Friday 11 September 2009

BAAQ SAMAFAL AH. XAFIISKA ABDI M SALEMAN MINGISTE

BAAQ SAMAFAL AH. XAFIISKA ABDI M SALEMAN MINGISTE

Baaq Samafal ah.

Xafiiska Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

11 Aug.2009

(Ogow in ay taageeradada ay sugayaan caruur badan oo AGOON ah,oo aan haysan ,waxa udubkaagu haysto.)





Ku:- Dhamaan Ganacsatada Somaliland.

Ku:- Jaaliyadaha Somaliland

Ku:- Guud ahaanba Shacabka Soomaliland/gudaha iyo dibadaba.





Sida aad la wada socotaan waxaa jira AGOON fara badan oo aad u yar yar,oo ku dhibaataysan dhamaan Gobolada dalkeena,kuwaas oo U bahaan taagero dhaqaale oo isugu jirta mid deg deg ah iyo mid xilli dheer loogu talo galaba .

Waxaad ogsoonaataan in ay jiraan caruur aad u yar oo ku jira xarumaha AGOONTA Somaliland oo u baahan waxa ay ubadkaagu u baahan yihiin ,amase ay haystaanba.

Waxaad ogsoonaataa in lagu guda jiro bishii RAMADAAN ee khayrka iyo naxariista badan cambaarsanayd,gaar ahaan 10 maalmood ee ugu dambeeyey.

Waxaad ogsoonaataan in AGOONTU ay yihiin mid ka mid ah meelaha ugu qaalisan ee sadaqada la siiyo/lagu bixiyo.





Haddaba walaalayaal waxaa si naxariis leh idiinka codsanayaa in aynu xasuusano/u howl galo dhamaan dadka tabarta daran ee ay sadaqadu ku baxay ,ajar iyo xasanaadna laga helayo.



Waxaan ku talin lahaa in sida ugu dhaqsaha badan loola xidhiidho xarumaha AGOONTA ee ka jira dalka ,wixii loo helana si toos ah loogu diro,dadka farahan ku haya xarumaha AGOONTANA waxaan ku talin lahaa in ay soo bandhigaan lagala soo xidhiidhayo.



AYNU KORINO AGOONTA.

AYNU KAFAALO QAADNO AGOONTA

AJAR BADAN AYAA KU JIRA EE CAAWIYA AGOONTA.



ALLAA MAHAD LEH.





Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment