Thursday 3 September 2009

TALO IYO WAANO KU SOCOTA ARDEYDA JAAMACADAHA KA QALIN JABISAY

TALO IYO WAANO KU SOCOTA ARDEYDA JAAMACADAHA KA QALIN JABISAY

Talo Iyo Waano Ku Socota Ardeyda Jaamacadaha Ka Qalin Jabisey


Salaamu laahi Caleykum
Ilaahey Baa Mahad Oo Idil Iska Leh , inaa Dhigey Umad Islaam Ah Kuwaas Oo Wanaaga Isfara Xumahana Iska Reeba,
Ugu Horeyn Shacab weynaha Somaliland Meel walba oo ay jooga RAMADAAN KARIIM , Sanadkaa Sanadkiisa Bash Bash , Barwaaqo iyo Caafimaad Qab Ku Gaadha ,
Intaas ka dib waxaan qalinka aan u qaatey in aan Halkan u Mariyo Talo , Tusaale iyo Waano Ardeyda Jaamacadaha Dalka iyo Kuwa Dibadaba Sanadka Uga Qalin jabisey Reer Somaliland ,
Ardeydu waa Hubka iyo Saanada Ay leedahey Bulsho , Bulsho Kasta waxaa lagu qiimeeyaa Horumarka iyo heerka ay gaadhsiisantahey Waxbarashadiisa jaamacadeed ,
Somaliland Waxey ku Talaabsatey Horumar xaga waxbarashada sarre ah , Marka la eego ama la bar bar dhigo wakhtigii iyo waayihiii kale duwanaa ee ay soo martey ,
Horumarkaa iyo heerka ay gaadhey waxbarashada waxaa ka Masuul Ahaa Aqoonyahanda Somaliland kuwaas oo geed dheer iyo mid gaaban u korey sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen waxbarashada , Maantana ay Hadhsanayaan Midhihi iyo Tacabkee ay Beereen ,
Sanad kasta Tirro Badan oo ardeyd ah ayaa inooga Qalin jabiyey Jaamacadaha Dalka iyo Kuwad Dibadaha ku yaal , waana Mahad Ilaahey

Ardeyda Qalin jabisey Marka Hore Waxaan Xasuusin Lahaa in aaney Halkaas ku dhamaan Sidashada Qalinka iyo Buugu , se imikuun aad gasheen Albaabkii u horeeyey ee Tacliinta , Waxbarashadu iyo waliba wax dhigashadu ma dhamaato in qofka nool yahey , Ogsoonaada in Noloshu ay tahey cilmi Kororsi wakhti kasta ah , waxaa idinla gudboon in aad sii wadaan waxdhigashada sidoo kale ku dadaashaan sidii aad heer sarre ugu gaadhi laheydeen Tacliinta Jaamacadeed ,

Inta Badan waxaad Maqleysaa in ay dad badan ku afgobaadsadaan in wadanka aaney fursado shaqo oolin , Shaqo maaha wax meel iska taal ee waa shey ay sameeyaan bini aadamku , ardeyda qalinjabisey wadankii iyo shacabka ayaa u baahan , horumarka Somaliland gacmahooda ayuu ku jiraa , waxaan talo ugu soo jeedin lahaa in ay noqdaa ardeyda qalin jabisey qaar iyagu shaqo sameeya (Job Makers) , oo ay Niyadada Galiyaan in ay Abuuraan Karaan shaqooyin ,
Sidoo kale ay ku Baraarugsanaadaan Doorka ay ku leeyihiin Bulshada Dhexdeeda ee wax qabad ,
Waxaan Kula Dardaarmi lahaa ardeyda qalin jabisey gaar ahaan kuwa jaamacadaha Dibadaha ku yaal ka baxey , in ay wadankoodu u soo guryo noqdaan oo ay iska iloobaan u hanqal taagida meelo shisheeshe oo loo shaqo tago ,

Sida aynu wada ognahey wadankeena Jaamacadihiisu waxey bixiyaan tacliin gaadhsiisan Bachelor , Somaliland waxey u baahantahey aqoon sare oo Gaadhsiisan Ilaa Heer Diyaarinta Shahaadada PhD , Aqoonyahanad Somaliland waxaan kula talin lahaa in ay ka shaqeeyaan sidii tacliin sare wadanka looga hirgalin lahaa , Ardey Badan oo Maanta Jaamacadaha Dalka Ka Baxey Ayaan sii wadan lahaa aqoontooda ,

Guntii Iyo Gabo Gabadii , Waxaan Hambelyo iyo Bogaadin Halkan Uga Dirayaa Dufcada Lixaad ee ka Qalin jabisey jaamacada Hargiesa , Waxaan Ilaahey Uga Rajeynayaa Nolol Wanaagsan iyo Caafiimaad Qab ,

Mahadsanidiin


Fouad Abdisalam Hassan Haji
Public And Environmental Health
Alzeima Alzhari Universtiy
Khartoum /Sudan
National04@hotmail.com

No comments:

Post a Comment