Saturday 12 September 2009

GUDOOMIYAHA DUQAYTIDA S/L MD.SALEEBAAN OO DHACDADII MAANTA DUSHA KA SARAY XUKUUMADA.

GUDOOMIYAHA DUQAYTIDA S/L MD.SALEEBAAN OO DHACDADII MAANTA DUSHA KA SARAY XUKUUMADA.

Gudoomiyaha golaha duqaytida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu maanta u sheegay warbaahin in madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Daahir Riyaale Kaahin ka baxay balantii ay ku heshiiyeen ee aheyd in maanta oo Sabti ah golaha wakiilada la furo .

Mudane Saleeban Aadan wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sida tan.
"Heshiiskii anaga iyo madaxweyne Riyaale aanu ku heshiinay wuxu ahaa in golihii saaka furmo si caadiyana u furmo hawshiisiina uu wato wixii ciidamo ahna laga qaado . wixii ciidamo loo baahdo hadii goloyaashu u baahdaana labada shir gudoomiye waydiistaan."

Isaga oo halakiisa sii watana waxa uu ku daray Mudne Saleebaan "Warkii shalayto aan idinsiiyayna kaasuu ahaa . Golihii wali ma furmin waa xidhan yahay oo idiin sheegi maayo sababtuu u xidhanyahay ma garan karo, cida uu u xidhanyahayna waa xukuumada waad ogtihiin xukuumaduu u xidhanyahay . Wixii ka yimaadana iyagaa ka masuul ah oo ka warami doona" Kuwaasi waxay ahaayeen Gudoomiyaha golaha duqaytida Somaliland Mudane Saleebaan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan kama Bixin Faahfaahin dheeraada waxa dhacay wuxuna ku gaabsaday erayada Kooban wuxuna diiday inay saxaafadu wax su'aalo ah weydiiyaan.

Sidoo kale gudoomiyahu kama hadal khasaaraha saaka dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca keenay toona iyo waliba askarta ku dhawacantaytayba . isagoo sidoo kale laga sugayay inuu tacsi u diro dadkii ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay rabshadaha saaka ka dhacay Hargeysa .


Hargaysa
Togaherer

No comments:

Post a Comment