu sheegay in shir gudoonku wado hawlo nabad galyo ximi ah taas oo uu faray shacabku in ay sameeyaan wax ka hor imanaaya nabad gelyad, waxaanuu wasiirku shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay ilaliyaan xasiloonida iyo nabad galeyada “Waxaan leeyahay reer Somaliland nabadgalyada cidna ugama marti tihiin oo nabadgalyada idinka ayaa ilaashada, nabadgalyo xumada dadka idiinku baaqaya idinka ayaa caqligiina ku shaandhayn doona ama ku garan doona, waxa aan ka xumahay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dadwaynaha ugu baaqayay in ay rabshado sameeyaan.Waxa kale oo aan leeyahay dadwaynaha ciidamada nabadgalyada ee Boolisku waa ciidamadiinii, marka ugu horeysana dastuurka qodobka 124-aad ayaa waxa uu qeexayaa waajibaadka ciidanka oo qofkii doonaya ee shaki kaga jiro kaas ayuu akhrisan doonaa, markaa nabadgalyada iyagaa ayaa ka masuul ah cid kasta oo ay ahaataba.”



Wasiirku mar uuu ka hadlaayey in baarlamaankii lasoo doortay uu hagardaamo u hor seedayo shacbakii soo doortay sidoo kale uu sheegay in interpeace aanay dalka soo xorayn ee dadkii xoreeyey ay joogaan nabad gelyadan ilaashanayaa aya waxa uu yidhi “Inta Interpeace sacabka loo tumayo ee loo gacan haadinayo ee loo yeedhayo, waxaan leeyahay Interpeace dalka may soo xoreyn ee dadka ayaa soo xoreystay oo nabadgalyadiisana ilaashanaya, waxa kale oo aan leeyahay waar mashruuca iyo dhibaatada iyo hagar daamada ka daaya umadeena. Waxa kale oo aan aad uga xumahay in Baarlamaankii dadkani doorteen ee ay is lahaayeen horumar ayay idin gaadhsiinayaan in ayaamahii ugu dambaysayba uu buuq ka taagnaa oo ay soo abaabuleen dadwaynihii, dadkana waxa soo abaabulay shir-guddoonka, Baarlamaankana ma lihi, waayo waxa ku jira rag badan oo mudakar ah.Waxa aan leeyahay Ciidanka Booliska ee uu maanta oo dhan ku celcelinayay shirgudoonka wakiiladu , waala na soo weeraray iyo ciidan ayaa na qabsaday, waar ciidanku kumay soo weerarine nabadgalyadaada iyo naftaada ayay ilaalinayeen.Ma jeclin in Baarlamaankii Somaliland dhexdiisa ayaa dhiig ku daatay la yidhaa, xabad ayay isku rideen ma jeclin, way is qabqabsadeen ma jeclin , ee wanaag ayaanu jecelahay, wanaag ayaynu halka ku soo gaadhnay, wada hadal ayaynu halkaa ku soo gaadhnay. Waxa aan hadalkayga ku soo gabogabaynayaa oo aan leeyahay Baarlamaanka in codkaa la idin siiyay in aydaan idinkuna sumcad xumo ugu abaal marin ee aad ka xun masruuca wata aad ka qabataan sida rag badanba sutida ugu hayaan."

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in ay shicibku dadkii soo ay soo doorteen ee ay is lahaayeen horumar ha idin gaadhsiinaayn maanta ay buuq iyo rabshan ay ka dhamaan la yihiin shacabkii soo doortayna ay dhib iyo hagar daamo u horseedayaan .

Togaherer
Haragaysa

No comments:

Post a Comment